Taariikhda ururka al-shabaab iyo waxyeeladiisa soomaaliya



waa urur cusub oo kusoobiiray saaxada siyaasadda somaliya kana shidaal qaata urur weynaha looyaqaano al-qaacidda , islamarkaana kajabay ururkii lamagac baxay –al-salafiyah al-jadiid oo kajabay isna ururrkii looyaqaanay al-itixaad al-islaami oo farac ka’ahaa ururadii hor-booday maxaakiimtii islaamiga ee Somalia oo kamid ahaa uraradii somaliya soogalay 9shameeyadii markii ey dalka somaliya kubaahday fowdadu.

Ururka al-shabaab : waa dhalinyaro is-baheysatay oo aan wax damiir ah laheyn oo lacabsiiyay fikrado shisheeye ,waana urur shacabka si wadajir ah uwaxyeeleeya oo mushkiladda somaliya sii shidaya ,

Waxaa jirtay in ururada diinta sheegta ee somaliya jooga uu kujiray damac siyaasadeed iyo hammi dowladeed >>> faaladani waa soo socotaa 12/12/2008

1 التعليقات:

Anonymous يقول...

MAXKAMADII MUNAAFAQIINTA

Waa maxkamadii munaafiqiinta oo uu iska leeyahay Xisbu Shaydhaan (Satanic Party). Waa Maxkamad Muslim iyo Gaalba ay la yaaban markay maqlaan cadaaladaradooda, waa maxkamad sharci Muslim iyo mid gaal midna aanku shaqaynin. Waa maxkamad magaca diinta Islaamka ku qaraabata laakiin haba yaraatee aan waxba kaga dhaqmin shareecada Islaamka oo weliba ku badalatay mabda’ii Abuu jahal iyo Mushrikiinal Carab ee ku salaysnayd in aan wax wanaaga iyo khayr aan qofna laga maqlin oo xitaa Rasuulkii (csw) Ilaahay (sw) u soo direy ay yiraahdeen ku buuqa si aan khayrka uu sheegayo loo maqlin iyo siyaasadii sharka, shaydhaanimada, dulmiga, dhiigyacabnimada, xukunboobka iyo khayrdarada ku salaysneed ee uu dejiyey faylasuufkii talyaaniga ee lagu magacaabi jirey makafeeli (Machiavelli).

Waa maxkamad Ragga matalaya aan marna cadaalad aan looga fadhiyin. Meesha ay degaaan oo saldhig ka dhigtaan dulmiga ayaa ka toosa, ama ha ahaato masaajid Ilaahay, ama madarasad, ama jamciyad ama machad Isaami ah. Meeshay degaan balaayaa degtay oo shaydhaan,belaayo iyo dulmigaa ka tooso. Waa maxkamad dulmi ku bilaabata kuna dhamaata, waa maxkamad aan dacwadaada marna aan lagaa dhagaysanayn oo aan laguu ogolayn in aad hadasho oo waxa jira iyo waxa aad tabanayso aad sheegato intaan lagu xukumin ka hor. Waa kuwa ugu sharta badan khalqiga Ilaahay meesha aan degenahay inta magac muslim sheegata intaan ogsoonahay. Waa dad isu bahaystay shar iyo dhib in ay ula taagnaadaan muslimiinta, oo au ku dadaalaan siday u majaxaabin lahaaheen qofkasta oo muslim ah oo diida in uu ku biiro oo uu xubin ka noqdo Xisbu Shaydhaanka (Satanic Party) ee ay ka tirsan yihiin. Sharka deeqsiyiin bayku yihiin wanaaga iyo khaykana bakhiiliin. Walaal isbarbardhig aayadaan iyo belaayadaan taagan oo xoog ku qabsatay qaar masaajideena ka mis ah.

الْمُنَافِقُونَ وَالْمُنَافِقَاتُ بَعْضُهُم مِّن بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمُنكَرِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمَعْرُوفِ وَيَقْبِضُونَ أَيْدِيَهُمْ نَسُواْ اللّهَ فَنَسِيَهُمْ إِنَّ الْمُنَافِقِينَ هُمُ الْفَاسِقُونَ (9:67)

“Munaafiqiintu rag iyo haweenba qaarkood qaarka kale yuu ka ahaaday waxayna faraan xumaanta, waxayna ka reebaan wanaaga, waxayna laabaan gacmahooda (wax ma bixiyaan) Eebayna halmaameen isna aabayeeldarro yuu kula dhaqmay, munaafiqiin iyaga unbaa faasiqiin ah.”

Waa maxkamad ay aad iyo aad ula yaabaan qofkasta oo looga sheekeeyay. Waa maxkamad ka liidata maxkamad kasta oo aad maqashay ama aad aragtey. Waa maxkamad qofka la xukumayo danbigiisa aan la garanaynin. Waa maxkamad kuwa wax xukumaya aysan aqoon waxa ay xukumayaan isla markaana aan loo ogolayn in ay akhriyaan dacwada ay xukumayaan, sababtoo ah haday akhriyaan qoraalka diidaya taageerada gumaysida qarsoon(tigreeyga khamiiska xiran ee magaca diinta Islaanka ku qaraabta “Al-Qaacida”) isla markaana baaritaana sameeyaan waxaa hubaal ah in ay Raggani wax badan fahmayaan oo hurdada ka toosayaan. In ay si buuxda uga caafimaadi doonaan khuraafaadkan diinta looga dhigay ee ah “ Carab luga dhaadheer baa kursi laga kecinayaa oo Carab luga gaagaaban baa lagu fariisinayaa waa cibaado oo Ilaaha (sw) Caadilka ah baa loogu dhowaanayaa; Carab reer waqooyi ah baa kursi laga kicinayaa oo carab reer koonfureed ah baa lagu fariisinayaa waa jihaad oo janno fardawsa ayaa lagu gelayaa, Al –Sacuud baa kursi laga kicinayaa oo Usama Bin Ladin iyo ururukiisa Al-Qaa’ida baa lagu fariisinayaa oo dan iyo maslaxo ayaa noogu jirta in aanu hawshaa ka qayb qaadano, danta noogu jirtaa maxay tahay aduun iyo Aakhiro, tiitiin siib, tiitiin talaal, tiitiin siib, tiitiin talaal tiitiiin siib, tiitiin talaal.

Weligaa niman wadaada ah oo ka been badan ma maqashay? Weligaa niman wadaada ah oo ka khuraafaad badan ma aragtey?” Waa maxkamad aad isleeyahay xitaa shaydhaanku waa la yaabaa waxay nimankani masaajidka Ilaahay gudihiisa ku samaynayaan.

Waa maxkamad saqiir iyo kabiirba ka yaabisa, waa maxkamad dhinackasta oo aad ka fiiriso ku yaab gelinayso. Waa maxkamad agteeda wax aan shar, khayrdaro, cadaalad xumo iyo dulmi oo keliya loogu yimaado, waa hoygii kooxaysiga iyo dulmiga, waa xaruntii khiyaamada iyo cadaalad darada, waa xaruntii dhexe ee xisbu shaydhaanka (Headquarter of Satanic Party).

Waa maxkamad masaajid Ilaahay dhexdii lagu qabtay oo wax lagu xukumayo sharcigii carabtii mushrikiinta ahayd ee dagaalka kula jirey Ilaahay (sw) iyo diintiisii. Waa maxkamad hadii mar lagu soo taago wadaad danbe oo gadhweyn aadan aaminayn. Waa maxkamad hadii lagu soo taago aad markaad maqasho shareecada wax halagu xukumo aad si fiican uga fiiran midka khamiiska soo xirtey in uu daacad yahay oo uu run sheegayo iyo in uu yahay ergi shaydhaan (Evil envoy) oo xubin ka ah xisbi shaydhaan oo doonaya in uu ku hoos geeyo carab cunsuri ah oo gumaysi ah oo khamiis, cimaamad, muuqaal Islaam, af macaan, midnimo muslimiinta oo dhan, khilaafo iyo walaal tinimo been ah kugu siraya. Waa maxkamad aan jeclaan lahaa in aad goob joob u noqoto oo aad indhahaaha ku aragto wax walba oo magac diineed ku qaraabta khayr masoo wadaan, qaar ka mid ah shaydhaanka waxba kama duwana. Qaar kamid ah cadaalada wayba ka caroodaan oo maba maqli karaan wax cadaalad ah haba yaraatee. Waxay diinta islaamka u haystaan Salaad, Soon , gadhweyn oo lala baxo iyo qori la qaato oo xabad la diro.

Maxaa qoriga loo qaadanayaa oo loo dagaalamayaa? Maba isweydiin, yaa cadaalad badan idinka iyo kuwaad la dagaala meysaan ee aad kuraasta isku haysataan? Hadaad tuug cayriso oo aad tuug kale loo xareysato maxaad soo kordhisey saw sheekadu maaha “kud ka guur oo qanjo u guur.” Rabbi talo ku filan ee maxaan sameynaa?
Waxay doonayaan wax dulimigooda u sharciyeeya oo yiraahna indinkaa saxsan oo xaqa ku taagan. Waxay doonayaan in lagu mahdiyo wanaag aysan samaynin. Nin noolow maxaa aragti kuu laaban. Bal walaal is barbar dhig waxa ayadani ka hadalayso iyo waxay nimankani samaynayaan.

لاَ تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ يَفْرَحُونَ بِمَا أَتَواْ وَّيُحِبُّونَ أَن يُحْمَدُواْ بِمَا لَمْ يَفْعَلُواْ فَلاَ تَحْسَبَنَّهُمْ بِمَفَازَةٍ مِّنَ الْعَذَابِ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ (3:188)

“Haw Maleyn kuwa ku farxa waxay la yimaadaan oo jecel in lagu mahdiyo waxayna falin haw malayn in ay ka nabadgeli cadaabka waxaana u sugnaadey cadaab daran.”

Waa maxkamad afarta nin ee wax xukumaysa aysan aqoon u lahayn kiiska ay xukumayaan, hadaad weydiiso danbiga aad qofkan ku xukumaysaan ma garanaysaan waxay ku oronayaan sadex xaakimiinta ka mid ah maya, midka afaraadna wuxuu ku oronayaa waxbaan ka akhriyey laakiin qoraalka oo dhan ma wada akhrinin. Ilaahay baan kugu dhaarshey kuwaas cadaalada laga sugayaa maxay tahay? Maanta iyagoo ah masaakiin qaxooti ah oon waxba haysanin qofka cadaalad samayn waayey beri haduu madax noqdo wax cadaalada maka sugaysaa?

Kuwan iyo tigreeyga umada baabi’iyey yaa cadaalad badan? Kuwan iyo shaydhaanka laga acuudi bilaysto yaa cadaalad badan? Maanta dhibaa taagan berina dhibkale ayaa soo socda oo kumani haday guuleystaan soo wadaan, oo qofkii gumaysigooga diida layskuba dayayaa in diinta laga fidneeyo sida shaydhaankii.Dhibay muslimiinta ula taagan yihiin habeen iyo maalinba. Rabbi (sw) isagoo nooga digaya kuwa dadka muslimiinta dhibka ula taagan waxay lee yihiin wuxuu yidhi.


وَالَّذِينَ يُؤْذُونَ الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ بِغَيْرِ مَا اكْتَسَبُوا فَقَدِ احْتَمَلُوا بُهْتَانًا وَإِثْمًا مُّبِينًا (33:58)

“Kuwa ku dhiba Mu’muniinta Rag iyo haweenba waxayna kasbanin waxay xambaareen been abuurasho iyo dambi cad.”


Waa dulmiga kowaad in maxkadii Islaam sheeganaysay aanba loo ogalaan laba qof ee wax dhex mareen midka mid ah in uusan hadlin maxaa yeelay lacag ma haysto, waxaa hadli kara oo keliya carabka lacagta leh ama ninka ay kiresteen (calooshii u shaqayste) ee u hadlaya oo u taagan habeen iyo maalin danaha gumaysiga qarsoon. Walaal qofku markuu xanuun sado waxaa loo qoraa? waa dawo, saw maaha? bal kawaran dawadii haday xanuunsato maxaa la sameynayaa? Waxaa musliintu isku ogaayeen kitaabta iyo Sunnada Rasuulka(csw) hala raaco oo halagu dhaqmo, laakiin waxaa qaar ka mid ah ragga aqoonta diinta sheegta ku bedesheen kitaabtii Quraanka ahaana kartoon timir ah, Xadiiskii Rasuulkana xoogaa lacaga ah. Mabda aad iyo aad u foolxun oo ku dhisan calooshii u shaqeystenimo ah hadba kooxdii wax aduunyo isiisa ayaan la safanayaa oo af iyo adin dagaalka la gelayaa, walaal diinta ilaahay aynu dib ugu noqono. Haday laba kooxood oo muslimiin ah dagaal dhex maro maxaynu sameyneynaa? Ma hadba kooxdii xoogaa u dhiibta sheeqeena calooshii u shaqeysta ah ayaanu la safaneynaa? Dagaalka maanta u dhexeeya labadan kooxood ee muslimiinta ah ee kala ah Al-Sacuud iyo Usama Bin Ladin iyo ururkiisa Al-Qaacida xalka inala gudboon muxuu yahay? Maxaynu samaynaa? Taas Rabbi (sw) oo ina barayaa wuxuu yidhi:-
وَإِن طَائِفَتَانِ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ اقْتَتَلُوا فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا فَإِن بَغَتْ إِحْدَاهُمَا عَلَى الْأُخْرَى فَقَاتِلُوا الَّتِي تَبْغِي حَتَّى تَفِيءَ إِلَى أَمْرِ اللَّهِ فَإِن فَاءتْ فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا بِالْعَدْلِ وَأَقْسِطُوا إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ (49:9)
________________________________________
إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ (49:10)
Haday laba qolo oo mu’muniinta ah dagaallamaan heshiisiiya dhexdooda, hadday midu ku xadgudubtay intay amarka Eebe ugu noqoto (xaqa aqoonsato), Hadday u noqotana si caddaalad ah u wanaajiya dhexdooda una garsoora, Eebe wuxuu jecel yahay kuwa garsooree. (Al-Xujuraat 9)
Mumuniintu waa uun walaala, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Eebana ka dhawrsada, waxaad u dhawdihiin inuu idiin naxariistee. (Al-Xujuraat 10)

Walaal balka waran sheekhii caalimka ahaa hadii uu aayadii si fiican u yaqaano macnaheeda iyo waxay ka hadlayso isla markaana intuu masaajidka dhex fariisto uu umada u fasirayo, laakiin ayaan daro marka masaajidka laga kala dareero oo nalka masaajidka la damiyo diintiina way dantay, oo xaqii waxaa lagu bedelay dulmi, xalaashii waxaa lagu bedelay xaaraan, cadaaladii waxaa lagu bedelay dulmi.

Waxaa hubaal ah laba kooxood oo loolan siyaasadeed ka dhexeeyo oo waxay isku hayaan ay tahay siyaayad iyo kursi, oo weliba qolaba qolada kale dhiigooda xalaashatay, hadaad qolo walba aad warkeeda iyo dacaayada ay akhrinyaan dhageysato, waxay kuwa kale ku sheegayaan waxkasta oo xun oo qof bin aadan ah lagu sheego. Hadaba walaalkeyga muslimka ahow xalku muxuu yahay? Haday labadan kooxood ee muslimiinta ahi midka mid ahi kuu yimaadaan oo ay balaayo dhagaha kaaga akhriyaan xalku muxuu yahay? Miyaad iska rumaysanaysaa waxay sheegayaan? Ma seeftaad galka kala baxaysaa? Ma qori baad qaadanaysaa oo aad koox ka mid ah u dagaalmaysaa si aad dhiig muslim u daadisid? Taas Ilaahay (sw) ayaa na baray oo wuxuu yidhi:-

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِن جَاءكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَأٍ فَتَبَيَّنُوا أَن تُصِيبُوا قَوْمًا بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا عَلَى مَا فَعَلْتُمْ نَادِمِينَ (49:6)

Kuwa xaqa rumeeyayow hadduu idiinla yimaaddo faasiq war, hubsada, si aydaan dad u dhibin ogaansho la’aan, markaasna aad shallaydaan waxaad fasheen.(Al-xujuraat 6)

Walaal waxaa runtii ah wax aad iyo aad looga murugoodo markaad aragto qof muslim ah oo aqoonku filan diinta Islaanka u leh, markii cabsi uu ka baqayo in wax laga sheego darteed uu diintiisii ugu cararo iyo in uu garab istaago walaalkiisa xaqa ku taagan iyo gabanimodoonka u taagan inay dalkooda ka xoreeyaan labadan gumaysi TPLF iyo AL-QAACIDA. Walaal sidaas ogsoon tahay diinta Islaamku ma’aha soon iyo salaad oo keliya, ma’aha gadhka oo la siideysto iyo khamiis iyo cimaamad madaxa lagu xirto oo keliya. Walaal diintu sow ma’aha mabda’a qofka muslimka ahi uu ku dhaqmo dhibkasta oo jirana lagu xaliyo? Haday dad muslimiin ahi wax dhexmaraan ama aad aragto walaalkaa muslim ah oo wax khalad ah ku hadlay ama warqad ku qoray maxaad isticmaali lahayd? Maaxaad isticmaali lahayd oo aad dhibaatadan ku xalin lahayd? Ma waxaad isticmaali lahayd mabda’ii Nebi Maxammed (csw) ee ku dhisnaa cadaalada, sinaanta, is xaq dhawrka, iyo edebta, mise waxaad isticmaali lahayd mabda’ii Abuu jahal iyo carabtii mushrikiinta ahayd ee Nebi Maxammed (csw) dagaalka kula jirey ee ku dhisnaa in aan marna xaqa la maqlin, in aan qofka khayrka sheegaya hadalkiisa la maqlin, in waxa uu sheegayo loo diido in ay umada maqasho oo laga hor istaago, in lagu buuqo oo aan loo ogolaan in uu hadlo oo uu gartiisa sheegto. Sow mabda’a qofka muslimka ahi ma ahayn “Gar waa loo Islaam” sow xusuus ma mudna hadalkii awoowyadeen ee ahaa “Gartu Alle keliya ayay taqaanaa.”

Marna sida libaaxyada ayuu u hadlaa oo guuxuusa ayuu ka dheereeyaa, marna hadal dicaayada oo laga fidiyey iyo harkiisa ayuu ka cabsanayaa oo wuxuu u ciyayaa sida guduudanaha. “Guduudane marbuu kugu noqdaa Aar gantaale.” Abaanduulihii umada oo harkiisa ka cararaya. Marka uu masaajidka makaroonfankiisa ku hadlayo wuxuu iska dhigayaa in uu yahay geesi afar xiniinyood leh iyo “Aarkii Afrika” marka ay isaga iyo ardaygiisu wada hadlayaan murugada, tiiraanyada, rafaadka ,cabsida, walwalka, walbahaarka, iyo waxa dhib wajigiisa ka muuqda waxaad moodaa daanyeer weyn (Gaaxuur) oo roob mahiigaan ah ku helay erigo’an cidla oo geed, guri iyo god laga gala midna helin oo dhibicdii oo dhan dushiisa ku dhamaatay, kadibna dhaxan aad u qabaw iyo gaajo daran isugu darsameen. Wuxuu ku farayaa cabsi oo wuxuu difaacayaa danbiilayaal dhiig yacabiin ah, oo wuxuu doonayaa in aan waxba laga sheegin gumaysiga kharsoon. Walaal waxaad isbarbar dhigtaa waxa ay aayadahani sheegayaan iyo waxa caawa taagan.

إِنَّا أَنزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ بِمَا أَرَاكَ اللّهُ وَلاَ تَكُن لِّلْخَآئِنِينَ خَصِيمًا (4:105)
وَلاَ تُجَادِلْ عَنِ الَّذِينَ يَخْتَانُونَ أَنفُسَهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يُحِبُّ مَن كَانَ خَوَّانًا أَثِيمًا (4:107)
________________________________________
يَسْتَخْفُونَ مِنَ النَّاسِ وَلاَ يَسْتَخْفُونَ مِنَ اللّهِ وَهُوَ مَعَهُمْ إِذْ يُبَيِّتُونَ مَا لاَ يَرْضَى مِنَ الْقَوْلِ وَكَانَ اللّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطًا (4:108)

“(105)Anagaa kugu soo dajinay kitaabka si xaq ah inaad ku kala xukunto dadka dhexdiisa wuxuu ku tusiyo Eebe, hana u noqonin khaa’in u doode.
(106) Dembi dhaaf warso Eebe, Ilaahay waa dambi dhaafe naxariista.
(107) Ha ka doodin kuwa khayaamay naftooda, Eebana ma jecla khayaamo badane Dambi badan.
(108)Waxay iska qarin dadka iskamana qariyaan Eebe isagoo la jooga markay maamuli wuxuusan raali ka ahayn oo hadal ah, Eebena waxay camal fali wuu koobay.”

Walaal bal ka waran hadii sheekhaagu markuu dadka wax u sheegayo uu wax wanaagsan umada u sheego, markii gooni ardaygiisa ula baxana wixii hada uu sheegayay wax lid ku ah oo ka soo horjeeda ayuu ardaygiisa ku waaninayaa. Oo umadii uu hadda markuu nalka daarnaa la hadlayey ayuu iska qarinayaa. Ilaahow sheedhaan wax ha noogu darin.
Xisbu shaydhaanka qofkii ku biira in taan Aakhiraba la gaarin aduunkuu ku cadaaban yahay.

Walaal bal kawaran haduu sheeqaagu markuu mekerefoonka masaajidka ka hadlayo uu umada oo dhan amrayo calool adeeg, geesinimo, isku kalsonaan uu umada oo dhan u sheegayo, markuu adiga keliya uu gooni kuula baxan uu ku farayo calool jileec, fulaynimo, kalsooni darro iyo carar, ha dadlin, wax ha qorin, hadaad wax qorto waana dacaayadeenayaa. Balka waran hadduu sheekhaagu diinta uu dadka u sheegayo uu isagu ku dhaqmeen? Sheekhu dadka khayrka wuu usheegaa laakiin isagu kuma dhaqmo.
Rabbi oo arintaas nooga digayaa wuxuu yidhi.

أَتَأْمُرُونَ النَّاسَ بِالْبِرِّ وَتَنسَوْنَ أَنفُسَكُمْ وَأَنتُمْ تَتْلُونَ الْكِتَابَ أَفَلاَ تَعْقِلُونَ (2:44)

“Ma waxaad faraysaan dadka wanaaga oo aad halmaamaysaan naftiina idinkoo akhrin kitaabka miyeydaan wax ka sayn.”

Balka waran hadduu sheekhaagu uusan daacad ahayn, diinta waa yaqaanaa, laakiin daacadnimo iyo isagu kala dheer, diinta wuu yaqaanaa dadka wuu usheegaa laakiin isagu kuma dhaqmo, wanaaga umada wuu faraa laakiin isagu kuma dhaqmo. Wuxuu dadka ku wacdiyaa in ay Sunadii Nebi Maxammed (csw) qaataan taas oo ah hadii qof muslim ah aad qalad ku aragto ha ahaato wuxuu ku hadlay ama uu qorey in aad si tartiib ah aad u waaniso oo aad waxa ugu sheegto taas oo Rabbi (sw) kitaabkiisa Quraanka noogu sheegay markuu yidhi:-
فَذَكِّرْ إِن نَّفَعَتِ الذِّكْرَى (87:9)
________________________________________
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخْشَى (87:10)
________________________________________
وَيَتَجَنَّبُهَا الْأَشْقَى (87:11)

“(9) Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu. (10) Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee. (10) Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune.”

Jidkan toosani ee ay aayadani sheegeyso waa jidkii Allah (sw) na faray in aan raacno oo qabsano, markasta oo aanu ku aragno qof muslim ah oo walaalkeen ah waxa xun in aanu u digno oo ka waanino xumaaanta uu faraha kula jiro haduu naga qaato way fiican tahay, haduu diidana isaga ayaa qabriga la geli oo loo ciqaabi doonaa hadaan Rabbi (sw) u danbidhaafin. taas waxaan ula jeedaa in aysan marna nagu xambaarin in aan diinta dhinac marno oo aan mabaadii kale oo kasoo horjeeda diinta Rabbi (sw) aan mabda’ ka dhigano taas oo ah in qofka wax idin dhexmareen aad ku buuqdo, ku qayliso oo aad isticmaasho mabaaadii aad iyo aad u fool xun, wixii ay doonaan ha ku magacaabeen diin laa wayaasha , munaafiqiinta, gaalada iyo shaydhaamada qamiisyada xiran haday rabaan hayiraahdaan waa “psychological war ; political war; panic war” magacay doonaan ha ula baxeen ee waa siyaasad dulmi, khayrdaro, shar iyo xaqdaro ku salaysan oo ay isticmaali jireen carabtii mushrikiinta ahayd ee dagaalka kula jirtey diintii Ilaahay, isla markaana ku dadaalayay khayrka in aan la maqlin taas oo Rabbi (sw) Quraankiisa noogu sheegay markuu yidhi:-

وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لَا تَسْمَعُوا لِهَذَا الْقُرْآنِ وَالْغَوْا فِيهِ لَعَلَّكُمْ تَغْلِبُونَ (41:26)

“Waxay dhaheen kuwii Gaaloobay ha maqlina Quraanka kuna qaylya (marka la akhrin) waxaad u dhowdihiin in aad adkaataane.”

Walaal siyaasadaan foosha xun qofka ku dhaqmaa muxuu agtaada ka yahay? haday arin idin dhexmarto intaydaan kulmin ayuu qaar asxaabtiisa oo ay sharka isu bahaysteen ka sii dhaadhicinayaa wuxuu doonayay, kadibna markuu shirku furmo waxay doodu dhexmaraysaa adiga oo aan ogayn in ay raganni sii wada hadleen iyo in kale iyo in rag hore xumaantaada heshiis ugu ahaa in uu midba dhinac hadalka haaga keeno oo laguu diido in aad hadasho oo aad gartaada sheegato khaldanow ama saxsanow qof bini aadan ah ayaad tahay,laakiin maba laguu ogolaanayo in aad hadasho, sababtoo ah hadaad dadasho xaqa ayaad sheegeysaa dadkanina xaq ma rabaan.Walaal hadaad aragto dad sheeganaya in ay muslimiin yihiin oo kitaabkii Quraanka ahaa ku bedeshay kartoon timir ah, xadiiskii Rasuulkana(scw) ku bedeshay xoogaa lacag ah,maxaad samayn lahayd?

Hadba ninkii xoogaa u dhiiba ayaa xaqa ku taagan oo ay la saftaan, haday boqortooyada Al-Sacuud wax siiso gar iyo gardaraba iyaga ayay garab taagan yihiin oo ay la safan yihiin habeen iyo maalin, dhinaca kale haddii nimanka mucaaradka ah ee u halgamaya in ay ku fariistaan kuraasta Reer boqor(Al-Sacuud) ee Usama Bin ladin iyo Ururukiis Al-Qaa’ida ay wax siiyan iyaga ayay la safan yihiin oo kabaha u sidaan, oo la safan yihiin habeeen iyo maalin, waa daneystayaal khaa’imiin ah oo magaca diinta Islaamka ku qaraabta. Waxa ay ka shaqeynayaan waa shar iyo dhiig muslim daadintiisa, Dadkani calaamadihii shaydaanka ayay leeyihiin ee ma shayaadiin insi baa, mise waxay ka amar qaataan shayaadhiinul jinni? Jawaawta adigaan kuu daayey.
Walaal dadkani waxay ka dhex baxeen cadaaladii iyo dhex dhexaad nimadii tiirka u hayd diinta Islaamka eek u salaysnayd in aadan weligaa qofna ka eexan, qofna u eexan oo aad mar walba mabda’aagu uu ahaado “Gar waa loo Islaam”. Qofka diintiisa ka dhexbaxa Rabbi baa na baraya oo wuxuu yidhi:-

وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ الَّذِيَ آتَيْنَاهُ آيَاتِنَا فَانسَلَخَ مِنْهَا فَأَتْبَعَهُ الشَّيْطَانُ فَكَانَ مِنَ الْغَاوِينَ (7:175)

وَلَوْ شِئْنَا لَرَفَعْنَاهُ بِهَا وَلَـكِنَّهُ أَخْلَدَ إِلَى الأَرْضِ وَاتَّبَعَ هَوَاهُ فَمَثَلُهُ كَمَثَلِ الْكَلْبِ إِن تَحْمِلْ عَلَيْهِ يَلْهَثْ أَوْ تَتْرُكْهُ يَلْهَث ذَّلِكَ مَثَلُ الْقَوْمِ الَّذِينَ كَذَّبُواْ بِآيَاتِنَا فَاقْصُصِ الْقَصَصَ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ (7:176)
“(175) Ku akhri korkooda kii warkiisa aan siinay Aayaadknaga oo ka siibtay shaydhaana uu raacay (isaga) noqdayna kuwa baadida ah.
(176) Haddaan doono waanu koryeeli lahayn, hasa yeeshee wuxuu u iishay dhulka (Aduunyo jacayl) wuxuuna raacay hawadiisa, wuxuuna la mid yahay Eey haddaad erido wuu lalmin carrabka, haddaad deysana wuu lalmin, saasna waa masalka qoomka beeniyaey Aayadkanaga ee ugu warran qisooyin inay waantoobaan.”


Walaal waxaa laga yaabaa in aad tiraahdo ragga aad sheegeysid anigu magaranayo,
Sidaas awgeed waxaan jecelahay in aad kuu sheego tixdan gaaban ee ah.

Ragga xalaasha diidey ee xaraanta quuta waa taqaanaa
Ragga Rabigood ka iimaan baxay ee beni-aadan aaminey waa taqaanaa
Ragga maka xaqirey ee xaramaka xabadeeyey waa taqaanaa
Ragga xaqa diidey ee riyaalka caabuda waa taqaanaa
Ragga Aakhiradoodii aduunyo siistey waa taqaanaa
Ragga cimaamadaha duubtey ee timirta caabuda waa taqaanaa
Ragga runta diidan ee beenta doortey waa taqaanaa
Ragga gobanimadoonka diidey ee gumaysiga doortay waa taqaanaa
Ragga sunada diidey ee makafeeli iyo mushrikiinul carab doortey waa taqaanaa


Walaal si fiican ma u fahantey belaayada aan ka hadlayo, hadaba waxaan rabaa in aan su’aaal ku weydiiyo taasoo ah, Munaafaq magac Muslim ku qaraabta iyo gaal haday dagaal dhex maro yaad la safaneysaa? Rabbina wuxuu noo sheegey in munaafaqu uu gaalka ka hooseeyo.



إِنَّ الْمُنَافِقِينَ فِي الدَّرْكِ الأَسْفَلِ مِنَ النَّارِ وَلَن تَجِدَ لَهُمْ نَصِيرًا (4:145)
“Munaafiqiintu waxay ku sugnaan dabaqada hoose ee Umanaheshid gargaare.”

Ragga waxaa samaynaya maxaynu ku magacaabi karnaa, ma muminiinbaa, mise waa munaafikhiin? Ma ahlu khayrbaa mise waa ahlu shar? Ma awliyo Ilaahaybaa mise waa awliyaa u shaydhaan? Xisbiga ay ka bahoobeen oo ay xubno ka yihiin dadkaas magaca diinta ku qaraabta, laakiin ku dhaqma siyaasadii mushrikiinul carab iyo makafeeli maxaynu ku magacaabi karnaa ma xisbul munaafiqiinbaa, mise waa xisbul khaa’imiin, mise waa xisbul shaydhaan (Satanic Party)? Nimanka waxaas oo dulmi ah samaynaya ma Salafiyiinbaa, mise waa Sisiliyaan Mafiya? Ninka waxaan aragtey ama maqashay ee khaa’in ah isku duba rita haduu amiirnino sheegto maxaynu ku magacaabi karnaa ma amiirul munaafiqiinbaa, mise waa amiirul khaa’imiin, mise waa amiirul shayaadhiinul insi? bal ka waran muuqaal muslin iyo mabda munaafaq, afmacaan ,maaweelo been ah iyo khiyaamo malabaysan. Walaal saw ma’aha wax lala yaabo, dad diin sheeganaya oo diintu ka dhamaato oo ay ku soo hareen sidii abwaan Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle) sheegayey markuu yidhi:-

Qisas baa kusoo harey Ibliis qayb ku leeyahay.

Walaal waxaan doonayaa in aad ila fiiriso yaabka aan anigu arkey, ma aha in aan kaa yaabiyo, laakiin waxaa weeye in aad xal raadiso oo aad isku daydo in aad cudurkan dawo u hesho.

WALAAL SAW WAX LALA YAABO
MA AHA?

Magac khaliifo la bax maamul manaafaq yeelo, masiibo ka weyn weligaa ma maqashay?
Magac khaliifo isku magacaw, maamul iyo manhajkii mushrikiinul carab iyo makafeeli masaajidkii Ilaahay dhexkeen masiibo ka wayn weligaa ma maqashay?

Maro Muslim soo xiro, magac Islaam soo huwo, siyaasadii gaalkii makafeeli maxkamad Islaam ku magacaw masiibo ka wayn weligaa ma maqashay?

Cadaalad baan soo wadaa muslimiinta aan ku aqoonin ugu sheekee, maangaabkana meel ku ururso inay mu’muniimta madaxa kasoo guraan, masiibo ka wayn weligaa ma maqashay?
Ma eexdo muslimiinta aan ku aqoonin ugu sheekee, hadba carab siyaasi ah oo kursi doonaya oo xoogaa aduunya ah ku siiyey taageer, masiibo ka weyn weligaa ma maqashay?
Magac Islaam iyo shareecaa wax lagu maamuli muslimiinta ugu sheekee, manhajkii abuu jahal, mushrikiinul carab iyo makafeeli masaajidka dhexkeen, wax ku maamul, waxna ku xukun, masiibo ka wayn weligaa ma maqashay?

Dhiig yacab qofkii muslim ah ee diida in uu xisbu shaydhaanka xubin ka noqdaba ku magacaaba, murtad, munaafaq, basaas , gaal iyo magacyo xunxun, maalinta nabada isku magacaaba Salafi, muwaxid, mu’min iyo mujaahid, iyo magacyo fiifiican. Maalinta Colaada isku magacaaba Tabliiq, “Intaan waqlaha iyo wareerku dhicin Gaashaanle wanaag sanaydaa.” Goronyadii madaxa dhulka gashatey ee moodeysay in jirkeeda oo dhami wada qarsoon yahay, doqonkaaa doonayo in uu na hoos geeyo carab cunsuri ah, masiibo ka wayn weligaa ma ma qashay?

Carabaa kursi laga kicinayaa carab kalaa lagu fariisinayaa, waa cibaado oo Ilaaha caadilka ah baa loogu dhowaanayaa, masiibo iyo beenka wayn weligaa ma ma qashay?

Carabaa kursi laga kicinayaa carab kalaa lagu fariisinyaaa waa jihad oo jannaa lagu gelayaa, masiibo iyo beenka wayn weligaa ma ma qashay?
Qaxdaani Qarash haya baanu Qurayshka dhigeynaa ee qofna ha’u sheegin, khuraafaad iyo been ka weyn weligaa ma maqashay?

Reer Al –Sacuud baa kursi laga kicinayaa oo Usama Bin Ladin iyo ururkiisa lagu fariisinayaa, waa jihad oo janno fardawsaa lagu gelayaa masiibo iyo beenka wayn weligaa ma ma qashay?



Walaal wax sheega, wacdiga iyo waanada dadka ahlu khayrka ahi sida Nebiyada , Saalixiinta Culimada daacada ah, ahlu khayrka, iyo awliyada Ilaahay wuxuu ku salaysan yahay in ay kuu sheegaan wax adiga dani kuu jirto oo hadaad samaysana ay adiga kuu fiican tahay, hadaad diidana ay adiga keliya danbigaagu uu ku dhibayo, laakiin dadka ku gabanaya magaca diinta oo isu haysta in ay yihiin dad caqli badan laakiin ah doqonimo aad iyo aad u daran oo ay moodaan in ay dadka ka caqli badan yihiin oo ay siri karaan , waa tii hore uu uga gabyay abwaankii weynaa Cabdillahi Suldaan Timacade Ilaahay Naxariis iyo Janno haka waraabiyee markuu yidhi “ Doqonimo kugu baahday baan ciddi dabiibayne.”Maangaab yadan lagu adeegto ee loo adeegsanayo in umadooda lagu baabi’iyo oo lagu gumaysto iyo waxaad is barbar dhigtaa waxa Rabbi uu kitaabkiisa Quraanka noogu sheegay markuu yidhi:-

إِنَّ شَرَّ الدَّوَابَّ عِندَ اللّهِ الصُّمُّ الْبُكْمُ الَّذِينَ لاَ يَعْقِلُونَ (8:22)

“Dhul socod waxaa ugu shar badan (u xun) Eebe agtiisa ma maqle (xaqa) ma hadle oon kasayn (wanaaga).”

Waa dad ayagu dan gooniya wata wax sheegoodu iyo waanadoodu wuxuu salka ku hayaa dan gaar u ah oo ku salaysan dano aduunyo sida lacag, timir, raashin iyo xukun raadis taas waxaan ka wadaa dadka qayrka wada ku qasbi maayaan, sababtoo ah danbigaaga adigaa qabri ku galaya, laakiin dadka ahlu sharta( Culumaa’u suu) waxay isku dayayaan in ay kugu qasbaan in aad dhiig musllim daadiso si’ aad adigana aad u noqoto Ahlu naar isaguna dano aduunyo oo uu u halgamayo u helo. Dadlka ahlu khayrka ahi waxay haystaan aayadan Quraanka ah:-

إِنَّا أَنزَلْنَا عَلَيْكَ الْكِتَابَ لِلنَّاسِ بِالْحَقِّ فَمَنِ اهْتَدَى فَلِنَفْسِهِ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيْهَا وَمَا أَنتَ عَلَيْهِم بِوَكِيلٍ (39:41)

(41 Zumur) Anagaa kugu soo dejiney kitaabka (Quraanka) Dadka dartiis si dhab ah, ruuxii hanuunana wuxuu anfici naftiisa, kii dhumana wuxuu dhibi naftiisa, adiguna Nebiyow Kama tihid wakiil.”

Walaal Rabbi (sw) noo cadeeyey in aanu ku dadaalno xaqa sheegidiisa oo aan marna ogolaanin in aanu horseed u noqono xumaaan iyo cadaalad darro, laakiin balka waran haddii dad muslim sheeganaya ay ka tageen jidkii toosnaa iyo Sunadii Nebi Maxammed ee ku dhisnayd cadaalada oo ay diintii Islaamka ku dhaqankeedii ay ka doorbideen in ay isticmaalaan siyaasadii Carabtii mushrikiinta ahayd ee ku buuqi jirey wixii khayr iyo wanaag u sheega. Walaal si fiican u dhuux sheekadan dhabta ah ee dhacday si ‘aad u noqoto garsoore caadil ah oo kala xukuma ragaan.

Arday diinta barta ayaa wuxuu isku dayay in uu ka hadlo wax isaga markaa ugu muuqdey in ay tahay mawduuc aad u mihiim ah oo baahan in laga hadlo. Wuxuu ku magacaabey oo uu magac uga dhigey mawduuciisii “LABA GUMAYSI MID DOORO.” Markuu qorey ayuu hal koobi oo qoraalkii ah u geeyey sheekh uu muddo badan ay magaalo ku wada noolaayeen, in badan ku daba tukaday duruusna ka dhageystay. Ardaygii ayaa markii salaadii cishe la tukaday sheekhii warqadihii u dhiibey oo ku yidhi “Sheekh waa markii iigu horeysay ee aan ka hadlo ama aan wax ka qoro mawduuc diin ku saabsan ee bal si fiican u akhri.” Sheekhii ayaa aad inta u farxay ardeygii ku yidhi waxaan oo dhan ma adigaa qorey? Waa imisa bog? Ardaygii baa ugu jawaabay waa afartan bog? Sheekhii baa yidhi buug baanu ka dhigeynaa.
Kadib ardeygii baa ugu jawaabey sheekh marka hore akhri, kadib baynu ka wada hadleenaa in aanu buugka dhigno iyo in kale. Sabtigii uu u dhiibey sabtigiisii ayay hadana is arkeen sheekhii iyo ardeygii salaadii cisho kadib. Ardeygii ayaa shiikhii u tagey oo ku yidhi “sheikh hebel warqadihii ma aqrisay?” sheekhii ayaa ku yidhi qaar baanka akhriyey ee waxaan ku leeyhay warqdaha gub. Ardeygii baa la yaabay sheekhan markuu u dhiibayey isagoon waxba ka akhrinin ayuu yidhi buug baanu ka dhigeynaa, hadana isagoon wada akhrinin ayuu yidhi gub. Sow wax lala yaabo maaha? Ardeygii ayaa iska sii watey hawshiina oo warqadihii qaarna saaxiibadii u qaybiyey, qaarna internetka geliyey. Maalmo kadib ayaa sheekhii soo wacay xaafadii ardeygii oo shaqo markaas guriga kaga maqan? Ardeygii markuu sheekhii wareystay waxaa loo sheegay in uu safar u baxay. Fasaxyo kadib ayaa hadana ardeygii markii salaada cisho laga baxay sheekii u tagey oo si kaftan ah ku yidhi “sheikh intaad telefan iisoo dirtey ayaad dalxiis iska aaday? Sheekhii oo wajigiisu bedelan yahay oo aad moodo qofkale ayaa si adag ugu jawaabay dalxiis kuma maqnayn ee meesha mutamar ayaa ka jirey.” Ardeygii ayaa kadib ku yidhi sheekh waan sunaysanayaa. Sheekhii baa si carro ku jirto ardeygii ula hadlay oo yidhi xageed u cararaysaa maxkamad Islaama ayaa lagu saarayaa. Ardeygii ayaa yidhi sheikh anigu maxkamad ma diidayo ee horta aan sunaysto. Sheekhii ayaa yidhi “hadaadan maxkamad diidey hadaa nin fiican ayaad tahay.

Ardeyii markuu soo tukaday ayuu albaabka oo ay dad sheekha sugayay taagnaayeen yimid, ka dib wuxuu go’aan saday inta dadka nahahooda loo dhamaynayo in uu soo musqul dhamaysto, markuu musqushii kasoo baxay ayuu wuxuu arkay dhamaan nalalkii masaajiska oo la damiyey, mugdi aan waxba laga arkayn, tolow caawa waxaani wax ka badane ma afganbi baa jira? Sheekha albaabkiisa oo xidhan ayaa waxaa kasoo baxaya iftiin yar, ardaygii baa codsaday in uu soo galo, waa loo ogolaadey, waxaa isu soo haray sheekhii ardaygii iyo wiil yar oo caruur ah oo uu sheekhu dhalay. Ardeygii ayaa markii u horeysayba wax ku dhibceen qalbigiisa,dhibaatada iyo murugada sheekha ka muuqata darteed. Sheekhii ayaa hadalkii bilaabey oo cod hoose oo aad iyo aad daciif u ah sidii qof xanuunsnaya oo kale oo yidhi “Ma maqashay waxay yiraahdeen? Ardeygii ayaa isla markiiba mawjado kala duwan madaxiisa kusoo burqadeen sababtoo ah waa qofka wax qoray oo garanaya siyaasi Kaaa’in ah markaad hor istaagto waxa ka dhalankara oo dhibaato ah, tolow maxay yiraahdeen oo ay ugu hanjabeen sheekha “ma waxay yiraahdeen sheikh waanu ku dileynaa; caruurtaada baani dileynaa; ehelkaaga iyo qaraabadaada ayaan dileynaa ee Africa ku maqan; waanu ku xireynaa intaan basiisinta wadankan aad ku nooshahay lacag siino; waanu ku sumaynaynaa; gaariga baanu kugu qarxineynaa iyo mawjado ay miba mida kale ka daran tahay.” Sheekhii baa yidhi waxay yiraahdeen sheikh hebel ayaa qado inta ardeygiisa u sameeyey ku yidhi qaybi warqadahan.” Ardeygii ayaa qaadan waayey oo aad iyo aad ula yaabay sheekha oo ku yidhi “ sheekh ma waxay yiraahdeen adigaa ka danbeeyey? Ayaan daro sheekhii ayaa si ay maskiinimo iyo daciifnimo ku jirto yidhi “haa”

Ardeygii baa u qaadan waayey “Libaaxii oo mar keliya caawa Guduudane noqday”
Alla Aamin ma iisho. Maxay dhibaato ah ooy u geysan karaan sheikh?
Maxay sheekha kugu samayn karaan ma janno Rabbi (sw) u qorey ayay u diidi karaan? Ma cadaab aan Rabbi (sw) ku qorin ayay ku gelin karaan? Ma irsaaqada ayay u hayaan? Ma naftey ka qaadi karaan saacadiisa ka hor? Ma xabsi aan Rabbi (sw) u qorin ayay gelin karaan? Ma cudur aan Rabbi (sw) u qorin ayay ku ridi karaan?

Waxaaa ardeygii maskaxdiisu qaadi weydey waxa uu u haystay sheekhiisa iyo waxa uu caawa noqday? Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe lahow. “Sheekh yahow ma waxaan ku moodey mise waxaad noqotey mise waxaan loo noqon doonin.” Sheekh yahow waxaan ku mooday Aar Libaax, waxaadna noqotey caawa daanyeer weyn (Gaaxuur) oo roob culus cidla ka helay oo dhibicdii oo dhan ay ku dul dhamaatey, waxaase loo noqon doonin isku halayn danbe.Waxaa layaab ku noqotay sheekha oo markuu umada masaajidka kala hadlayo ku guubaabiya in ay diintooda gaws danbeedka ku qabtaan , oo raasamaalka dhabta ahi uu yahay diintoota oo ay ku fara adeegaan oo caawa aad iyo aad uga murugeysan waa la’I dacaayadeeyey sidii qof loogi bishaareeyey in uu jahano gelayo oo kale.

Markay xoogaa wada hadlayeen sheekhii iyo ardeygii oo ay isku mari la’ yihiin waxa uu sheekhu doonayo oo ah, in warqadanhan uu ardaygu soo ururiyo oo uu gubo, dib danbana aan loo daabicin, iyo waxa uu ardeygu doonayo oo ah in marka hore sheekhu warqadaha wada akhriyo kadibna wixii khalad ah ee ku jira laga saxo sidii uu markii horeba sheekha ugu keensadey. Ayaa sheekhu markeliya qaylo dhaan iyo sawaxan afka ku dhuftey sidii qof waalan oo kale oo wuxuu ydhi “Sadex marqaati baan raabaa, bal dhageysat ninkan wuxuu ku hadlayo. Ardeygii ayaa isaguna albaabkii aad u furey oo isku dayey in dhaamaan dadka muslimiinta ee masaajidka joogey ay arinta wada dhegeystaan doodan socota, laakiin masaajidkii oo mar hore nalkii oo dhan loo demiyey ayaan dad badan ba ku harin, marka laga reebo sadexdii marqaati ee uu sheekhu codsaday wax dad ah oo kale waxaa la helay laba wiil oo dhalin yaro ah iy laba caruur ah, oo aan waxa laga hadlayaba aanan garanayn. Sadexdii markhaati ee uu sheekhu codsadey ayaa waxay usoo galeen qolkii sidii dad balaayo qabsatay ama dab gubanaya ka cararay oo kale. Runtii raga soo gumaday isku qiimo ma ahayn, saad ogsoon tahay, Raggu magaca guud iyo magtu waa isaga, laakiin isku qiimo maaha. Arintu waxay doonto ha ahaato ama shilqool, qiyaano, debin munaafaq hore loo sii qorsheeyey ha ahaato ama wax si kedis ah uun isaga dhacay ha ahaato taas Ilaah baa naga yaqaan, ninka khaa’in noqday ama khaa’in hogaamiye ka dhigta isagaa balaayo doontay dhibkeeda heli Insha-Allah. “Wan weyn ilaa la gowraco indhihiisu circa ma arkaan” ninka sheydhaan wax ku darsada ama xisbu shaydhaan xubin ka noqda mar kale ayuu garan doonaa.

Ninka koowaad waxaynu oran karnaa waa ninka raga ugu qiima badnaa, waa ninka keliya ee ogolaaday inta aan xukun la ridin in ardeygu uu xaq u leeyahay in uu hadlo, oo uu dacwadiisa sheegto maxaa yeelay gartu Ilaahay bay taqaanaa “Gar waa loo Islaam.” Waxaynu ku magacaabeenaa “Sheekh dhaan” maxaa yeelay sheekha iyo labada kaleba isagaa ka cadaalad badan sida wax u dhaceen. Ninka Labaab waa nin looga bartey xishood iyo degenaan inkasta oo uu habeenkaad uu yara dhaanteeyey, waxaynu ku magacaabeenaa “Degene”. Ninka sadexaad waa nin dhalinyaro ah oo uu ardayga lagu goobanayaa la yaabay, maxaa yeeley wejigiisa labada indhood iyo afka ayaa ka muuqda, muxuu u danleeyahay? Weligaa ma aragtey nin dad u garnaqaya oo wejigiisa hadana qarsanaya? Waxaynu ku magacaabeenaa “Xaaji.”

Ardeygii baa hadalkii bilaabay in uu dhaamaan dacwdiisa sheegto, laakiin ayaan darro sheekhii baa u diidey in uu hadlo haba yaraatee, markuu hadal is yiraadoba wuu ka dhex galaa oo uu uga dhaartey in uu haba yaraatee dacwadiisa sheegto. Nin kii raga soo gurmaday ugu qiimaha badnaa “sheikh dhaan” ayaa hadlay oo sheekhii ku yidhi ha hadlo ee daa, sheekhii ayaa diiday, ardeygii baa hadley oo yidhi war meeshu sow maxkamad Islaam ah maaha in aan hadlo maxaa laygu diidayaa? Rag la’aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha, dadka noocaas ah haday madax kuu noqdaan ka waran?
Sheekhdhaan baa yidhi hadal, hadana shiikhii baa diidey in haba yaraaree uu ardeygu uu sheegto dacwadiisa. “Rag qawl baaa xidha dumarna meher.” Sheekhu qawba ma laha, wuxuu hadda ogolaaday ayuu hadana diidan yahay. Sheekhu diinta waa yaqaanaa laakiin dadnimo ma laha sababtoo ah, isagaa is burinaya. Maxaa sheekha ka galay arday wax ka qoray gumaysiga muuqda TPLF iyo gumaysiga qarsoon AL-QAACIDA. Af wax cunay xishoo, maxaa sheekh u diiday inuu ardeygiisa garab istaago oo xaqa sheegaan oo uu yiraahdo gumaysi ma rabno.

Ardeygii ayaa la yaabay sheekhan diinta sheeganaya iyo waxa uu samaynayo, maxaa yeelay ardeygu wuxuu tagay dhawr maxkamadood oo qaadiyaal gaala ahi wax ku xukumaayaan. Kuligood siday u dhan yihiin waxay u ogolaayeen qofka intaan la xukumin in uu hadli karo oo si dhamaystiran uu dacwadiisa u sheegto. Waxaa ardeygii la yaab ku noqotey in cidwalba oo maxkamadihii gaalada dhex fadhiyey ay dhaamaan sheekhaaga aad diinta ka barato gaal kasta oo aad aragtey uu ka cadaalad badan yahay, walaal waxaad isbarbar dhigtaa waxa taagan iyo waxa ay aayadani ka hadleyso.

وَمِنَ النَّاسِ مَن يَقُولُ آمَنَّا بِاللّهِ وَبِالْيَوْمِ الآخِرِ وَمَا هُم بِمُؤْمِنِينَ (2:8)
________________________________________
يُخَادِعُونَ اللّهَ وَالَّذِينَ آمَنُوا وَمَا يَخْدَعُونَ إِلاَّ أَنفُسَهُم وَمَا يَشْعُرُونَ (2:9)
________________________________________
فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ فَزَادَهُمُ اللّهُ مَرَضاً وَلَهُم عَذَابٌ أَلِيمٌ بِمَا كَانُوا يَكْذِبُونَ (2:10)
________________________________________
وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ لاَ تُفْسِدُواْ فِي الأَرْضِ قَالُواْ إِنَّمَا نَحْنُ مُصْلِحُونَ (2:11)
________________________________________
أَلا إِنَّهُمْ هُمُ الْمُفْسِدُونَ وَلَـكِن لاَّ يَشْعُرُونَ (2:12)


“(8) Dadka waxaa ka mid ah kuwa dhihi waxaan rumaynay Eebe iyo maalintiisa danbeysay (Qiyaamada) hadana aan mu’miniin ahayn.
(9) waxay khiyaameyn Eebe iyo kuwa (xaqa) rumeeyey mase khiyaamaynayaan waxaab naftooda ahayn mase kasayaan.
(10) Quluubtay ka bukaan markaasaa Eebe u siyaadiyey cuduro waxayna mudan cadaab daran beentooda darteed.
(11) Marka lagu dhaho ha fasahaadinina dhulka waxay dhahaan annagu waxaan uu nahay hagaajiyayaal.
(12) Iyaga unbaa fasaaadiyayaal ah hasa yeeshee ma kasayaan.”

nin noolow maxaa aragti kuu laaban, timirtii iyo lacagtii siyasiyiinta carabta ahayd ee kuraasta Al-Sacuud u halgamayay waxay na badeen waxaa ka daran waxay na bareen oo ah diin bariis lagu raadsanayo. Bal su’aal aan ku weydiiye, bal ka waran haddii sheeqaaga uu gaal ka cadaalad badan yahay? Walaal ciil iyo carro looma dhintee rag dhulkoodii cadaw haysto, culumadoodii ay kuwaas tahay xal ma’u haysaa? Wixii uu sheegayay Abwaan Sayid Maxammed Cabdulle Xasan Ilaahay naxariis iyo Janno Fardawsa ha siiyee caawa ma taagan yahay, markuu yidhi “Galiilyoodayeey cadho miyey gubatay laabtaydu.” Qaar gabaygaas xusuusta mudana waa kanee dhuux.

Guulaamo roob da’ahayiyo gababaxdiisii dheh
Onkod guguguclayn iyo hillaac galalacdoodii dheh.
Gufaaciyo gudgude soo curtiyo garamahoodii dheh
Guluuliciyo mayay laysku daray galangalkoodii dheh
Gal xareeda daad soo gabraday gal iyo duufaan dheh.
Bad gariirtay mowjado gurxamay gacammadii Ayl dheh
Shir la gooday waayeel gab yiri garangartiisii dheh
Xiriir lagu gimaamadahayiyo gola firaasheed dheh
Xaajada ninkii garanayiyo gig iyo sheeggeed dheh
Gobo’ kalana waa aniga iyo ged iska sheeggayga
Galiilyoodayeey cadho miyey gubatay laabtaydu
Gogoshii la ii dhigay miyaan geydh la qaban waayey
Gabbal dhiciyo waaberi miyaan socod ku gaarraaday
Gadiid maalin oo idil miyaan gaafka sare meeray
Sidii awr gabraareed miyaan gululubluu rooray
Ma gudoodigiyo suudigaa gubadka ii yeelay
Ma geddaaladhabadkaa sidii geri i boodheeyey
Gooxii aan yuururay miyaan gibil madoobaadey
Raggii igu gadaamnaa miyaa aakhira u guuray
Goortaan garwaaqsaday miyaan gocoshadii eeday
Gamiinkaan xanuunsaday miyaan gorodda laadlaadshay
Gelin haddii aan foororay miyaan giirka kor u qaaday
Guhaad iyo calool xumo miyaan geydhtayoo diriray
Hadba gees miyaan deyay intaan gownaxyada buuray
Guntigaan maroorsaday miyaan labada low geeyay
Gaashaanka iyo tiirigiyo gamas miyaan qaatay
Ma genbaan u taagnahay intay gaadhi noloshaydu
War ma Dhooddi baa gaamuroo garabku weynaaday
Ma galaasya miidaan ku shubay gamashigii Dayrta
Gorgor kacay la moodyow durduro ma igu gooraamay
Godobtaydu waa wada jirtaa goonyohoo idile
Gashi niman ku leeyahayba waa dabagelaayaaye
Waxaan goosan karo anigu waan gurubsanaayaaye


Walaal awood aan nimankan umada kaga qabto ma lihi, waxaa aan samaynkaro waa waxa Sayid maxammed leeyahay ee ah “Waxaan goosan karo anigu waan gurubsanaayaaye.” Oo ah in aan kuu soo gudbiyo balaayadaan qaar masaajideenii aanu dhisanay xooga kula wareegay ee u adeega habeen iyo maalin danaha gumaysiga qarsoon.

Dhinaca kale ayaa waxaa bilaabmay su’aalo darandoori ah, sadexdii soo gurmatay ay ku wadaan ardeygii, ma jirin hal su’aal oo la weydiiyey sheekhii ,weligaa ma aragtey ama ma maqashay dad usoo gurmaday laba qof oo is haya oo hadana qof keliya laysugu tagay oo su’aalo la weydiinayo ayadoo kii kale haba yaraate aan wax su’aal ah aan la weydiinin? Raggaas iyo kuwo la mid ah oo aan waxba dhaamin, haday yiraahdaan dawlad Islaam ah ayaanu noo dhiseynaa oo shareecada Islaamka ayaan wax ku xukumaynaa cadaalad intee le’eg ayaad ka sugaysaa? Arintii waxay ku soo ururtay afar nin oo isku dhinac ah iyo ardeygii warqdaha qorey oo dhinac ah. Xaaji oo ah ninka wejigiisa qarsanay ee hadana garsoore iska dhigayay baa hadlay oo yidhi “odaybaa lagu yidhi wiilkaagii waa laga gar helay, markaasuu ugu jawaabay hala gal helee gartiisii ma qaatay? Markaas baa la yidhi haa wuu qaatey, markaas buu yidhi hadaa wuu igu banaan yahay. Ardeygii baa xaaji su’aal toos ah ugu yeedhay oo ku yidhi, warqadahayba ma akhrisay? Markaasuu yidhi ma wada akhrinin, markaasaa ardeydii ugu jawaabay hadaa garta aad xukumeysaa maxay tahay? Adigoo waxba ka ogayn warqadahayga ayaad leedahay gub. Lamaba sugine sheikh dhaan ayaa isaguna weerar culus soo qaadey isagoo iska dhigaya mufti oo wuxuu yidhi “ warqadahaaga dhibkooda iyo dheeftooda dhibkooda ayaa badan.” Ardeygii ayaa ugu jawaabey warqadahayga ma wada akhrisey? Markaas ayaa ninkii sheekh dhaan ahaa yidhi maya, ardeygii oo aad moodo in uu nibankan garta iska ridaya iyagoon waxba akhrinin layaabay ku yidhi, warqdahayga akhri oo kadib waxaad I dhahdaa “dheeftooda dhibkooda ayaa ka badan. Waa tii hore loo yidhi “Awrba awraka ka horeeya ayuu horaan qaadkiisa leeyahay” Ardeyga uu shiikhiisu kaas yahay cadaalad intee le’eg ayaad ka sugaysaa? Waa tii Odaygii cabdi Malaw ahaa Allaha u naxariistee uu yidhi “Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadintay barane.” Saw caawa arinku maaha “Ardeygii sheekhiisu cadaalada tumaa, isaguna haadintuu barane”
Walaal waxaad is barbardhigtaa waxan taagan iyo waxay aayaduhu ka hadlayaan.

لَقَدْ أَنزَلْنَا آيَاتٍ مُّبَيِّنَاتٍ وَاللَّهُ يَهْدِي مَن يَشَاء إِلَى صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ (24:46)
________________________________________
وَيَقُولُونَ آمَنَّا بِاللَّهِ وَبِالرَّسُولِ وَأَطَعْنَا ثُمَّ يَتَوَلَّى فَرِيقٌ مِّنْهُم مِّن بَعْدِ ذَلِكَ وَمَا أُوْلَئِكَ بِالْمُؤْمِنِينَ (24:47)
________________________________________
وَإِذَا دُعُوا إِلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ لِيَحْكُمَ بَيْنَهُمْ إِذَا فَرِيقٌ مِّنْهُم مُّعْرِضُونَ (24:48)
________________________________________
وَإِن يَكُن لَّهُمُ الْحَقُّ يَأْتُوا إِلَيْهِ مُذْعِنِينَ (24:49)
________________________________________
أَفِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ أَمِ ارْتَابُوا أَمْ يَخَافُونَ أَن يَحِيفَ اللَّهُ عَلَيْهِمْ وَرَسُولُهُ بَلْ أُوْلَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ (24:50)
إِنَّمَا كَانَ قَوْلَ الْمُؤْمِنِينَ إِذَا دُعُوا إِلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ لِيَحْكُمَ بَيْنَهُمْ أَن يَقُولُوا سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا وَأُوْلَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ (24:51)

(46) Waxaan soo dejinay aayaad cad cad, Eebana wuu ku hanuuninayaa cidduu doono jid toosan.
(47) Waxay dhihi (munaafiqiintu) waxaan rumeeyey Eebe iyo Rasuulka waana adeecnay markaasaa waxaa jeedsada kooxo ka mid ah intaas ka dib, kuwaasi ma aha mu’miniin.
(48) Marka loogu yeedho Eebe iyo Rasuulkiisa inuu kala xukumo dhexdooda waxaa soo baxa koox ka mid ah oo jeedsan.
(49) Haddu xaqa iyaga u sugnaado way u yimaadaan iyagoo adeeci.
(50) Ma qalbigay ka bukaan mise way shakiyeen mise waxay ka cabsan in Eebe ku jawr falo iyo Rasuulkiisu, saas ma ha ee kuwaasu waa kuwo Daalimiin ah.
(51) Mu’minka hadalkiisu marka loogu yeedho Eebe iyo Rasuulkiisa inuu kala xukumo dhexdooda waa uun inay dhahaan waan maqallay waana Adeecnay kuwaasuna waa uun kuwa liibaanay.

Walaal waxba arinkan hala yaabin, maxaa yeelay dheeli tirkii baa lumay, tusaale ahaan
Waxaa la yidhi nin baa reerkiisa oo meel oomane ah degenaa dhaan u aaday isagoo wata awr keliya, ninkii baa wuxuu arkay awkii oo dheeliyey, markaasuu fariisiyey wuxuu arkey in labada haamood midi duleesho, dabadeed intuu sifiican xariga ugu xidhay ayuu wuxuu sii watay socdaalkiisii, markuu waxyar socdaba wuxuu arkaa Awrkii oo hadana dheeliyey, wuu fariisiyaa oo hadana sidii oo kale ayuu u xidhaa. Markuu muddo sidaas ku jirey ayuu wuxuu arkey haantii fiyoobeed oo markii dheelitirkii ka lumay inay iyana biyihii afka ka daadiso, markaas ayuu ninkii iska caalacalay oo wuxuu yidhi “Haan haantaas arkeysa miyaa biyo celinaysa? Wiilal dhalinyaro ah oo arkaya ,wuxuu sheekhoodu samaynayo ma u malaynaysaa wax cadaalad ah haba yaraatee in ay la imaan doonaan?

Degene ayaa weerer soo qaadey oo wuxuu yidhi adigu hadaal wax khalad ah aad aragto qofkii sameeyey ma gudbineysaa, ardeygii baa ugu jawaabey ninka qaladka sameeyey iska ilow, ummada aan waxba ogayn u dig. Wax ay doodii socotaba sheekhii, sheek dhaan, degene iyo xaaji oo meel ah iyo ardeygii warqadaha qorey oo meel ah, ayaa wuxuu ardeygii jeclaaday in labana nin ee kale ee aamusan ee hadalka loo diidey ay hadlaan madaama ay ayaguba muslimiin ay yihiin, laakiin aayan darro sheekhii waa uu diidey in ay nimankaas hadlaan oo ay soo kala dhex galaan dadkaan muslimiinta ah.
Sheekhii baa hadlay oo wuxuu yidhi hebel waxba kuguma samayn karo? Talow haduu caawa awood leeyhay muxuu ku samayn lahaa? Miyuu dili lahaa? Ma dhiigiisa ayuu cabi lahaa? Ma wuxuu oran lahaa tiirka halagu xidho oo hala toogto? Ma wuxuu oran lahaa xabsi daa’in halagu xukumo? Maxaa sheega calool xumo iyo ciilka buuxa calooshiisa, ceeb Allaha asturo. Maxaa Sheekha iyo Ardeyga ka dhexeeya oo colaad ah? Inta uu ogsoon yahay qoraagu, ardeyga iyo sheekhu weligood hal erey xitaa iskuma qaban. Weligood isma afdhaafin, weligood wax xoola ah iyo lexo jeclo isuguma imaan.
Ardeygu warqadaha uu qoreyna waxay ka hadlayaan laba gumaysi oo kala ah Tigreeyga tuutaha gashan(TPLF) iyo Tigreeyga khamiiska iyo cimaamada noo soo xirtay (Al-Qaacida). Wuxuu sheekhu qirtay in isaga dusha laga saran, maxaa halkaa kaaga cad wixii uu sheegayey Ilaahay naxiis iyo Janno fardawsa ha siiye, abwaan Cali Cilmi Afyare markuu yidhi “Darxumadeenu waa maalintii laysku keendiro,e” halkaas makaaga cadahay wixii abwaanku horre uga hadlay?
Walaal gabay gii la magic baxay “Gobanimo.” Oo dhana waa kanee dhuux.

Ragga daawadiis waa inuu kala danbeeyaaye
Oo darajo wayn loo qiraa kan ugu doorroone
Gabayguna duqbuu leeyihiyo oday la duubtaaye
Dalan baabi looguma dhiciyo dood yar baan iriye
Doqoniino waa hadalka oo kaa dabayshadaye
Da`dii Raage iyo Qowdhanbaa diiraddow sidaye
Darka haatan joogaa sidii dumar u sheekeeye.

Daruur curatay daad soo rogmaday diilalyada roobka
Dooxooyin buuxiyo xareed lagu dikeynaayo
Diibkiyo cagaarkiyo dhulkoo dooggu ku ekaaday
Dararta iyo Caanaha kolbaa laga durduurtaaye
Anna gabayga deeqdiisa waan soo dayaafadin,e.

Aarkuba wuxuu duurka iyo dibadda meerraaba
Dibjiryadiyo gaajada wuxuu doc isku tuurraaba
Duub meella iyo kayn wuxuu deero ka eryaaba
Dagantida mar uun buu hellaa duunyo baadiya,e
Dulka fuulka boodda hadduu duubiyada saarro
Diribta iyo jiirkiyo markuu hulibka diirraayo
Dibintiyo ilkaha dhiiggu waa inuu ka daataaye
Dugaagga iyo haadkuba ka carar gool hadduu dilo,e.

Sida danabka yeeriyo hilaac diilintu isdhaaftay
Dinaahyada codkiyo goorti aan dogobka noolleeyo
Diindiinyadu khalqiga waa inay dhab uga duushaaye
Damiin iyo nin kii jilicsanbaan hadalku deeqsiine
Taariikhda goortii ladayo amase diiwaanka
Daliilkaan idiin qoray kabadan duurka geedaha,e
Dahabka iyo Luul igala wayn kaan daldalayaaye
Nin dundumo wacdiyay waa daleel inuu ku daallaaye
Damqanmayso Soomaalidaan diiri leeyahaye
Dubaaqa iyo laabtiyo dhaguhu uma dulleellaane.

Sayid-kiiba damac dowladnimo loona dacarreeye
Waxdhan buu dagaallamay intuu diiday gaalada,e
Dabkuu shidayay waagii haddaan duulna ka habaabbin
Dalkan aynu leenahay waqiis lama dullaalleene
Dayrlaguma oo teen kuwii diirka ii xigaye
Dubaakhooyinkii lagu dhuftiyo daqarki loogaystay
Docka weerarkii iyo markii bahalku dooxaayay
Soomaali baa ugu darnayd daalinkii cunaye
Idinkaa duleedinahayee dirir itaalkiise
Goortuu dangabay wowsagii siidabayshadaye.

Nimankii dayacan dowladnimo kuma dikeeyaane
Dulibay mutaan iyo ninkale inuu dumaallaaye
Daldaloolka cadowgoodu waa kii ku diirsadaye
Diihaalka bixi waayay iyo diifta nagu raagtay
Dirdir iyo qabiilnimo haddii dibadda lootuurro
Oo daacadloowada socdoo lagu dikaynaayo
Gobonimada dararteedu waa inay ku deeqdaaye.

Dayaxaa cirkiyo reerrahaas dagaya guudkeena
Digsigaa lalaayiyo sancada dunidu dhiilootay
Dadku waxay ku gaarreen aqoon durugtay weeyaane
Idinkuna dun iyo liilan iyo dacas mahaysaane
Durdurka iyo wabiyaasha oo wada dareerraaye
Dibaddaad ka baridaan waxaad daanka galisaane.

Daartii guduudnayn raggaan ugu daryeelaynay
Dibutaatigii eednay iyo doorashadi jaane
Dib noo celiye tobankii sanoo ay dalacayeene
Daraawiishta iyo ciidankii dumiyay oo tuuray
Duco tan ugu wayn iyo salaan baan u dirayaaye
Waakaa dalayskii ifkiyo nuurki daahiraye.
Digniinse waxaan u iri hadal yaroon ugu danbeysiiyay
Gudiyahay docdiinaa khalqigu wada dayaayaaye
Dusha waxaad ku qaadeen culays dayn ka xoog badane
Dariiqaad fashaan baa hadhow laysku daadihine
Haddaad idinku dalabyeelataan kala didweeyaane
Dulaalbaa arlada meerayiyo daalin wayraxaye
Dariskiyo shisheeyuhu kuway soo dirsanayaane
Darxumadeenu waa maalintii laysku keendiro,e
Nin darmaan latagay raacdo waa dabagalaysaaye
Doqontii dhagwaynbaan ogayn dabinka hoosyaale
Dareenbaa kujira meel gumaysi daabkuleeyahaye
Diyaar waxaad u noqotaan inaad daafacdaan cadowga


Qofkuu careysan oo aadan weligaa wax xumaan ah aadan ku samaynin, qofkuu careysan oo aydaan weligiin maalina Allaha ka dhigee aydaan is qabanin, oo hadana aad iyo aad kuugu careysan oo kuu calool xun oo kuu sheegaya in hadii uu awood lahaan lahaa dhibaato weyn oo aadan ka soo waaqsan weligaa kugu samayn lahaa, balka waran? Oo ku fikiyaya in uu ku ciqaaabo haduu awoodo, Nin noolow maxaa aragti kuu laaban. Talow muxuu ardeygu sheekha ugu careysan yahay? Ma wuxuu ka xun yahay in gumaysiga tigreeyga wax laga sheego, tigreeyga tuutaha milartari gashan(TPLF) oo doonaya taangiyadii qanaxa ahaa ee midawga soofiyeeti ka geeriyoodey in uu wax ku gumaysto iyo tigreeyga khamiiska iyo cimaamada soo xirtey (Al-Qaa’ida) oo doonayo in uu kartoon timir ah iyo xoogaa lacag ah wax ku gumaysto? Sababtoo ah ardeygu wuxuu wax ka sheegay oo ka hadlay in aan labadan gumaysi midna taageerin oo labaduba na dhaafaan. Maxaa yeelay mid walba waa gumaysi. Ardeygu wuxuu ka hadley in aynaan labadan gumaysi midna taageerin maxaa yeelay midna wax dan ah nooma hayo. Mid walba waxaa uu doonayaa in uu na gumaysto, saad ogsoon tahay, gumaysi waa gumaysi, diintuu doono ha haysto, midabkuu doono ha lahaado, luqaduu doono haku hadlo. Sheekhu haduu awoodi karo muxuu habeenkaas madow, muxuu ardeygiisa ku samayn lahaa.muyuu toogan lahaa ma xabsi daa’in buu ku xukumi lahaa, ma hilibkiisa ayuu cuni lahaa, ma dhiigiisa ayuu cabi lahaa?

Ardeygii ayaa aad iyo aad sheekha ula yaabay oo maskaxdiisu qaadan weyday wuxuuu sheekha muda badan u haystay iyo wuxuu noqday caawa “Ragow barasho geelow rarasho.” Ardeygii ayaa su’aal sheekha weydiiyey oo ku yidhi “ sheekh dagaalkii dhex maray Cali bin Abii dhalib iyo Mucaawiya bin abuu sufyaan saw ma ahayn xarbul fitna? Dagaalka maanta ka dhexeeya qoyska reer boqor ee Al-Sacuud iyo Usama bin ladin saw ma aha dagaal fidna ah iyo kii nalooga digay? Ayaan daro sheekhu wuu awoodi waayey in uu xaqa cadeeyo oo uu yiraahdo, waa fidno ee ka fogaada dhiig muslim daadintiisa.
Markay haba yaraatee wax daliil ah haystaan waxay lasoo deg degayaan aayadan, laakiin markay arkaan in ay khaldan yihiin oo laga sax san yahay, waxay oranayaan hala aamuso oo yaan la hadlin.

إِذْ أَنتُم بِالْعُدْوَةِ الدُّنْيَا وَهُم بِالْعُدْوَةِ
الْقُصْوَى وَالرَّكْبُ أَسْفَلَ مِنكُمْ وَلَوْ تَوَاعَدتَّمْ لاَخْتَلَفْتُمْ فِي الْمِيعَادِ وَلَـكِن لِّيَقْضِيَ اللّهُ أَمْراً كَانَ مَفْعُولاً لِّيَهْلِكَ مَنْ هَلَكَ عَن بَيِّنَةٍ وَيَحْيَى مَنْ حَيَّ عَن بَيِّنَةٍ وَإِنَّ اللّهَ لَسَمِيعٌ عَلِيمٌ (8:42)

Xusuusta markaad ahaydeen dhinacii u dhawaa (Badar) Gaaladuna ahayd dhinacii ka fogaa (Badar) safarkiina idinka hooseeyey hadaad isu yaboohdeen (ballanna) waad isku khilaafi lahaydeen ballanka , Eebaase falay inuu xukumo amar uu in ciddii halaagsamina si cad u halaagsanto, ciddii noolaanna si cad u noolaato, Eebana waa maqle og.



wuuna awoodi waayey in uu garabsiiyo walaalihiisa diidan dhiiga xaramkii barakeysnaa ku daadayo iyo colaada ka aloosan maka iyo madiina.

Muxuu noqonayaa qofka ka gaabsada isaga oo awoodi kara in uu ka gaabsado taageerida xukun sharci ah oo indhaha u furaya jaahilku in uusan dhiig muslim daa’in iyo in uu taageero oo uu xaqa is garabtaabo. Wuxuu sheekhii ku jawaabey arintaas, maxkamadii munaafaqiinta eek u bilaabatay siyaadadii abuu jahal, mushrikiinul carab iyo siyaadadii makafeeli waxay ku dhamaatey guul daro ay la hoyden kuwii isku dayay baqtiga inay umada muslimiinta ah u xalaaleeyaaan oo fidnadii dhiiga muslimiintu ku daadanayey ay jihaad ku magacaabaan. Wey shaqayn weyday beentii iyo shilqoolkii shayaadiintii khamiiska iyo cimaamada umada ku sirayey. Wey shaqeynweyday beentii ahayd “carabaa kursi laga kicinyaa, carab kalaa lagu fariisinayaa jannaa lagu galayaa.” Oo ay qaar masaaajideena ka mid ah, ay dhex keeneen gaangiistarada gadhka la baxay si’ay wax ma garata ugu siraan, oo ay culumo khayr soo wada isaga dhigaan.

Kuwa doonaya in ay xornimadeena siistaan kartoon timir ah iyo xoogaa lacag ah. Walaaal “Xornimo adaa ku noole, iyadu kuguma noola.” Saw xusuus ma mudna sheekadii la magic baxday “SADEX MAAN LAAWE.” Ee sidan u dhacday waxaa la yidhi “wiil baa gabadh jeclaaday oo doonay inuu guursado, markaas ayuu aabaheed u tagay oo waydiistay in uu gabadhiisa guursado, laakiin odaygii baa ku xidhay shuruud ah in uu yarad u bixiyo boqol halaad iyo baarqabkood haduu doonayo in gabadhan loo guuriyo. Wiilkii gabadha jeclaaday wuxuu xoolo ka haystay inta odaygu doonayo oo ahaa boqol halaad iyo baarqabkood. Wiilkii gabadha jeclaaday talo ayaa ku ciirtay haduu inta uu haysto uu bixiyo muxuu ku noolaan? Haduu diidana gabadha heli maayo. Waxay ku noqotay laba daran kala dooro. Wuxuu go’aan saday in uu xoolihiisii oo idil ku bedesho gabadhuu jeclaa oo uu noqdo caydh aan neef keliya usoo xaroon. Odaygii markuu xoolihii u geeyey ayuu kasoo kaxaystay gabadhii oo keliya, wax dhibaadna odaygu wiilka masoo siin ,xitaa hal neef.

Wuxuu iskala degey oo deris la noqday nin dabata ah. Wuxuu muddo halkiisa ku noolaadaba waxaa ka daba yimid odaygii sodagiis ahaa, oo xoolo kale raadinaya. Waa wax lala yaabo! Ninkii ayaa maalintaas guriga kusoo noqday isagoo waxba soo waayey oo fara maran. Markii uu gurigiisii yimid ayay xaaskiisii ugu bishaaraysay in aabaheed yimid oo uu xoolo kale doonayo. Ninkii ayaa ku yidhi bal taas hanoo danbeesee waan gaajeysanahaye waxaan cunno isii markaas ayay ugu jawaabtay waxba ma hayee ninkan deriskeena ah ayaan noo soo weydiinayaa wax aan ka daymano. Ninkii deriskooda ahaa ee dabata ahaa ayay u tagtey iyadoo raashin dayn ah raadinaysa. Wuxuu ugu jawaabey naa lug saguaro ayaan hayaa ee hadaad isu key dhiibto waan ku deyminayaa. Markaas ayay gabadhii ugu jawaabtay waxba isla waayi maynee ee odayga safarka ah hana dhaafo.

Markii ay cuntadii diyaarisay ayay ninkii deriskoodana u yeertay si uu raashinka wax uga cunno. Markay sadexdoodiiba dhergeen ayay u timid oo ku tidhi “waxaad tihiin sadex maanlaawe, Aabadeed baa soo booday oo wuxuu yidhi, anigoo ah aabahaa oo ku dhalay, oo ku soo koriyey miyaad maanta igu leedahay eraygaas? Ninkeedii oo qaadan la’ ayaa yidhi ifka waxa dumar ku nool adaan kaa doortay oo waxaan kugu bedeshay waxaan xoolo lahaa ee maxaad ereygaa foosha xun iigu leedahay? Ninkii deriskooda ahaa baa isana hadlay oo wuxuu yidhi waxaan haysaba waa anigii ku daymiyaye maxaad sidaas ii leedahay? Gabadhii waxay ugu jawaabtay sidatan, Aabe waxaad tahay maanlaawe sababtoo ah wiilka aad sodoga u tahay xoolihiisii oo idil baad ka qaadatay oo weliba waxaad maanta u timid adigoo xoolo kale raadinaya , ninkeedii waxay ku tidhi waxaad tahay maanlaawe sababtoo ah waxaad xoolahaagii oo dhan ku iibsatay qof beni aadan ah oo aadan ogay goor uu dhimanayo, hadaan maanta dhinto xoolana ma helaysatid xaasna mahalaysid, ninkii deriskooda ahaa waxay ku tidhi waxaad tahay maanlaawe sababtoo ah gabadhii boqolka halaad iyo baarqabkooda laga bixiyey ayaad doonaysaa in aad ku fuusho lug saguaro.

Walaal saw ma orankaro maanta sadexdaas maan laawe ee gabadhu sheegtay waxaa bedelay sadex maan laawe oo kale oo kala ah, waalidka caruurtooda gaangiistar gadhka la baxay u dhiibtay, wadaadkan calooshii u shaqaysaha ah ee hadba carabkii xoogaa u dhiiba kabaha u qaada iyo carabkan kursigu madax ka galay ee doonaya kartoon timir ah iyo xoogaa lacag ah in uu siisto caruurtii waxaas oo dhiba laga soo maray.
Walaal saw ma oran karno Aabaha iyo Hooyada caruurtoodii dhurwaa kala soo cararay oo hadana dhurwaa kale u geystay, taa waxaan ka wadaa waxay caruurtoodii kala soo carareen dagaal sokeeye iyo mid ina adeerkood ah in uusan qori u qaadin oo u dagaalamin, waxay u dhiibteen shaydhaan gadh leh oo balaayo kale safiir u ah oo meeshaba u fadhiya in uu caruurtaan qaxootiga ah ka dhigo askar calooshood u shaqaysayaal ah sidiisa oo kale, wadaad ma naxe ah oo doonaya in uu la safto hadba cidii xoogaa u dhiibto oo aan kala jeclaan tii hore nalooga digay ee ahayd “Waan baahanahay bakhti looma cunno.” Maan laawe hadaad lacag u baahan tahay, qof walba lacag uu u baahan yahay. Ee xalaasha quudo, xaaraantna iska ilaali. Carabkan cunsuriga ah ee siduu kursi u raadinayey ku wareeray, diintii iyo cadaaladiina isaga tagay ee adeegsnaya siyaasadii makafeeli ee ku dhisnayd weji kasta u mar in aan kusri gaarto, waxaynu leenahay waxaad tahay maan laawe sababtoo ah, wiilashii iyo gabdhihii lagala soo cararay dagaal sokeeye, ayaad waxaad doonaysaa in aad dagaal kale ku geliso kartoon timir ah iyo xoogaa lacag ah oo aad siisey wadaad calooshii u shaqayste ah

Ayaan darro sheekhii wuu diidey in ardeygu dacwadiida sheegto“Arin xumo abaar ka daran.” oo wuxuu yidhi “arintaas warqadaha caawa ka dib laga wada hadli maayo oo wuxuu bilaabay intuu istaagay oo uu foorarsaday in uu alaabtiisa urursado sidii qof baxaya oo kale. Meeday cadaaladii culumada laga sugayey.

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ كُونُواْ قَوَّامِينَ لِلّهِ شُهَدَاء بِالْقِسْطِ وَلاَ يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلاَّ تَعْدِلُواْ اعْدِلُواْ هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى وَاتَّقُواْ اللّهَ إِنَّ اللّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ (5:8)

Kuwa (xaqa) rumeeyow noqda kuwa istaaga (u darban) dar Eebe oo ku marag kaca Caddaaalad yeyna idinku xambaarin cadhada qoom inaydaan caddaalad falin, Caddaalad fala iyadaa u dhaw dharsashada (Eebe) kana dhawsada Ilaahay, Eebe waa ogyhay waxaad falaysaane.

ardeygii baa la hadlay labadii qof ee loo diidey in ay hadlaan oo ku yidhi indinku warqadaha aan qorey akhriya kadib baanu wada sheekeysan doonaa Insha –Allah.

Walaal arintaaan maxay kuula muuqataa ma arin hore looga sii shaqeeyeybaa, mise waa wax si kadis ah u dhacay oo isku aaday? anigu markaan si fiican uga fikirey oo ay igu qaadatey sideed maalmood, kadibna aan qorideeda bilaabay, maanta oo weliba labadii wiil ee loo diidey in ay hadlaan mid ka mid ahi uu igu yidhi, arintaas aniga waxay iila muuqataa in ay raggaani horey isu sii ogaayeen. Markaan dhinac walba wax ka fiiriyey waxaan arinta u kala qaadey dhawr weji.

B) Wejiga Koowaad:- Waxa jira Allah keliya ayaa og, haday arintu sidaas tahay in arintu ay iska dhacday oo haba yaraatee aysan jirin wax lasii qorsheeyey, maxaa yeeley waa mala wanaagsan oo diinta islaamku na barayso hadaadan qofka muslinka ah ee walaalkaa ah adigoon wax cad ku hayn ama markhaati cad aanan ku haynin in aad isaga tuhunto shilqool, khiyaamo, been, laba wejiilenimo iyo munaafaqnimo, calooshii u shaqeytenimo, arintaas iyadoo Rabbi inooga digayo wuxuu yidhi:-

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اجْتَنِبُوا كَثِيرًا مِّنَ الظَّنِّ إِنَّ بَعْضَ الظَّنِّ إِثْمٌ وَلَا تَجَسَّسُوا وَلَا يَغْتَب بَّعْضُكُم بَعْضًا أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ تَوَّابٌ رَّحِيمٌ (49:12)

Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawsada wax badan oo mala ah, maxaa yeelay malaha qaarkiis waa dambi, hana is jaasuusina, qarkiinna qaar yuusan xamanin, miyuu jecel yahay midkiinnna inuu cuno Hilibka walaalkiis oo mayd ah, waad necebtihiin arrintaa, Eebana ka dhawrsada waa tooba aqbale naxariistee.(Al-Xujuraat 12)

Walaal adigoo taxadarkaaga qaba markaad hesho markhaati cad ,oo lagu kalsoon yahay in aadan dib danbe aadan u aaminin maxaa yeelay go’aanka qofka muslimka ahi waxaa weeye “Qof muslim ah god laba goor lagama wada qaniino.” Mar idage allaha dago marlabaad idagana waa ani iyo dadnimadeyda.

T) Wejiga Labaad:- Waxa jira Allah keliya ayaa og, haday arintu sidaas tahay in arintu ay tahay shirqool ay sii qorsheeyeen sheekha iyo sadexda nin ee uu u yeertay oo keliya. Waa arin dhici karta oo macquul ah maxaa yeelay labada wiil ee loo diiday in ay hadlaan waxba Kama duwana sadexda loo ogolaadey in ay hadlaan. Walaal arintaas foosha xun ee ku salaysan qiyaamada iyo shirqoolka maxay diinta Islaamku ka qabtaa? Qofkii waxaas shaqo ka dhigtana dhaawac intee le’eg ayaa diiniisa soo gaaraya?

J)Wejiga Sadexaad:- Waxa jira Allah keliya ayaa og, haday arintu sidaas tahay in arintu ay tahay shirqool, debin iyo khiyaamo xeel dheer oo uu sii qorsheeyey urur islaam sheeganaya ka danbeeyey maadaama ay warqadaha ardeygu qorey ayka hadleysay in aan labada gumaysi midna la taageerin, midka muuqda (TPLF) iyo midka qarsoon(AL-Qaa’ida) toona.masaajidka laysugu yimid Al-Qaacidana ma dhisin, tigreyna ma dhisin. Masaajiska lacagtiisa waxaa laga soo ururiyey dad muslimiinta oo u badan danyar, loona balan qaaday in lacagtooda lagu dhisi doono masaajid ay iyagu iyo ubadkooda diinta lagu bari doono, laakiin markii dhismihii dhamaaday waxaa la doonayaa in xarun looga dhigo xisbu shaydhaan. Oo iska iloon lacagtoodii meeshay martay waxaa hada la doonayaa in ubadkooda iyo iyaguba ay noqdaan askar calooshood u shaqeystayaal ah. Oo gurigii Ilaahay ay ka dhigeen meel koox burcad ah iska leeyihiin. Oo khayrkii lagu bedelo iyo dulmi iyo kooxeysi. Dhiigii muslimka la xalaashaday, oo dagaalkii fidnada ahaa lagu magacaabay jihad, walaal masaajidka Quraanku sheegayo iyo kani maxay wadaagaan.

وَالَّذِينَ اتَّخَذُواْ مَسْجِدًا ضِرَارًا وَكُفْرًا وَتَفْرِيقًا بَيْنَ الْمُؤْمِنِينَ وَإِرْصَادًا لِّمَنْ حَارَبَ اللّهَ وَرَسُولَهُ مِن قَبْلُ وَلَيَحْلِفَنَّ إِنْ أَرَدْنَا إِلاَّ الْحُسْنَى وَاللّهُ يَشْهَدُ إِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ (9:107)

“Waxa ka mid ah kuwo u yeeshay Masaajid, gaalnimo, kala goynta muslimiinta iyo darbida cid la dagaallanta Eebe iyo Rasuulkiisa mar hore mar hore waxayna ku dhaaran inaanaan doonayn waxaan wanaag ahayn Eebana waa ogyahay inay been sheegi.”

Walaal ururka noocaas ah iyo kuwa la mid ah ahi cadaalad intee le’eg ayay keenayaan meesha ay qabsadaan? Ma u banaan tahay qof Muslim ah oo Ilaahay ka baqayaa in uu xubin ka noqdo xisbi isaga tegey Sunadii Nebi Maxammed (csw) oo ka doortey siyaasadii carabtii mushrikiinta ahayd ee diinta Ilaahay dagaalka kula jirtey? Urur magac Islaam sheeganaya oo hadana siyaasadiisu tahay khiyaamo, been, munaanafnimo, laba wejiilenimo, shirqool iyo shar laga shaqeeyo habeen iyo maalin, ma banaan tahay in lagu biiro. Walaal maanta khaa’in walba wuxuu iska sheeganayaa urur islaam ah. Walaal xisbiga noocaas oo kale ah maxaynu ku magacaabi karnaa ma Xisbul Munaafiqiinbaa, mise waa Xisbu shaydhaan? Jawaabta adigaan kuu daayey.
Maxaa yeelay marna kuma magacaabi karno xisbul Islaam. Maxaa yeelay Islaamku cadaalad ayuu na farayaa. Nimankan meeshay joogaana dulmigaa ka toosa.

X) Wejiga Afraad Qaybi oo Xukun:- (Divide and Rule) Waxa jira Allah keliya ayaa og, Raggani waxba meesha kama aha ee waa lagu adeeganayaa, riwaayada wey metelayaan ee raggii soo alifey meesha ma joogaan, oo in arintu tahay shirqool aad iyo aad u xeel dheer oo ay soo agaasimeen arima fuliyeyaasha gumaysiga qarsoon( tigreeyga khamiiska iyo cimaamada soo xirtey si ay noogu gumaystaan ,magaca diinta islaamka (AL-QAA’IDA) oo ujeedada ka danbaysaa ay tahay in umada muslimiinta ee Soomaaliyeed meelkasta oo ay aduunka joogaan loo kala qaybiyo kooxo iska soo horjeeda oo ayagu dhexdooda dagaal ka dhexeeye, oo kuwa damiirka leh ee gumaysiga diidan dhabarka laga jebiyo ayagoo loo adeegsnayo kuwa calooshood u shaqaystayaasha ah ee dhuuni dartii u taageera hadba ninkii xoogaa lacag ah ama timir ah siiya. Waa dagaal cad oo nalagu hayo diinteena, dadkeena, iyo dalkeena.Waxaa la doonayaa in masaajideena laga dhigto saldhigyadii gumaysigu ka duulayey si ay noo dabar gooyaan inta duliga gumaysiga diidan. Walaal saw maanta xusuus ma mudna halyeygii weynaa ee gabaygan tiriyey Cabdullahi Suldaan “Timacade” Allaha u naxxariisto oo janadiisii fardawsa haka waraabiyee, wuxuu yidhi:-


Gumaysigu hashuu naga dhaceen gurayey raadkeeda
Gu’yaal iyo gu’yaal badan hashii gama’a noo diidey
Goobtay istaagtaba hashaan joogey garabkeeda
Guuraha habeenimo hashaan gebi walboow jiidhay
Guushaandhigeedii hashuu galawgu eedaamay
Hashii geeddankeedii rag badan goodku casheeeyey
Gacmaa lagu muquunshaye xornimo, noogumay garane
Garre iyo guntane maalintay, gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree, xornimo noogumay garane
Geeraaaradeedii hashaan anigu googooyey
Galool iyo maraa iyo hashaan, kediga geylaanshay
Gaajiyo haraad badan hashaan, ugu garaacaayey
Goortii sadkeedii go’ee, galabtii foolqaadey
Ayadoo candhada giijisey oo, godol ku sii daysey
Garaad niman lahayn bay la tahay, waad ka gaa-gixine
Annagoo gantaalaha dhiciyo haysan qori gaaban
Hashaam gaadda weynow libaax, uga gaboon waayey
Inaan gorayacawl uga tagaa, waa hal soo gudhaye


Maanta ma waxaynu ugu tagnaa xownimadeenii gorayacawl oo ah labadan gumaysi ee dhexda usoo xortey in ay na gumaystaan, tigreeyga tuutaha gashan (TPLF) iyo tigreeyga khamiiska iyo cimaamada xidhan (AL-QAACIDA)?

Walaal waxaan filayaa in aan hadalka kugu badiyey ee hadaan hadalkayga soo koobo, waxa jira Allah keliya ayaa ogsoon, haday arintu ahayd khiyaamo hore looga soo shaqeeyey oo rag isku sheegaya inay urur islaam sheeganaya madax ka yihiin ay ka danbeeyeen oo siyaaasadooda maamulkooda, hawl galkooda, dad la dhaqnkooda, xeerkooda iyo diintooduba ay ku dhisan tahay khiyaamo, maxaynu ku magacaabi karnaa ? ma xusbul munaafiiqiin baa?mise xisbul shaydhaan? Ninka dadka noocaas ku shaqeyta isku duba ritay oo madax u ah, haduu amiirnimo sheegto maxaynu ku magacaabi karnaa ma amiirul munaafiqiinbaa, mise amiirul shayaadhiinul insi? Jawaabta adigaan kuu daayey.Walaal hadaynu runta ka hadalno maanta wayna sidataaa oo waxaan oran karaa.


Anaga iyo Sirmaqabe oo dhami wayna sidataa
Seeftii gumaysiga baa na dultaal ee saawirta ahaydee
Sirbane tigreey iyo Alqaacidaa na sahan sadaye
Saxiibtinimo beeney nagu sirayaan samankan maantayee
Subag iyo Malab saafiyaan soo wadnaa leeyihiin sabanka maantayee
Sariiro xariiraan u dhigaynaa bay leeyihiin Saamaali oo idile
Silic danbaba arki maysaan bay leeyihiin sabankan maantaye
Sun bay waraabinayaan saqiir iyo kabiir bee
Silic iyo saxariir bay nala maagan yihiin sabanka maantaye
Sandulayn iyo Amar ku taaglayn bay soo wadaan sabanka maantayee
Silic aduun iyo saxariir Aakhirey soo wadaan sabanka maantaye
Sokeeye iscuna silicaan baa’u danbeeyee
Anaga iyo Sirmaqabe oo dhami wayna sidataaye
Seeftii gumaysiga baa na dultaal ee saawirta ahayde
Sirbane tigreey iyo Alqaacidaa na sahan sadaye

Walaal arintu waxay taagan tahay qofkii wax wanaag ah lagu arko oo diida in uu fidnada xaramka ka dhaceysa in uu ka qayb qaato diida,iyo inuu dhiig muslim daadiyo, in la yiraahdo hala gooyo oo hala cayriyo, qofkii xumaan iyo shar diida hala coloobo oo halaga dhexsaaro umada is inta kale uusan u baraarujin, oo uusan ugu sheegin xaqa, walaal waxaad is barbardhigtaa waxa ay aayadani ka hadleyso iyo waxa taaagan?

وَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلاَّ أَن قَالُواْ أَخْرِجُوهُم مِّن قَرْيَتِكُمْ إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ (7:82)


Waxayna ahayd jawaabtii qoomkiisa, ka bixiya Luudh iyo inta rumaysan magaaladiinna waaba dad isdaahirinaye.


Walaal Raggu isku qiimo maaha, laakiin magaca guud iyo magtu waa isaga mid.
Waxaan ragga u kala hormarinayaa sidey habeenkaas xusuusta mudan u kala qiimo iyo qaayo badnaayeen, aniga xagayga markay hadlayeen, iyo sidey cadaalada ugu kala dhowaayeen. waxaa ayaan darro ah in sheekhu noqday midka ugu liita dhinaca cadaalada, nin noolow maxaa aragti kuu laaban sheekhu waa midka ugu cilmiga badan inta qolka ku jirta waana midka ugu liita oo ugu cadaalada xun, oo waxaan dulmi iyo kooxeysi ahayn agtiisa mayaalaan.balka waran sheekhu cilmiga Ilaahay baray iyo casharka gudbintiisa wuxuu helayaa 100%, lakiin ayaan daro markuu wax kala xukumayo cadaalada wuxuu helayaa 0%. Ninka noocaas ah maku daba tulan lahayd, waxna maka dhageysan lahayd? Mise waxaad oran lahayd intaan kaas la tukanayo, waxaa ii dhaanta in aan gurigeyga isaga tukado? Jawaabta adigaan kuu daayey. Walaal ragga waxay kala ahaayeen sidan.

B) Sheekhdhaan:- Waxa jira Allah keliya ayaa og, haday arintu sidaas tahay, wiilkani wuxuu noqday intii qolka ku jirtay ee loo ogolaaday inay hadlaan ninka ugu cadaalada badan, oo waxaynu oran karnaa sheekhiisa isagaa ka cadaalad badan, waa ninka keliya ee sheekha u sheegay in uu ninkani hadli karo oo uu dacwadiisa sheegan karo intaan la xukumin, waa ninka keliya ee yiri hadal oo dacwadaada sheego. Waxaynu ku magaabeena “Sheekh-dhaan” oo waxaynu alaab gud uga dhigeenaa tixdan.

Masoo gaartay mid yar oo mid weyn dhaama
Masoo gaartay mid ardey ah oo macalinkii dhaama
Masoo gaartay mid waayeel ah oo muluqyadu dhaamaan
Masoo gaartay mid wadaad ah oo makafeeli dhaamo.
Masoo gaartay maxkamadii munaafiqiinta
Masoo gaartay mid mujrima oo madaxtinimo loo magacaabey
Masoo gaartay mid munaafaq ah oo magac diineed wata
Masoo gaartay mid fiyow oo mid waalan dhaamo
Masoo gaartay mid culuma oo ciyaal suuqu dhaamaan
Masoo gaartay mid wadaada oo mooday in uu dulmigu cadaalada dhaamo.
Masoo gaartay mid wadaada oo manhajkii rasuulka (csw) moodey in mushrikiinul carab iyo makafeeli dhaamo.




T) Degene: - Waxa jira Allah keliya ayaa og, haday arintu sidaas tahay, ardeygani wuxuu ahaa nin aad iyo aad u degan, laakiin waxay u muuqataa in balaayo ku neefsatay oo debin gumaysi uu dalaq yidhi. Maxaad ka sugaysaa wiil yar oo belaayo la saaxiibay oo shaydhaan gadh weyn moodo sheikh xaqa ku taagan? Ama kala garan waayey awliyadii Ilaahay iyo Awliyaa’u shaydhaan? Wax walba oo wanaag ah oo aad leedahay way qarsoomayaan markaad dadka xun xun ee sharka, dulmiga, xanka, beenta, khiyaamada, tuugnimada, laba wejiile nimada, munaafaqnimada, xukun jacayka, diinka been sheegida iyo xisbu shaydhaan ku biirtid, kasoo caadaystey shar oo idil, oo aad saaxiib la noqoto oo aad waxku darsato.

Walaalkay degena caawa wuxuu u muuqdaa in uu kala garan la’ yahay xaqa iyo baadilka, sababtoo ah in uu marka u horeysa inuu wax dhageysto looma ogola, oo uu wax ogaado, ninkii wax u sheegi lahaana looma ogola in uu hadlo, sabatoo ah haday raggani wax ogaadaan wax weyn baa isbedelaya. Wuxuu u muuqdaa in wadadii Nebi Maxammed (CSW) iyo wadadii Xisbu Shaydhaanka, inay isaga darmadeen calaamadahii mu’miniinta lagu yiqiin iyo kuwii munaafiqiintu ku caan baxeen. Wuxuu u muuqdaa wixii gadhweyba oo soo xirta khamiis iyo cimaamadba in ay khayr wadaan. Wuxuu ilowsan yahay in munaafiqiintii Nebi Maxammed (csw) ku daba tukun jirey masaajidkiisa ay ayaguba gadhweyna la bixi jireen isla markaana, ay markay rabaan qamiis iyo cimaamad soo xiran jireen si ay umada ugu khaldaan oo isaga dhigaan in ay dad fiican yihiin oo ay wanaag ka telinayaan. Walaal tixdan miyeysan waano ugu filneen Degene iyo kuwa la midka ah ee gumaysiga qarsoon ee waraabaha dad cun ah walaal moodey.

Degenoow dunida Daa’inbaa ku keeney ee taa ma diidey
Duli Rabbi Kuuma abuurinee taa ma diidey
Dugsi maleh gumaysiguye ee taa ma’diidey
Duli xun bayku badiye gumaysiguye ee taa ma diidey
Dabadhilif gumaysi looma noqdee taa ma diidey
Tigreey iyo Alqaacida debin bay kula maagan yihiin ee taa ma diidey
Darxumadii afganistaan badeen bay soo wadaanee taa ma diidey
Dood beena iyo afmacaan bay kugu dabiye ee taa ma diidey
Cirkaan soo duminaynaa bay kugu orane ee taa ma diidey
Duulaanku markuu dhaco dunidey u kala didiye ee taa ma diidey
Dabaday wada taagi sida ugaadhiiye ee taa ma diiday
Debinkey afganistaan u dhigeen bay kugu dayiye ee taa ma diidey
Dunida oo idil bay kugu diriye ee taa ma diidey
Debin aan naxariis lahayn bay kula maagan yihiinee ee taa ma diidey
Dabay ku gelin oo cidlay kaaga dareeriyee ee taa ma diidey
Dad muslimiina soo doox bay kugu orane ee taa ma diidey
Daadi dhiiga wax garadka bay kugu orane ee taa ma diidey
Doox culumada nadiidan bay kugu orane ee taa ma diidey
Dil waalidkaa bay ku orane taa ma diidey
Dabargoo gabanimo doonkay ku orane ee taa ma diidey
Dab geli Xaramkay kugu orane ee taa ma diidey
Mako iyo Madiina soo duqee bay kugu orane ee taa ma diidey
Daa’in bay idinka diliye ee taa ma diidey
Dhaba dhilif noqo bay kugu orane ee taa ma diidey
Dabada keen bay kugu orane ee taa ma diiday
Duli ku noolow bay kugu orane ee taa ma diidey
Dabada u lul gumaysiga bay kugu orane taa ma diidey
Duli ku noolow bay kugu orane ee taa ma diidey
Dunida guudkeeda darxumo ku noolow bay kugu orane taa ma diidey
Dameer ii noqo bay soo wadaan gumaysiguye ee taa ma diidey
Dusha aan kaa rarto bay soo wadaane ee taa ma diidey
Dabkii janahanama dalaq dheh bay kugu orane ee taa ma diidey
Duli Rabbi kuuma abuurine ee taa ma diidey
Dugsi , saxiib iyo deris ma leh gumaysiguye ee taa ma diidey
Daacuun weeye gumaysiguye ee taa ma diidey
Dad xun weeye gumaysiguye ee taa ma diidey
Dabshid iyo diradiraale weeye gumaysiguye ee taa ma diidey
Degenoow dunida Daa’inbaa ku keeney ee taa ma diidey
Duli Rabbi kuuma amuurinee taa ma’ diidey
Dugsi maleh gumaysiguye ee taa ma’diidey



J) Xaaji :- Waxa jira Allah keliya ayaa og, haday arintu sidaas tahay, waa nin dad kala xukumaya oo hadana wejigiisa qarsadey, waa marka labaadee wuxuu meesha la shir yimid oo uu doonayaa isagoo iska dhigaya in uu ardeyga wax qorey u naxayo oo dantiisa ka talinayo, ayuu wuxuu rabaa in uu cabsi geliyo ardeyga wax qorey, oo wuxuu leeyhay war nin yahow nimankan miyaad iska dhicin kartaa? Wixii Ilaahay noo qorey baa nagu dhici weligiinba debin maleega, aayadan miyay iloobeen in Ilaahay aduunka leeyahay, isla markaana waxaan Rabbi noo qorin aysan marna nagu dhaceen.

.
قُل لَّن يُصِيبَنَا إِلاَّ مَا كَتَبَ اللّهُ لَنَا هُوَ مَوْلاَنَا وَعَلَى اللّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ (9:51)

Waxaad dhahdaa naguma dhaco wax Eebe noo qoray mooyaane, isagaa gargaarahannaga ah ee Ilaahay uun ha tala saarteen mu’miniintu.

Ninkani wuxuu ku cayaarayaa kaadh la yiraahdo “cabsi gelin”, miyuusan ogayn in Ilaahay (sw) aduunka Iska leeyhay cidwalbana ka adag yahay? Miyuusan ogayn in qofwalba saacadii Rabbi u qorey in uu dhimanayo? Miyuusan ogayn qofka dhibaatada taagan ka hadlaa ama wax ka qoraa iyo qofka ka aamusa in ay ajal iyo masiibo aduun u siman yihiin? Miyuusan ogayn in qofina saacadaii Rabbi uqorey aanu dhaafeen marna, oo aanu ilbiriqsina ka hormareen ilbiriqsina ka dib dhaceen? Miyuusan ogayn cidwalba oo awood sheegataa in uu Ilaahay (sw) ka awood badan yahay? Miyuusan ogayn ardeyga wax qorey iyo isagu in ay ajal u siman yihiin? Miyaysan ahayn wax lala yaabo nin masaajid dhex fadhiya oo hadana wax ku wacdinaya in laga cabsado cida aan Allah ahayn, in aan la hadlin oo xaqqa qofna loo sheegin, oo aan waxba la qorin, halkuu walaalihiisa muslimiinta ah uu ku waanin lahaa in ay Rabbiga weyn ee dunida qalqay oo keliya ka baqaan. Waa duni dhinaca khaldan wax loo wado. Waa duni qaar culimadii ka mid ah waxaan haba yaraatee laga filanayn la yimaadeen. Walaal qofku markuu xanuunsado, dawo ayaa loo qoraa ,balka waran dawadu haday xanuunsato maxuu lagu daweeyaa? oo nimankani maxay sameynayaan? In ay ku dilaan, in ay debin kuu dhigaan oo ay xabsi kugu ridaan, in ay dacaayad suuqa kaaga saaraan oo muslimiinta oo dhan kugu diraan oo ay kuu tusaan in aad tahay; Gaal; Munaafaq, Murtad; faasiq; wadani[(Nationalism), qof muslim ah oo wadankiisa mooyee aan u naxayn dhibaatada muslimiinta kale ee aduunka haysata; Cunsuri[qof carabta nicib oo aan carab arki karin; Qaacid(qof jihaadkii ka haray oo iska fariistay); Ducful iiman(qof iimaankiisu liito); Wareer( qof ku dhex wareerey laba kooxood oo dagaalamaysa oo garan waayey kuwa xaqa ku taagan, kadibna isaga dhex baxay iyo waxkasta oo xun oo qof muslim ah lagu sheego. Waxaan marka hore rabbaa in aan ku weydiiyo saacadii rabbi kuu qorey ka hor miyaad dhimanaysaa? Xabsi aan Rabbi (sw) kuu qorin miyaad geleysaa? Dacaayad lagaa fidiyey iyo dhiig Muslim in aad daadiso kee kuu fudud? Walaal hadaad isla saxsan tahay oo aad moodeyso in aad jihaad ku jirto labadan qolo ee is haya kuwee muslimiin ah, kuweesa gaala ah? Al-Sacuud baa muslimiin ah, mise Usama Bin Ladin iyo Al-Qaa’ida? Kuwee Gaala ah, Ma Al-Sacuud baa gaala ah oo ay banaan tahay in lagu jihaado oo dhiigooda la daadiyo, mise Usama iyo kooxdiisa ayaa gaala oo ay banaan tahay in dhiigooda la daadiyo? Mise kii lacag badan haysta ayaa xaqa ku taagan? Qofkaan lacag lahayna waa gaal gaal dhalay? Xaaji iyo kuwa la mid ah ee cabsida wareerisay xusuusnaada aduunka Ilaahay (sw) ayaa iska leh waxaan Rabbi kuu qorina marna kugu dhici maayaan, tixdana waana indiinku filan.

Casiiska mooye cid kale lagama cabasade cidi makuu sheegtay
Cududii Ilaahay in la aamino cidi makuu sheegtay
Carshiga inuu Caadilku ka sareeye cidi makuu sheegtay
Circa iyo dhulkaba inuu caadilku leeyahay cidi makuu sheegtay
Casar tagay iyo cisho soo socda Caadilku inuu dunida maamulo cidi makuu sheegtay
Cududii fircoon Casiisku inuu halaagay cidi makuu sheegtay
Caalim iyo ardey cadaalada diidan cidi makuu sheegtay
Casharka kii dhigayey inuu gaalka acuu bilaystay cidi makuu sheegtay
Cashar cabsi ah ciroole iyo caruurba loo akhriyey cid makuu sheegtay
Carara mooye raggaan ciidan laga sugeen cidi makuu sheegtay
Cabsada mooye raggaan wax iska celiya laga hayn cidi makuu sheegtay
Cadaan iyo madawba casiisku inuu ka adag yahay cidi makuu sheegtay
Ceeshkaaga oon go’in cidna kuduli maysee cidi makuu sheegtay
Carab iyo cajamba Casiisku inuu ka adag yahay cidi makuu sheegtay
Cid kaleba hayska hadashee Caadilku inuu dunida leeyahay cidi makuu sheegtay
Casiiska mooye cid kale lagma cabasade cidi makuu sheegtay
Cududii Ilaahay in la aamino cidi makuu sheegtay




X) Sheekha:- Waxa jira Allah keliya ayaa og, haday arintu sidaas tahay, balka waran hadii sheekhaagu uu gaalkasta oo aad aragtey ka cadaalad badan yahay? Ardeygii wuxuu qaadan waayey oo maskasdiisa geli weyday sheekhu cadaalada iyo khayrka uu umada u sheego isagu kuma dhaqmo. Waxaa layaab ku noqotey ardeygii warqadaha qorey sheekhu wax wanaagsan ayuu umada amraa, laakiin isagu wanaaga kuma dhaqmo. Waxaa ardeygii la yaab ku noqotey in sheekha wax alla iyo wixii wanaag ahaa ee uu umada u sheegi jrey, isagu caawa ka qaawan yahay. Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi, markay yiraahdeen “Waxaad baratay waa baaskaa.” Wax alla wixii wanaag ahaa ee uu weligii sheegi jirey caawa waxba kama hayo oo waa laga waayey, Wax Alla iyo wixii uu diin umada u sheegayay caawa oo uu wax kala xukumayo agtiisa waa laga waayey. Tixdani miyaysan ugu habooneen waano iyo wax sheeg wadaadkan wejiyada badan yeeshay.

Kaa waa waayey wax quraan ah iyo wadadii rabiye
Kaa waa waayey wax xadiis ah iyo wadadii rasuulkee (scw)
Kaa waa waayey wacdigii iyo khayrkaad waayabadan waldaamineysaye
Kaa waa waayey wax waxgaradnimaa iyo caqli waayeele
Kaa waa waayey wax dulqaad ah iyo talo waayeele
Kaa waa waayey wax nacdalaya wadadii shaydhaankee
Kaa waa waayey wax diidmaa wadadii khaa’imiintee
Kaa waa waayey wax dafiraya wadadii munaafiqiintee
Kaa waa waayey wax nacdalaya wakiiladii xisbu shaydhaankee
Kaa waa waayey wax waabina wakiiladii gumaysigee
Kaa waa waayey wax soo dhoweyn ah wiilashii gobanimadoonka’ee
Kaa waa waayey wax xaqsoor ah iyo wadadii cadaaladee
Kaa waa waayey wax islaanimaa iyo wadadii shareecada’ee
Kaa waa waayey wax xurmaa iyo wadadii isxaqdhowkee
Kaa waayey waxaan ahayn weji carro iyo duubkii waalida’ee
Kaa waayey waxaan ahayn wax umadu kula wadaagtey inaad weel ku guratee
Kaa waayey waxaan ahayn milankii makafeeli iyo mushrikiinul carabee
Kaa waa waayey wax cadaalada iyo wadadii rabiye
Kaa waa waayey weel xaqa inaad wax igu siisee
Kaa waa waayey caawa waanadii macaanayd iyo wacdigii toosnaayee
Kaa waa waayey wejigii wanaanagsanaa iyo waxgaradnimadii mu’miniinta
Kaa waa waayey wax cadaalada iyo xaqsoor walaatinimee
Kaa waa waayey weedheyda inaan qirtaa intaan wejigeyga la xukumine.




Sheekhow laba kala daa Ilaahay diintiisana waan jecelahay isla markaa waxaan soo dhoweysnayaa, oon waxka dhageysanyaa, oo taladooda maqlayaa, oo aan saxiib la noqonayaa dad Ilaahay diintiisa iyo cadaaladaba dagaal kula jira oo masaajidkii Ilaahay dhexkeenay Siyaasadii Aabihii khayaanada, dulmiga, sadbursiga iyo xukun jecaylka ee Makefeeli iyo siyaasadii mushrikiinul carab eek u dhisnayn in lagu buuqo qofkaska oo ku hadlada waxaysan ayagu rabin xitaa ay ku buuqeen Rasuulkii(scw) Rabbi soo direy


لَا تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءهُمْ أَوْ أَبْنَاءهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ أُوْلَئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ الْإِيمَانَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٍ مِّنْهُ وَيُدْخِلُهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ أُوْلَئِكَ حِزْبُ اللَّهِ أَلَا إِنَّ حِزْبَ اللَّهِ هُمُ الْمُفْلِحُونَ (58:22)

Ma helaysid dad Ilaahay rumeeyey iyo Maalinta dambeeysay oo hadanna jecel ruux Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya haba ahaadeen Aabayowgood, Caruurtooda, Waalidiintood ama Qaraabadooda, kuwaas (aan jeclaanin) waa kuwo qalbigooda iimaanka lagu dhisay Eebena ku xoojiyey gargaarkiisa, wuxuuna gelin Jannooyin, Wabiyaal dhex socdaan ay kuna waari, kuwaas Ilaahay baa ka raali noqday iyana way ka raali noqdeen waana Xisbiga Ilaahay, Xisbiga Ilaahayna waa kuwa liibaanay.



A) Khaa’in Hal Habeen:-

Waxa jira Allah keliya ayaa og, haday arintu sidaas tahay, sheekha shayaadhiin baa cimaamad iyo khamiis usoo xirtey, shar wadayaal iska dhigaya in ay yihiin khayr wadayaal, dad ay diintu ka dhamaatey, oo maxaa kusoo haray? Taas abshir bacadle ayaa horey uga jawaabey markuu yidhi “Qisas baa ku soo harey Ibliis qayb ku leeyahay.” Muslimiinta waxay u sheegaan waxaanu aamin sanahay Kitaabka Quraanka iyo Sunnada Nebi Maxammed (csw), laakiin hadii ay wax idin dhex maraan oo aad arin isku qabataan ama aad ku hadasho ama aad qorto wax lid ku ah siyaasada gumaysiga qarsoon ee ay wakiilada uga yihiin dhulkooda hooyo, waxay la shir imaanayaan oo ay ku hawgalayaan oo ay wax ku xukumayaan, siyaasadii gaalkii Abuu Jahal ahaa, mushrikiinul carab iyo makafeeli. Waa dad aan haba yaraatee aan laga sugaynin wax wanaaga oo u halgamaya maantana tigreeybaa na gumaysnaya beritna carab cunsuri ah iyo ey calooshood u shaqaystayaal oo uu ku adeegto ayaa madaxa umada kaga fariisanaya, oo iska daa berrito ee maanta ayagoo aan waxba ahayn oo dhuudhuumanaya ayayna noo ogoleen in aanu hadalno oo aan wax qorno, balka waran dadka noocaas ah haday berito na qabsadaan maxaad sugaysaa? Waa dad caqligoodii uu gumaysigu gacanta ku dhigey “Timo la xiirey way tarmaane, Caqli gumaysi xiirey ma tarmaa?

Waxaan ku macnayn karnaa in sheekhu weligiis cadaalada jeclaa isla markaana uu necbaa dulmiga iyo in qof muslim ah lagu xad gudbo oo meel looga dhaco xoriyadiisa qof ahaaneed ama sharafkiisa, oo uu waaya aragnimo fiican u leeyahay sidii laysugu wadi lahaa dad kala afkaar ah. Dhibaatadan dhacdayna ay sabab u tahay in talo ay ula yimaadeen arima fuliyayaashii gumaysiga qarsoon (shayaadhiinul insi) oo ay u tuseen in ay caawa ku guulaysan karaan oo keliya, waxaan diinta Islaamka ahayn. Sidaad darteed hadaynu doonayno in aynu caawa ka guulaysano ,oo ninkan wax qorey ka adkaano waa in aynu qaadano siyaasadii Abuu jahal iyo mushrikiinul carab oo wadahadalku markuu bilawdo aynu xafiiska sidii wax waalan oo kale kusoo cararno oo meesha buuq iyo qaylo aynu kusii dayno oo aynu dhagaha kaga qaylino ninkan wax qorey oo aan hadalkiisa la maqlin oo sidii Nebi Maxammed (csw) ay ugu buuqeen Mushrikiinul Carab si lamid ah aynu ugu buuqno, oo waa in caawa isaga tagnaa kitaabka Quraanka ah iyo Sunadii Nebi Maxammed ee cadaalada ku dhisnayd. Maxaa yeelay hadaynu diinta Ilaahay iyo cadaalada ku dhaqano oo qof walba markiisa hadlo dacwadiisana sheegto waanu guul dareysanaynaa oo hoog, jab iyo guuldarro ayaa noosoo hoyadey, oo wiilashii yaryaraa ee wax magarada ahaa ee aynu raranay ayaa nagu toosaya oo fahmaya beentii iyo khuraafaadkii aanu akhrinaynay ee ahaa” Carabaa kursi laga kicinayaa, carab kalaa lagu fariisinayaa waa jihad oo janno ayaa lagu gelayaa. Sidaad awgeed waa in aanu caawa Rabbi ku caasinaa oo diintii Ilaahay soo dejiyey isaga tagto oo aynu qaadano siyaayadii mushrikiinul carab iyo makafeeli. Haday arintu sidaas aheed waxba hala yaabin sheekha maxaa yeelay awoowgeen Nebi Aadam(cs) waxaa waswaasiyey shaydhaan Rabbi (SW) oo taas noo cadeeyeyna wuxuu yidhi:-

فَوَسْوَسَ إِلَيْهِ الشَّيْطَانُ قَالَ يَا آدَمُ هَلْ أَدُلُّكَ عَلَى شَجَرَةِ الْخُلْدِ وَمُلْكٍ لَّا يَبْلَى (20:120)
________________________________________
فَأَكَلَا مِنْهَا فَبَدَتْ لَهُمَا سَوْآتُهُمَا وَطَفِقَا يَخْصِفَانِ عَلَيْهِمَا مِن وَرَقِ الْجَنَّةِ وَعَصَى آدَمُ رَبَّهُ فَغَوَى (20:121)
________________________________________

Waxaase waswaasiyey shaydhaan wuxuuna yidhi Aadamow ma ku tusiyaa Geedda waarida iyo xukun aan gaboobayn.(Dhaahaa 120)

Wayna cuneen xaggeeda waxaana u muuqatay Cawradoodii, waxayna noqdeeen kuwa isku dhejiya korkooda caleenta jannnada, wuu caasiyey Aadan Eebihiis wuuna leexday. (Dhaahaaa 121)


E) Khaa’in Weligiis:-

Waxa jira Allah keliya ayaa og, haday arintu sidaas tahay, hadba cidii uu isleeyahay awood bay leeyihiin oo hadaad taageeri weydo dhibaykuu geysnayaan lasafo, ama xoolo ayay leeyihiin oo hadaad taageerto waxbaad ka heleysaa, taageer hadba ninkii xoogaa lacag ah haysta.Waxaynu ku macnaynkarnaa in uu sheekhu weligiis laba weji leeyahay weji wanaagsan oo cadaalad, sinaan, is xaqdhoor ku dhisan markuu umada hortaagan yahay, iyo weji xun oo ah markuu umada ka qarsoon yahay oo ku dhisan dulmi, cadaalad darro, eex, kooxeysi, iyo siyaasadii mushrikiinul carab iyo makafeeli. Khayrka, wanaaga, cadaalada dadka wuu u sheegaa lakiin isagu kuma dhaqmo.Sheekhu dadka khayrka wuu usheegaa laakiin isagu kuma dhaqmo. Allah (sw) oo taas inooga digayana wuxuu yidhi:-

أَتَأْمُرُونَ النَّاسَ بِالْبِرِّ وَتَنسَوْنَ أَنفُسَكُمْ وَأَنتُمْ تَتْلُونَ الْكِتَابَ أَفَلاَ تَعْقِلُونَ (2:44)
Ma waxaad faraysaan dadka wanaaga ood halmaansantihiin naftiina idinkoo akhrin kitaabka miyeydaan wax ka sayn.


Wanaaga iyo khayrka uu umada u sheegayo isagu waa ka qaawan yahay. Walaal maahmaah ayaa ahyd “Abaal dad gala badan dad gudaase yar” waxaan taas ula jeedaa masaajidkan sheekhu dhex fadhiyo iyo kuwa la midka ahba waxaa dhisay umada muslimiiinta ah oo laga soo ururiyey xoolihii lagu dhisay, waxaana loo balan qaaday in uu noqon doono inta aay nool yihiin hoy ay ku cibaadeystaan, markay dhintaana halkii meydkooda lagu dhiqi lahaa, oo loogu tukan lahaa, oo lagu safrin lahaa ilaa iyo qofwalba iyo qabrigiisa, laakiin ayaan daro wixii umada loogu sheekeyn jiray wax weyn baa iska bedelay oo hada, waxay gaangiistardii gadhka la baxay doonayaan in ay masaajidka u bedelaan saldhigii gumaysiga, iyagoo wax ku taageeraya hadba carabkii xoogaa u dhiiba in ay la saftaan, oo waxay wax ku qiimeynayaan hadba ninkii lacag haysta, waxaa lagu dulaystay oo loogu hanjabayaa kuwan baa lacag haysta. Bal duligan culumadan haysta iyo kuwii fircoon gumaysanayey maxay wadaagaan? Waxaa wax lagu qiimeynayo oo qofka lagu taageerayo oo uu umada ku hogaaminayo waa lacag baan leeyahay ee hala i dhageysto, qofka aniga wax ii sheegayaa xitaa hadaan khalad sameeyo ama aan ku hadlo waa in uu lacag leeyahay.

وَنَادَى فِرْعَوْنُ فِي قَوْمِهِ قَالَ يَا قَوْمِ أَلَيْسَ لِي مُلْكُ مِصْرَ وَهَذِهِ الْأَنْهَارُ تَجْرِي مِن تَحْتِي أَفَلَا تُبْصِرُونَ (43:51)
________________________________________
أَمْ أَنَا خَيْرٌ مِّنْ هَذَا الَّذِي هُوَ مَهِينٌ وَلَا يَكَادُ يُبِينُ (43:52)
________________________________________
فَلَوْلَا أُلْقِيَ عَلَيْهِ أَسْوِرَةٌ مِّن ذَهَبٍ أَوْ جَاء مَعَهُ الْمَلَائِكَةُ مُقْتَرِنِينَ (43:53)
________________________________________
فَاسْتَخَفَّ قَوْمَهُ فَأَطَاعُوهُ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ (43:54)
________________________________________


Wuu u dhawaaqay Fircoon Qoomkiisii wuxuu yidhi miyuusan ii sugnaan xukunka Masar, iyo webiydan socota hoostayda, miyeydaan wax arkaynin. (AZ-Zukhruf 51)
Saw anagu kama khayroonin kan dulleysan een karayn wax caddayn (Nebi Muuse).( AZ-Zukhruf 52)
Maxaa loogu soo tuuri waayey jijimoon Dahab ah, ama maxay ula imaan wayday Malaa’ig israac raacsan. (AZ-Zukhruf 53)
Wuxuu fudaydsaday (Fircoon) qoomkiisii wayna adeeceen waxayna ahaayeen Qoom faasiqiin ah.( AZ-Zukhruf 54)


In badan baad qof muslin ah dhiigiisa ku quraacateen oo aad ku qadayseen
Oo aad ku cashayseen, in badan badan baad kii diida in uu fidnada dhexgalaba ku magacawdeen magacyo xunxun, in badan baad qof Muslim ah oo aan wax denbi ah gelin debin ugu hanjabteen in aad debin u dhigeysaan haduusan Xisbu Shaydhaanka (Satanic Party) xubin ka noqonin. Nimankiina khaa’imiinta ah xisaabta ku darsada in aduunka Ilaahay iska leeyahay Rabbina uu Caadil yahay, dulmigana uu nicib yahay.

Walaal waxa laga yaabaa intaad isleedahay ma waxaad ka welwelaysaa hal wadaad oo khaa’in noqday, bal marka hore sheekadan ila fiiri. “Waxaa la yidhi habeen habeenada ka mid ah, ayaa Cigaal Shiidaad, oo hurda meel ardaa ah, ayaa subxaanyo, soo dul martay sanka iyo afkiisa dhexdooda, dibintiisa sare korkeeda. Qabowgeedii subxaanyada iyo dareenkii Cigaal ee baqdinta badnaa ayuu ku toosay.Cigaal wuxuu billaabay qeylo iyo oohin dheer. Taasi oo dadkii kale ee ag hurdayna ku wada tooseen. Markii la isu soo wada kacay, ayaa la arkay in wuxuba ay subxaanyo yihiin.
Cigaal Shiidaad, waxaa loo sheegay, inayna subxaanyadu, waxba cunin, halisna lahayn ee uu iska aamuso, iskana seexdo. Laakiin Cigaal Shiidaad ma aamusin, ee qeyladii iyo oohintii ayuu sii watay. Dadkii kale ayaa fahmi waayay sababta uu Cigaal Shiidaad la ooyayo, maadaama, subxaanyadiina laga dul qaaday, loona sheegay inaanay wax cunin, dhibaatana cid u geysan.Cigaal Shiidaad oo ka jawaabayay su´aalaha dadka, ayaa halhays caan noqday ku yidhi:Waxaan ka baqayaa inay meeshaasu sankayga iyo afka dhexdiisu noqoto waddo halaq mareen ah!” walaal waxaan ka baqayaa in culumadu saas naga wada noqoto oo kii xoogaa diin ah bartaaba uu yiraahdo intaan ka dhimanayo hala I biilo aniga iyo xaaskeyga, oo hadba carabkii xoogaa lacag siiya la safta, oo noqda calooshii u shaqayste aan diin iyo dadnimo toona lahayn.
Sheekha iyo kuwa uu ku biirey sidey diinta u yaqaanaan daacad uma ah, Quraanka way yaqaanaan laakiin kuma dhaqmaan, cadaadala umada way faraan laakiin kuma camal falaan, wanaaga uma way amraan, laakiin iyaga xumaanta ayay ugu caana badisaa, inta ay umada hortaagan yihiin weji wanaagsan ayay ku dhaqmaan, laakiin ayaan darro markay gooni isugula baxaan intooda Xisbi shaydhaanka xubnaha ka ah waxay agaasimaan waxaad ka aragtey maxkamadii munaafiqiinta iyo wax kasii xun.
dadka markay hor joogaan waxay iska dhigayaan in ay yihiin mu’miniin diinta ilaahay difaaceeda dhexda u xirtay, laakiin markay gooni u baxaan diintii islaamka meesha maba taalo waxaa meesha yaala waa siyaasadii mushrikiinal carab iyo makafeeli oo laysku barxay loona soo geliyey khamiis iyo cimaamad umada lagu qaldayo. Walaal waxa ay aaydani sheegeyso iyo waxa manta taagan is barbardhig.

وَلاَ تُجَادِلْ عَنِ الَّذِينَ يَخْتَانُونَ أَنفُسَهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يُحِبُّ مَن كَانَ خَوَّانًا أَثِيمًا (4:107)
________________________________________
يَسْتَخْفُونَ مِنَ النَّاسِ وَلاَ يَسْتَخْفُونَ مِنَ اللّهِ وَهُوَ مَعَهُمْ إِذْ يُبَيِّتُونَ مَا لاَ يَرْضَى مِنَ الْقَوْلِ وَكَانَ اللّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطًا (4:108)
“(107) Ha ka Doodin kuwa khayaamayn naftooda, Eebana ma jecla khayaamo badane dambi badan.”
(108) Waxay iska qarin dadka iskamana qarinayaan Eebe isagoo la jooga markay maamuli wuxuusan raalli ka ahayn oo hadal ah, Eebana waxay camal fali wuu koobey.”

Wax Alla iyo wixii uu diin umada u sheegayay caawa oo uu wax xukumayo agtiisa waa laga waayey. Sheekhow khaa’imiinta gumaysiga ah ha difaacin.
I) Wadaad la iibsaday:-

Waxa jira Allah keliya ayaa og, haday arintu sidaas tahay oo sheekha waxa arintaas ku kalifey ay tahay lacag iyo xoogaa aduunyo ah. Ama markaan wadanka qabsano oo aan Soomaali oo dhan gumaysano ayaa madax sarre lagaa dhigayaa, oo xilbaa laguu dhiibayaa, oo gaadhi Mercedes ah oo muraayado madow oo aan gudihiisa la arkeyn, oo xabadu aysan karayn baa lagugu qaadi, oo weliba dirawal baa kuu wadaya oo si fiican baad u raaxaysan. Haddu shuukhu waxaas ku fikirayo saw sheekan xigmada badan xusuus ma mudna “Biciidkaan dili doono.” Halhayskan, wuxuu isna ku baxay sheeko dheer, oo laga la hadhay xikmad. Beri ayaa waxaa meel ku noolaa nin ugaadhsade ah, wuxuuna qabay afo uur weyn u leh, oo ay aad iyo aad isu jeclaayeen.Ninka ugaadhsadaha ahi, wuxuu qaataa leeb iyo qaanso, wuxuuna soo dilaa ugaadha, ay ka mid yihiin biciid, deero, daba-taag, garanuug, goodir, geri,gorayo, cawl, sakaaro, wiyil iyo wixii kale ee u gala dabinada uu dhigto.Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa intaanu gurigiisi ka ambabixin, afadiisi uu damcay inuu ka sii farxiyo, una soo bandhigo waxyaabo run ahaantii, qalbigiisa uu ku hayay, lana jeclaa inuu u sameeyo afadiisa. Sheeko dheer oo uu ku hindisoon jiray, dhex miiran jirtayna laabtiisa ayuu dibedda u soo wadhay afadiisi, wuxuuna ku yidhi:
- Biciidka aan dili doono, yeesha aan ka jiro doono, lacagta laga siiso doono, sabeenta aan ka iibin doono, sumalka ay dhali doonto, subaga badhideeda laga shiili doono, adiga ayaa dhalayee dhan.
Markii uu intaas ku yidhi, ayay afadiisi, oo aad saygeeda u qaderisaa, ay ka xishootay inay subagga, iyadu horta cabto, waxayna door biday inuu isagu cabbo, waayo isaga ayaa ka hawl iyo dhibaato badan iyada, oo maalin oo dhan ku soo rafaada, inuu soo ugaadhiyo. Sidaas awgeed, ayay la noqotay inuu isagu u xaq leeyahay inuu ka hor
cabbo. Waxayna ku tidhi:
- Waar adiga ayaa gannayee dhan.
(Gannaya waxaa weeye soo tooganaya ama soo dilaya ugaadha.)
Sida sheekada lagu soo weriyay, dhowr goor ayaa midba midka kale, isagoo ku ixtiraamaya yidhi:
- Adigaa dhalayee dhan!
- adigaa gannayee dhan!
Markii la ismari waayay, ayaa ninkii ugaadhsadaha ahaa, aad uga cadhooday, kana xumaaday inay afadiisa uurka lehayd, ku diiday subaggii uu la jecelaa inay isku nafaqayso ee uu u hibeeyay. Afadiina sidoo kale, waxay aad uga cadhootay, saygeeda, oo dhibaato iyo hawlo badani ay ka soo marto ugaadhsiga, inuu diido maamulka nafaqeynta ee ay u soo jeedinayso marwadiisu.
Meeshaasi, ismaandhaaf jacayl ku salaysan oo laxaad leh, ayaa ka yimid, oo maalintaas reerkii waxaa dhexmaray isafgaran-waa iyo kala cadhoodh ay aad u kala xanaaqeen.Laakiin xigmadda meesha ku jirtaa, waxay tahay, biciidkii weli lama soo dilin, wax subag ah oo labadooda dhex yaalay ma jirin! Weli biciidkii kaynta ayuu dhex daaqayaa, gacantooda weli ma soo gelin. Weli saantiisi yeel lagama jarin. Weli wax lacagah oo yeel laga helay ma jirto, weli sabeen adhi ah lama soo iibin, weli sumal dhashay ma jiro. Weli badhi sumal lama shiilin. Weli subag lama hayo.Bal arrintaas adigu! ka waran?.” Walaal waxaan arintaas kuugu soo qaaday saw lagama yaabo in sheekhu wuxuu u xanaaqsan yahay ay tahay in ardaygu uu wax ka sheegay oo ka careysiiyey rag lacag leh oo uu sheekhu ka danbeeyo?
Waxaynu ku macneyn karnaa in sheekhu markii hore uu ahaa nimaan jeclayn “Xisbu Shaydhaanka” iyo xumaanta ay ka wadaan qaar masaajida Ilaahay ka mida dhexdooda, laakiin hada gacanta lagu dhigay ama mushaar loo qorey ama wax loo tuurtuuro oo ay arintu tahay “ Af wax cuney xishoo” ama “ Wadaad hunguri weyn iyo weylo lo’aad hadba ninkii waraabsadaa wata.” Walaal maxaa aasaas u uh ku dhaqanka dinta islaamka saw ma’aha cadaalad iyo sinaan? Hadaba meeday cadaaladii? Walaal waxaad is barbardhigtaa waxa taagan iyo wax ay aayadani ka hawleyso.

فَلِذَلِكَ فَادْعُ وَاسْتَقِمْ كَمَا أُمِرْتَ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَاءهُمْ وَقُلْ آمَنتُ بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ مِن كِتَابٍ وَأُمِرْتُ لِأَعْدِلَ بَيْنَكُمُ اللَّهُ رَبُّنَا وَرَبُّكُمْ لَنَا أَعْمَالُنَا وَلَكُمْ أَعْمَالُكُمْ لَا حُجَّةَ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ اللَّهُ يَجْمَعُ بَيْنَنَا وَإِلَيْهِ الْمَصِيرُ (42:15)

“Waxaad dartiis ugu yeedh Dadka, utoosnowna sidii lagu faray, hana raacin hawadooda, waxaaadna dhahdaa waxaan rumeeyey waxa Eebe soo dajiyey oo kitaabka ah, waxaana lay faray inaan u caddaalado falo dhexdiina, Eebena waa Rabbiganno iyo Rabbigiin, waxaa noo sugnaaday waxaan camal fallo, idinkana waxaa idiin sugnaaday waxaad camal fashaan. Doodina inama dhextaallo Eebaa kulmin dhexdeena xagggiisaana loo ahaan.”

O) HANJABAAD(CABSI GELIN):-

Waxa jira Allah keliya ayaa og, haday arintu sidaas tahay. Hadaynu dhinac kale wax ka eegno malaga yaabaa in sheekha loo hanjabay oo lacabsi geliyey oo la yidhi hadaad ardeygaaga waxka qaban weydo oo aad aamusiin weydo, waxa uu qorey oo aad oron weydo gub warqadahaaga, shiikhoow shaqaa lagaa qabanayaa ee la soco. Waxa jira Allah keliya ayaa og, haday arintu sidaas tahay sheekhow su’aal aan ku weydiiyo adiga iyo kuwa kula midka ah ee fidnadaan dhexdabaalanaya cabsi darteed, maxay kugu sameyn karaan in ay ku dilaan, in ay debin kuu dhigaan oo ay ku xiraan iyo in ay ku dacaayadeeyaan oo ay muslimiinta kugu dhexceebeeyaan oo ay kuu tusaan in aad tahay qof xun oo diinlaawe ah. Marka hore saacadii rabbi kuu qorey kana hor mari maysid kana dib dhici maysid, marka kale dacaayad waxba ku yeeli mayso sababtoo ah waxa wax laga sheegi jirey oo la dacaayadeen jirey qaar aniga, adiga iyo kuwa kula mid ahba ka khayr badan baa wax laga sheegi jirey. Wixii Alle kuu qorey unbaa kugu dhici ee laso taas rabbi oo na barayaa wuxuu yidhi.

قُل لَّن يُصِيبَنَا إِلاَّ مَا كَتَبَ اللّهُ لَنَا هُوَ مَوْلاَنَا وَعَلَى اللّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ (9:51)

“Naguma dhaco wax Eebe noo qorey mooyee, isagaa gargaarahannaga ah ee Ilaahay uun ha tala saarteen Mu’muniintu.”

Haday arintu tahay basaasiinta wadankan aad ku nooshahay iyo wadamada kale ee aduunka anagaa gacanta ku hayna, dacalada aduunta Afrika, Aasiya, laatiin Ameerika fiilooyinkaan ka soo xirno iyo debinadaan kasoo maleegno ayaa adigoo halkaaga jooga kuugu imaanaya oo kula kacaya. Maxaad anaga naga taqaanaa, ninkaan ku biirin Xisbu shaydhaanka (Satanic Party) oo dhiiga musliinta aan ku fool dhaqan, oo hilibka muslimiinta aan ku quraacan oo aan ku qadannin, oo baskan jahannama u socda aan soo fuulin, shaqaa laga qabanayaa oo sacadaha nolashiisa ka haray xabsi kuu ku dhamaysanayaa, Waxa jira Allah keliya ayaa og, haday arintu sidaas tahay, sheekhoow hadal qof bini’aadan ah ku hadlay beena wuu noqonkaraa, runa wuu noqonkaraa, haduu been yahay waxaad ka cabsataa meesha mayaalaan, oo haday nimankan faanka badani wax xiri karaan rag badan oo rarka diidey baa hawada laga qarin lahaa oo qol madoow oo mugdi badan sidii qabrigii guri looga dhigi lahaa, haday arintu tahay run oo nimankani wadankasta oo aduunka ay basaasiintooda ku dhex jiraan, oo halkana ay nagu xiri karaan intay debin noo dhigaan, wadan kale hadaan uguurnana aynagu xiri karaan Ha Iloobin weligaa Rabbigii Nebi Yuusuf (cs) xabsiga kasii daayey in uu joogo aduunkana iska leeyahay. Waxaad ka cabsanayso sow maaha “laba wejiile”(Double Agent) laba kooxood oo iska soo horjeeda oo dagaalamaya mushaar ka qaata, i dhageyso anaa u jawaabaya doqonkan laba mushaar qaata oo waxaan leeyahay:-


Double Agent you are not a smart man
Damn! You are just a gready man
Damn! You destroyed your daily life
Damn! That cash is destroying your life
Damn! You can only fool the people simetime
Damn! You cannot fool all people all the time
Damn! Your deadline is coming soon
Damn! You put your future in a darkroom for ever
Damn! Double Agent you are not a smart man
Damn! you are just a greedy man
Damn! Fiction cannot be truth
Damn! Real truth cannot be fiction
Damn! False information cannot work forever
Damn! Your ten faces will be found out one day
Damn! That day every single human will be cursing you
Damn! That day even dogs and beasts will curse you
Damn! How many days have you tried to destroy innocent lives?
Damn! Do you worship God or cash?
Damn! That cash is destroying your life
Damn! That double salary is poison in your stomach
Damn! Double Agent you are not a smart man
Damn! You are just a gready man


Sheekhow laba wejiile isagaaba hal lug ku taagan ee waxba ka cabsanin, waxay arintiisu ku xiran tahay inta laga ogaanayo oo haduusan dhuumanin wuxuu nolashiisa ku dhamaysan doonaa xabsi fool xun Insha-Allah, oo waxa lagu soo dhoweyn doonaa xabsigii ay galeen kuwii uga horeeyey riwaayadan uu maanta matalayo oo waxa lagu oran doonaa Insha –Allah.

Oh! You are the evil with human face
Oh! You are the evil who destroyed his life
Oh! You are the evil with twenty faces
Oh! You are the evil who worship creation with the cash
Oh! You are the evil who denied worshiping creator
Oh! You are the evil who going to the hell
Oh! You are the evil who going to the American Hellfire
Oh! You are the evil who love Colarado Supermax
Oh! You are the evil who is ready to the worst
Oh! You are the evil who will pay the price
Oh! You are the evil who love Colarado Supermax
Oh! You are the evil who worship cash
Oh! You are the evil who will sit dark room forever
Oh! You are the evil with human face
Oh! You are the evil who destroyed his life
Oh! You are the evil who staying American Hellfire until you dead, dead and dead.


Walaal waxaan filayaa in aan hadalka kugu bediyey, hadaan soo koobo, waxaan kusoo ururin karaa, siyaasada, fidnada, colaada colooshii u shaqaystanimada iyo dhiiga daadanaya waxaa lagu yiqiiney oo can ku ahaa Ragga, laakiin ayaan darada maanta taagan fidnadan waxay gaartey xitaa dumarkii. Ceeb Allaha Asturo. Lacagtii iyo timirtii carabtu waxayna badeen waxaa ka daran waxayna bareen. Balka waran haddii gumaysiga qarsoon uu adeegsnayo xitaa qaarka mid ah dumarkeenii, danta ka danbeysanay ay tahay in maalinta gumaysiga tigreeygu gabalkiisa dhaco, in aadan xornimo helin oo booskii uu bedelo gumaysi cusub oo soo huwaday oo isku qarinaya magac diineed. Balka waran hadii ardeygii wax qorey xitaa dumar ergo loogu soo direy oo la leeyahay, jooji waxaad qortey? Sabata oo ah in aadan kashiftay oo aad banaanka soo dhigtey sirtii iyo khiyaamadii raga lacagta leh, ee biila qaar culumadeena ka tirsan sidii naag marwo ah oo nin fiican rabbi u hibeeyey. Hadalkaagu wuxuu dhibey oo uu ka careysiiyey Ey calooshood u shaqeystayaal ah iyo Odoyadoodii.

Walaal waxaa laga yaabaa in aad aragto arima fuliyayaasha gumaysiga qarsoon oo la shir yimid muxaadaro uu jeediyey sheikh culumadeena ka mid ah oo ka hadlaysa “Al walaa wal baraa.” Yaad weli ka dhiganaysaa oo aad u gargaaraysaa, yaadna beri ka noqonaysaa? Walaal ““Al walaa wal baraa.” Waxay ka hadlaysaa waa muslin xaq ku taagan iyo gaal dumli wada. Aniguna waxaan ka hadlayey laba kooxood oo muslimiinta oo kursi isku haysta oo kala ah “Al-Sacuud” iyo “ Usama iyo ururkiisa” hadaba kuwee gaala ah? Ma tahay daliil iyo dool qalsan, mise anigaa mooday? Ma tahay su’aasha koowad ee imtixaanka carabiga hadaan garan weydo waxaad jawaab uga dhigtaa su’aasha tobanaad iyo kuwa su’aalaha kasii danbeeya. Hadaad xusuusato ardeyda qaarkood oo aan ku fiicnayn barashada luqada carabiga ayaa waxay samayn jireen marka ay imtixaanka garan waayaan ayay su’aashii ugu jawaabaan in ay booskeedii dhigaan su’aal kale, waxay rabaan ha uga dan lahaadaan, ama in ay macalinka wareeriyaan ama in uu u qaldamo oo uu u saxo, waxaan taas ula jeedaa waxaa laga yaabaa in aada ragto wakiilada xisbu shaydhaanka ama u adeegeyaasha gumaysiga qarsoon in ay la shir yimaadaan sheikh culumadeena ka mid ah oo ka hadlaya “ Al walaa wal baraa” oo ay hordhac u sameeyaan oo ay yiraahdaan yaad la safanaysaa, yaad garabsiinaysaa, yaab beri ka noqonaysaa? Walaal Al Walaa wal wal baraa kama hadlayso shaqana kuma laha laba kooxood oo carab ah oo kursi isku haysta oo koox walba ay sheeganayso in ay muslimiin salafiin ah yihiin, hadaad la shir timaadaan daliil iyo dood qaldan, su’aal aan idin weydiiyo kuwee al gaallo daalimiin ah oo dhiigoodu uu badaan yahay? Kuwee Gaallo ah oo aan ka beri noqonaa? Kuwee ah kuwa beriga laga noqonayo? Ma Al-Sacuudbaa Gaallo ah, mise Usama bin Ladin iyo ururkiisa AL-Qaa’ida? Waxaan filayaa inay idiin cadahay jawaabta saxa ah taas oo ah waxa gaala ah meeshan ma joogaan waxaana kursi isku haya laba kooxood oo muslimiin ah oo carab isla ah. Hadaba wadaadkan Soomaaliga ah maxaa dhex geliyey? Shalay waxaa la yidhi “Laba gaal oo ii siman maxaan midna garabka u siin midna aan godob uga geli.” Manta waxaanu leenahay laba nin oo carab ah oo ii siman maxaan midna garabka u siin midna aan godob uga geli.” Waxa walba hadaanu u sheegno in Ilaahay u naxiistey oo khayr la doonay mooyee, inta kale waxba naga dhageysan maayaan sababta oo ah waxaa horey loo yidhi “nin meeli u cadahay meeli ka madaw.” Nin xoogaa lacag ah, xoogaa timir ah, iyo kursi u cad yahay waxba naga dhegeysan maayo, sababtoo ah waanada Rabbi(sw) iyo Quraanku waxay anfacaan qofka Allah(sw) ka cabsanaya oo keliya, taas Rabbigeen oo na barayaa wuxuu yidhi:-
________________________________________
نَحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ وَمَا أَنتَ عَلَيْهِم بِجَبَّارٍ فَذَكِّرْ بِالْقُرْآنِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ (50:45)
“Annagaa og waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka yaabi.”

Dadka noocan ah ee diinta sheeganaya gadhka la baxay, khamiis iyo cimaamad isku soo taagay masaakiinta, maangaabka, wax ma garatada ugu sheekeynaya diinta Ilaahay inay kor noqoto ayaanu u taaganahay, hadana dagaal fidnadaa ku magacaabaya waa jihaad oo dhiiggii muslimiinta xalaashaday, wixii Rasuulku nooga digey dhexboodaya maxaynu ku magacaabi karnaa munaafiqiinta casriga ah, mise munaafiqiinta ilbaxday? Walaal kuwaan aanu sheegnay ee ah munaafiqiin tuug beenaalayaal ah iyo hadduu gaal dagaal dhex maro yaad la safanaysaa?

Walaal nimankan wadaadan khaa’imiinta ah iyo sirta ay nagula dhaqmayaan,waxaan ku soo xasuustay sheekadan ee bal sifiican u dhuux “Waxa jirey nin aad iyo aad khiyaamada u yaqaan oo dadka ku dhaca been iyo afmiishaarnimo maalin ayuu u yimid gabadh yar oo khat(jaad) meel ku iibinaysa markaas ayuu ku yidhi “Adeer casuumad baan leeyahay oo dad badan baa ii imanayee khat wanaagsan ma haysaa? markaas ayay gabadhii yareyd faraxday oo ay tidhi haa adeer khat miican baan hayaa. Markaasuu odeygii tuuga ahaa ku yidhi dhamaan khatka aad heysaa qiimihiisu waa imisa? Markaasaty iyadoo aad iyo aad u faraxsan u sheegtay lacagta ay ku doonayso. Markaasuu ku yidhi ina keen adeer waxaan lacagta kaa siinayaa farmashiye aan leeyahay oo halkan ku yaalee. Gabadhii aayaa raacday, markuu farmashiyihii galay ayaa ku yidhi halkan fariiso, dabadeed wuxuu u yeedhay ninkii farmashiyaha lahaa markaasuu gudaha la galay oo ku yidhi gabadhan adeer baan u ahay oo miyagaa laga keenay, oo waxay qabtaa jabti ee imisa cirbadood ayay u baahan tahay? Ninkii farmashiya gadayey ayaa aad u farxay oo u sheegay dawada gabadhu u baahan tahay iyo lacagta ku baxaysa dawada iyo cirbadaha iyo mududooda, markaas ayuu ku yidhi adeer gabadhu aay iyo aad ayay u xishood badan tahay ee maalin walba markay kuu timaado dawadeeda ku dur markay dadku ka dhamaadaan oo farmashiyuhu uu cidla noqdo. Ninkii ayaa baalan qaaday inuu sidaad yeeli doono, markaas ayaa odagii ku yidhi lacagtaada oo dhan hadaan kuu keenayaa oo bakhaarkan kaaga soo qaadayaa, dabadeed intuu dibada u soo baxay oo uu gabadhii u yimid ayuu ku yidhi waan kuugu sheegay ee halkaaga sii fadhi, markuu dadkii wax iibsanay wada baxeen baa gabadhii waxaa u yeedhay ninkii farmashiga ka shaqeynayey oo gudaha la galay, markaas ayuu diyaarsaday cirbadii sidii qof wax duraya oo kale, gabadhii oo yaaban buu ku yidhi adeer aad ku diree marada iska qaad, markaasay tidhi ma anigaad u duraysaa? Markaasuu ku yidhi haa adeer ku durayaa oo adeerkaa baa ii sheegay inaad jabti qabto, markaasay intay gabadhii carootey ku tidhi hooyadaa baa jabti qabta, ee lacataydii isii markaasuu ninkii inta yaabay ku yidhi lacag maxay ah? Markaasay tidhi lacagtii khaadka, markasuu ogaaday ninkii farmashigu in uu ninka gabadha u keeney uu ahaa tuug laba wejiile ah.

Walaal waxaad isbarbardhigtaa ninkaas khaa’inka ah ee qofba kula hadlaya af iyo wadaadkan khaa’inka ah ee anaganna af nagula hadla af, gaallada markuu u tago kula hadla af, carabta lacagta haysata ee kuraasta doonaysa markuu u tagana kula hadla af.
Beenta khaa’imiintan saw la mis maaha, kuwa markay gaallada la joogaan anaga naga sheekeynaya oo basaasiin laba wejiilayaal gaalada u ah, markay anaga nala joogaana intay gadhka la baxaan noogu sheekeynaya sheekooyin been ah s’aanu dhibka ula qaybsanno.

Waxaad tiraahaa oo jawaab noogu filan inaynu niraahno “ Wadaad hunguri weyn iyo weylo lo’aad hadba ninkii waraabsadaa wata.” Walaal ninka maanta oo dhan soomanaa oo ku afurey koob caano ah iyo koob dhiig muslin ku jiro, hilib doofaar iyo hilib adhi oo laysu dhex keriyey kuwaan uu ku afurayo ma xalaal baa mise waa xaaraam? Gadhka oo lala baxo iyo marro weyn oo madaxa lagu duubtaa ma diinbay noqonaysaa hadaan cadaalad la hayn? Ninka hadba kooxdii lacag siisa la safta oo u dagaalama ma oran karnaa waa maada caabud? Meteralist No 1?

Walaal raggaan dagaalka fidnada ah dhex boodaya oo dhiig muslim daadintii irsaaqad u raadsanaya miyey iloobeen in Ilaahay uu risaqa bixiyo iyo hal ku dhegeenii qiimaha badnaa ee ahaa “Ma faqriyo shareecada ninkii faraqa haystaaye.” Saw uma fiicnaateen in ay aaminiin wixii Allah (sw) ku irsaaqay haba u yaraatee.

Walaal dagaalka iyodhiiga daadanaya yay dani ugu jirtaa? Waxaan aaminsnahay ka bilaw Aakhiro moog, calooshii u shaqayste hadba carabkii xooggaa u dhiiba u dagaalama, maangaab lagu adeegto, mis xanuunsnaya ama haku dhaco cudur kursi doonka ahaa ama cudur la mid ah ee sabab ugu noqda qof muslim sheegnaya in uu xaramka Rabbi dhexdiisa xabad ka rido oo dhiig ku daadiyo, ama kuwa qalabka ciidamada, dagaalada iyo hubka ka baayac mushtara (War profiteers).

Walaal waxaa laga yaabaa in arima fuliyayaasha gumaysiga qarsoon ay kuu keenaan cajalado ay ka hadlaya munaafiqiinta iyo muslimiinta aduunyo ururinteed oo keliya mashquulku ah oo iloobay in ay diintooda Islaamka ay waqtigooda qaaliga ah wax ka siiyaan oo diinta Rabbi kor noqoshadeeda ay ku mashquulaan intay ku mashquuli lahaayeen aduunyo aan dhamaanayn ururinteeda, walaal waxaan anigu u arkaa in waxaan oo dhan ay tahay hadal xaqa ah laakiin looga danleeyahay dulmi, taaas waxaa tusaale noogu filan maahmaafdii caanka ahayd “ ninkaad kaba ka tolanayso kabakiisa layska fiiriyaa.” Oo Ilaahbaan kugu dhaarshee ninka dagaal fidnaha ku maga caabay jihaad maxaadka filaysaa oo khayr ah? Ninka hadalkii Rabbi (sw) bedelaya maxaad ka filaysaa oo khayr ah? Wadaadka calooshii u shaqaystaha ah ee hadba carabkii xoogaa u dhiiba kabaha u qaada maxaad ka filaysaa oo khayr ah?

Walaal si fiican ma u fahantey belaayada aan ka hadlayo, hadaba waxaan rabaa in aan su’aaal ku weydiiyo taasoo ah, Munaafaq magac Muslim ku qaraabta iyo gaal haday dagaal dhex maro yaad la safaneysaa? Rabbina wuxuu noo sheegey in munaafaqu uu gaalka ka hooseeyo.

إِنَّ الْمُنَافِقِينَ فِي الدَّرْكِ الأَسْفَلِ مِنَ النَّارِ وَلَن تَجِدَ لَهُمْ نَصِيرًا (4:145)
“Munaafiqiintu waxay ku sugnaan dabaqada hoose ee Umanaheshid gargaare.”

Ragga waxaa samaynaya maxaynu ku magacaabi karnaa, ma muminiinbaa, mise waa munaafikhiin? Ma ahlu khayrbaa mise waa ahlu shar? Ma awliyo Ilaahaybaa mise waa awliyaa u shaydhaan? Xisbiga ay ka bahoobeen oo ay xubno ka yihiin dadkaas magaca diinta ku qaraabta, laakiin ku dhaqma siyaasadii mushrikiinul carab iyo makafeeli maxaynu ku magacaabi karnaa ma xisbul munaafiqiinbaa, mise waa xisbul khaa’imiin, mise waa xisbul shaydhaan (Satanic Party)? Nimanka waxaas oo dulmi ah samaynaya ma Salafiyiinbaa, mise waa Sisiliyaan Mafiya? Ninka waxaad aragtey ama maqashay ee khaa’in ah isku duba rita haduu amiirnino sheegto, oo uu yiraahdo amiir baan ahay maxaynu ku magacaabi karnaa ma amiirul munaafiqiinbaa, mise waa amiirul khaa’imiin, mise waa amiirul shayaadhiinul insi?

Walaal waxaa intaas noogu dhamaaday “maxkamadii munaafiqiinta.” Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qaraalkii dacwada iyo dagaalka keenay, qoraalkaygii kowaad ee aad iyo aad ugu caraysiiyey wadaad caloshii u shaqayste ah oo dhan ee waakan ee sifiican u akhri!!!

LABA GUMEYSI MID DOORO.
Waxaa iimuuqata marka aan ka hadlo aniga rayigeyga qof ahaaneed in ay soo wajahdey xornimadii umada soomaaliyeed laba gumeysi oo kala daran oo mid walba uu jiho kasoo weeraray. Waxaa runtii ah wax aad iyo aad looga murugoodo markaad aragto dad walaala ah oo is wada cunaya. Siyaasadeenii qaldaneyd ee ku dhisnayd “Ii talin maysid, kuu talin maayo, Ila talin maysid, kula talin maayo, wada tashan mayno, kala tegi meyno” weligeen sidaas baanu isu qaniinsanaanaynaa ilaa saacada qiyaama. Masiibadaas waxay dhalisey labadan gumeysi oo maanta mid walba uu midka kale ka daran yahay oo ka xun yahay. Mid walbana uu jiho kasoo weeraray isagoo shaadh gooni ah gashan, gumaysiga muuqda oo ah nimanka tigreeyga ah (TPLF) iyo gumeysi qarsoon oo ah carabta cunsuriyiinta ah ee qaa’imiinta ah ee noosoo xirtey qamiiska iyo cimaamada. Mid walba midka kale ayuu kadaran yahay gumeysiga tigreeyga (TPLF) oo uu horkacay Males Senawi iyo gumeysiga carabta (AL-Qaa’ Ida) oo uu horkacayo Usama bin Ladin.
Waxaa hore loo yidhi “qof aan waxa soo socda garanin, waxa taagan ma garto.”
Waxaan ku macneyn karnaa laban gumeysi oo kala ah “kud ka guur oo qanjo u guur.” Ama tigreeybaa ku gumeysanaya maanta ama carab cunsuri ah baa ku gumeysnaya berito. Sababtoo ah tigreeyguna waxay guursadeen qaar ka mis ah siyaasiyiinteenii, carabtuna waxay guursadeen qaar ka mid ah culumadeena diinta u nasab sheegata. Fidnada ay abuuraan kuwa dambiilyaasha ah iyaga keliya kuma koobnaato, Rabbi oo taas nabarayana wuxuu yidhi:-

وَاتَّقُواْ فِتْنَةً لاَّ تُصِيبَنَّ الَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنكُمْ خَآصَّةً وَاعْلَمُواْ أَنَّ اللّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ (anfaal8:25)
“Ka dharsada fidno oon ugu dhacayn kuwii dulmiga falay gaar ahaan oo idinka mida, ogaadana in Eebe ciqaabtiisu daran tahay.”

Waxaan jecelahay in aad hadalkeyga soo kobo, laakiin hadaan meelaha qaarkood aan sharaxa kugu badiyo ama aam isticmaalo ereyo aadan jeclaysan, ama aadan raali ka ahayn in qof muslim ah loogu yeedho ey, laakiin hadii uu sifadaas leeyahay waxaan aamin sanahay in xaq tahay, tusaale hadaad ey soo kaxeysato oo aad xoogaa sanbab ah aad maalmo siiso, kadibna aad ku amarto in uu weeraro oo uu boqnaha gooyo sheekha magaalada aad ku nooshahay ugu cilmiga badan iyo tuuga ugu dhibka badan labadaba si isku mid ah ayuu uweerarayaa, mana kala soocayo, sababta oo ah eyga qofka wax siiya ayuu ka amar qaataa, oo isagu sax iyo khalad makala yaqaan. Waxaan aamin sanahay in eyga in ey loogu yeedho aysan wax dhibleh ahayn, tuuga in tuug loogu yeedho aysan wax dhib ah lahayn, khaa’inka in khaa’in loogu yeedho. Qofka munaafuqa ah ee laba wejiilaha ah in laba wejiile ama munaafuq loogu yeedho ay sax sahay.

Waxaa ah wax lala yaabo markaad aragto nin wadaad ah oo sheeganaya in uu yahay muwaxid, salafi, xaraki oo hadana ah khuraafi weynaadey. Hadaad xusuusato abwaan Abshir nuur faarah (abshir bacadle) ayaa wuxuu la yaabey nin wadaad khuraafi ah oo been cad umada diin uga dhigaya, markaas ayuu gabay tiriyey oo uu yidhi

“Qaadiriyo weeyuu na yiri quracda waaweyne”
“Ilaahey kusoo qabay muxuu been qayaxan sheegay”

Khuraafaadkaas Abshir la yaabay oo uu ka gabyey mid ka daran ayaanu maantay aragney
Waxay yiraahdeen carabaa kursi laga kicinayaa, oo carabkalaa lagu fariisinayaa waxay yiraahdeen waa cibaado oo Ilaaha Caadilka ah baa loogu dhowaanayaa, oo weykasii dareen oo waxay yiraahdeen waa jihaad oo janno ayaa lagu galayaa!

Weligaa nin salafi sheeganaya oo ka been badan ma aragtey ama ma maqashay?
Waa wadaad caloshii u shaqeyte ah oo aan waxba ka xishooneyn, nebi Mohammed (CSW) isagoo arintaas nooga digaya wuxuu yishi:-

عن أبي مسعود عقبة بن عمرو الأنصاري البدري رضى الله عنه قال : قال رسول الله
صلي الله علية وسلم : ( إن مما أدرك الناس من كلام النبوة الأولى : إذا لم تستح فاصنع ما شئت ).
رواه البخاري [ رقم : 3483

“Waxay iska soo gaareeen hadalka nebiyadii hore waxaa weeye, hadaadan xishooneyn waxaad rabto samee”

Masaajid la mid ah xarumihii gumeysigii reer yurub ama gumeysiga madow ee Ethiopia aan waxba ka duwanayn, masaajid maalintii la dhisayey ay howshiisa iyo hantida ku baxaysey ay muslimiintu u wada dhamaayeen, maalintii la dhameystirey kama duwana saldhigyada ciidanka tigreeyga ay leeyihiin. Waxaa dhexdiisa laga agaasimayaa sidii adiga, walaalkaa, waalidkaa iyo wiilkaaga carab lacag haysaa kuu gumeysan lahaa, masaajidkii aad kusoo rafaadey wuxuu gacanta u galey gumeysi khamiis iyo cimaamad soo xirtey. Oo dabaa dhexdiisa laga hurunayaa, Rabbi (sw) asaga oo ka hadalaya arintaas maanta taagaan mid la mid ah oo dhacdey Noloshii nebi Maxammed (csw) wuxuu yidhi:-

وَالَّذِينَ اتَّخَذُواْ مَسْجِدًا ضِرَارًا وَكُفْرًا وَتَفْرِيقًا بَيْنَ الْمُؤْمِنِينَ وَإِرْصَادًا لِّمَنْ حَارَبَ اللّهَ وَرَسُولَهُ مِن قَبْلُ وَلَيَحْلِفَنَّ إِنْ أَرَدْنَا إِلاَّ الْحُسْنَى وَاللّهُ يَشْهَدُ إِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ (9:107) tawba

“waxaa ka mid ah kuwo u yeeshay Masaajid, gaalnimo, kala goyta mu’miniinta iyo darbidda cid la ladagaallanta Eebe iyo Rasuulkiisa mar hore waxayna ku dhaaran in aanan doonayn waxaan wanaag ahayn Eabana waa ogyahay in ay been sheegi.”

Walaal waxaad is barbardhigtaa masaajidkan Qur’aanku ka hadlayo iyo kuwo maanta laga hurinayo fidnada dagaal ee u dhaxaysa Al-Sacuud iyo Usama iyo kooxdiisa.
Ka fagow fidnada ka dhaceysa wadankeygii hooyo kaas oo ah dagaalka iyo loolanka siyaasadeed ee ka dhaxeeya ciidamada tigreeyga (TPLF) iyo ciimada raacsan gumeysiga carabta (Al-qaa’ida) ee uu hogaamiyo Usama bin ladin.Maxay qofka soomaaliga ee doonaya in uu xornimo ku noolaado ay ugu kala duwan yihiin Males Senawi iyo Usama bin ladin mar hadii mid walba uu doonayo in uu asagu na gumeysto. Bal isweydii hadii aadan midna taageerin dhib intee le’eg ayaad kala kulmaysaa, xornimo intee le’eg ayaad ku noolaaneysaa. Maanta waxay taagan tahay Xornimo iyo lacag mir dooro. Ama adoon Ilaahey noqo ama adoon carab iyo tigreey leeyihiin mid uun noqo. Waqtigu waa socdaa waa lakala baxayaa “biyo iyo budo ayaa lookala baxayaa.” Hadii Raxmaanku yiraahdo. Qof walbana wuxuu shaqeystey ayuu Ilaahey la hortagi doonaa.

Taariikhduna way qori waxa maanta taagan ninkii gumeysiga la saftana waa lagu ogaan doonaa, mid xusuunow beenta, khiyaaamada, iyo dhuudhuumashu maalmo kooban ayuun bey shaqeynayaan, waxaad qarineyso oo dhan berri bannaaanka ayey usoo baxayaan, waxaana laguu ogaan doonaa sida maanta loowada ogsoon yahay raggii gumaysatayaashii reer yurub u adeegi jirey. Ku bishaareyso beentu wey dhamaan, waxaad tahayna waa lagu ogaan doonaa, ama hal khamiis soo xiro, ama labaatan khamiis iska soo dil xiro. Ama hal ciimaamad soo xiro ama boqol cimaamadood madaxa kusoo duubo, ama gadhweyn la bax ama haduu doono gadhkaagu dhulka ha xaaqo.
Waxaan isku dayayaa in aan soo kobo hadaladayda laakiin waxaan kaa codsanayaa in aad ii cudur daarto hadan meelasha qaarkood aan sharaxa kugu badiyo, sababtoo ah waxaan dadka ukala qaadayaa sadex qaybood:-

1) Dad aqoon leh oo waxaan ka hadlayo markaba garanaya weligoodna arki jirey wadaad calooshii u shaqeys ah oo markuu dad kala xukumayo hadba qoladii wax siisa u xukuma oo kaga dhiga “lajoo jiyaana banana, lajiifiyaana banaan.”

2) Ardey aniga oo kala ah oo isleh balaayadaan taagan haka aamusinee aqoon yahanka ku baraariji si’ay wax ugu qabtaan oo ururada ay madaxa ka yihiin ugu xaaqaan eyda colooshood u shaqeystayaasha ah ee u adeega AL-Sa’uud ama Al-Bin Ladin ama tigreeygu ku adeegtaan. Odayaasha, waxgaradka, Boqoradda, Garaadada, Ugaasyada, suldaanada, isimada, malaaqyada, iimaamada, gobadimadoonka, duubabka indhahooda ha ku arkeen gumeysigan isqarinaya oo khamiiska noo soo xirtey oo meeshii gumeysayaashii ka horeeyey la mariyey kuwaana hala mariyo.

3) Mid hurda oo aan cayaar cayaar ku toosin lakiin haduu tooso wax garad wax tar leh ah tusaale ahaan waxaa la yidhi niman odoyaal ah ayaa ku balansanaa in ay aroor hore u kalahaan meel ay dan muhiim ah u lahaayeen, kadib odayaashii markay rabeen in ay safraan ayay waxay waayeen nin odey ah oo aad iyo aad muhiim u ah, markaas ayay gurigiisii aadeen kadibna loo sheegay in uu hurdo. Waxay isku dayeen in ay toosiyaan. Oo waxay bilaabeen in ay magaciisa ugu yeedhaan oo waxay yiraahdeen war hebel toos, war hebel toos, war hebel toos, waxaa kadib dhacdey in wiilkiisii yaraa uu odoyaashii ku qosley oo uu ku yidhi, aabahey cayaar cayaartaas kuma tooso!.

Ku bishaareyso hadaad lacag ka qaadato tigreeyga waxaad tahay ey uu tigreeygu ku adeegto, hadaad carabta lacag ka qaadatana waxaad tahay ey ay carabtu ku adeegtaan, ama ka qaado Ala-Sacuud ama Ala-bin Ladin iyo ururkiisa Al-Qaa’ida. Go’aankeenu waa cad yahay, waxaanu ku leenahay anagu marabno gumeysi, shaatiguu rabo ama khamiiskuu rabo ha gashnaado. Ma rabno in tigreey na gumeysto, sidoo kale marabno in carab na gumeysto ha ahaado mid kursi ku fadhiya ama mid u halgmaya maanta in uu madax noqdo.

Diidnaye ogow
Dalkayaga ninkii doonahayayow
In duudsiyo rabow
Annagu diidnaye ogow.

Waan ogahay waano abuuris baa ka horeysay, waxa hadalkeygu wax u tarayaa waa qof nicib gumeysiga, laakiin ma’ha mid gumeysiga la safta.Waxaan la hadlayaa dadka wax garadka oo keliya oo markay wax maqlaan baaritaan sii sameeya, oo hubsada. Waxaani ma runbaa, mise waa been, hadii waxani ay dhab yihiin xil iska saara sidii inta awoodiisa ah uu wax uga qaban lahaa, laakiin lama hadlayo nin hurdo weyn oo seexday waa hore.Balaayadan aan sheegayo waxaa laga yaabaa in ay qaar ka mid ah kuu muuqato, qaarna aadan ilaa iyo hadda aadan arag ama maqal: tusaale ahaan, gumeysiga Etoobiyaanka waa waxaan kawada dharagsanahay, ha ahaado tigreey ama axmaaro oo magaca uun kula duwan laakiin isku mid ah oo aan ku magacaabi karno, gumeysiga madow ama ilmo habar dugaag, kuwaas oo meel uga soo wada jeeda intay shaati afrikaan iyo nidnimo afrikaan soo gashtaan dantooduna tahay in ay maanta iyo beriba na gumeystaan. Waxaa jira mid kuwaas lamid ah oo ah niman carab ah oo iyaguna shaati Islaanimo ama khaliifo noosoo gashaday kuwaas oo ay dantoodu tahay in ay beri markuu tigreegu gabalkiisu dhaco oo uu naga hordhaqaaqo, meel daran Allaha geeyee in ay na gumeystaan iyagoo xoogaa lacaga ah hoosta kasiiya qaar culumadeena ah oo calooshood ushaqeystayaal, maangaabyaal, iyo kuwo xanuun sanaya isugu jira waxooga lacag ah u dhiiba. Hadba ninkii wax udhiiba ama u balan qaada kabah uqaada; tusaalle. Haday boqortooyada Al-Sa’uud wax siiyaan waxay la safan yihiin boqortooyada, dhinaca kale haday xoogaa lacag ah ka helaan Usama bin Ladin iyo ururkiisa Al-Qa’ida, nimankaa mucaaradka ah ayay la safan yihiin magacay doonaan hala baxaan, waxay ku dhex jiraan fidno uu nebi Maxammed (csw) nooga digay markuu yidhi:-


2013. عن أَبي بَكْرَةَ يُحَدِّثُ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّهَا سَتَكُونُ فِتَنٌ أَلَا ثُمَّ تَكُونُ فِتْنَةٌ الْقَاعِدُ فِيهَا خَيْرٌ مِنْ الْمَاشِي فِيهَا وَالْمَاشِي فِيهَا خَيْرٌ مِنْ السَّاعِي إِلَيْهَا أَلَا فَإِذَا نَزَلَتْ أَوْ وَقَعَتْ فَمَنْ كَانَ لَهُ إِبِلٌ فَلْيَلْحَقْ بِإِبِلِهِ وَمَنْ كَانَتْ لَهُ غَنَمٌ فَلْيَلْحَقْ بِغَنَمِهِ وَمَنْ كَانَتْ لَهُ أَرْضٌ فَلْيَلْحَقْ بِأَرْضِهِ قَالَ فَقَالَ رَجُلٌ يَا رَسُولَ اللَّهِ أَرَأَيْتَ مَنْ لَمْ يَكُنْ لَهُ إِبِلٌ وَلَا غَنَمٌ وَلَا أَرْضٌ قَالَ يَعْمِدُ إِلَى سَيْفِهِ فَيَدُقُّ عَلَى حَدِّهِ بِحَجَرٍ ثُمَّ لِيَنْجُ إِنْ اسْتَطَاعَ النَّجَاءَ اللَّهُمَّ هَلْ بَلَّغْتُ اللَّهُمَّ هَلْ بَلَّغْتُ اللَّهُمَّ هَلْ بَلَّغْتُ قَالَ فَقَالَ رَجُلٌ يَا رَسُولَ اللَّهِ أَرَأَيْتَ إِنْ أُكْرِهْتُ حَتَّى يُنْطَلَقَ بِي إِلَى أَحَدِ الصَّفَّيْنِ أَوْ إِحْدَى الْفِئَتَيْنِ فَضَرَبَنِي رَجُلٌ بِسَيْفِهِ أَوْ يَجِيءُ سَهْمٌ فَيَقْتُلُنِي قَالَ يَبُوءُ بِإِثْمِهِ وَإِثْمِكَ وَيَكُونُ مِنْ أَصْحَابِ النَّارِ.


“waxaa ahaan doonta fidnooyin(dagaalada muslimiinta dhexdooda ka dhaca), baraarugaay, hadana waxaa ahaan doona fidnooyin midka fadhiyaa uu ka fiican yahay midka fidnooyinka dhex socda, midka dhex socdaana uu ka fiican yahay midka u dagdagaya dhinaca fidnada, baraarugaay markay dagto ama ay dhacdo, qofkii geel leh geeliisa ha aado, qofkii adhi lehna adhigiisa ha aado, qofkii dhul(beer) lehna dhulkiisa aha aado, nin baa Rasuulka (csw) wediiyey oo yidhi bal ka waran qofkaan Geel, Adhi iyo dhul minda lahayn. Wuxuu ugu jawaabay Rasuulku (csw) seeftiisa afkeeda dhagax haku jejebiyo.kadibna ha nabad galo hadduu awood nabad galyada. Ilaahayow ma gaarsiiyey. Ilaahayow ma gaarsiiyey. Ilaahayow ma gaarsiiyey. Ninkii baa wuxuu yidhi: - bal ka waran hadii laygu qasbo ilaa la I geeyo mid kamid ah labada saf ama labada kooxood, oo nin uu igu dhufto seeftiisa ama uu leeb igu dhaco oo uu idilo, wuxuu Rasuulku ugu jawaabay (csw) wuxuu la noqonayaa danbigiisa iyo danbigaaga, wuxuuna noqonayaa ahlu Naar.”


Walaalayaal waa inaanu ka fogaanaa fidnada colaadeed ee u dhaxaysa Reer Al-Sacuud iyo Usama Bin Ladin iyo Ururkiisa Al-Qaa’ida maxaa yeeley waxaa dhib ahayn nooma hayaan diin ahaan, dad ahaan, iyo dal ahaan. Tusaale ahaan diin ahaan waxaa Nebi Maxammed (csw) noo cadeeyey in aanu ka fogaano hadii kale waa dul in aan aduun dushiisa ku noolaato oo aad noqoto calooshii u shaqeyste hadba carabkii xoogaa lacag ah siiya u dagaalama, Aakhirana waa cadaab iyo carro Rabbi. Dad ahaan iyo dal ahaan waa dhib aan faa’iido lahayn sida walaalaheen Afganistaan in dadkeenii iyo dalkeeniiba uu ku burburo carabaa kursi laga kicinayaa, carabkalaa lagu fariisinayaa kursigaas.

Maxaa yeeley tuug waa tuug haduu rabo magac fiican hala baxo ama labadiisa waalid ha u bixiyaan, khaa’in waa khaa’in magacii uu rabo haloogu yeedho. Waxaa ii muuqato maanta tigreey baa ku gumeysanya berina waxaa ku gumeysanaya oo ku adoonsnaya carab cunsiri ah oo qofka madowba ula dhaqma sidii adoon uu asagu leeyiiin, oo aysan u kala soocneen adoontii madoobey ee awoowayaashii lahaan jireen iyo adiga xorta ah. Oo ay aad iyo aad u adag in aad ka dhaadiciso qofkasta oo madow adoon maaha, in carabna gumeysato marabno.Waxaanu dooneynaa in aan xornimo ku noolaano sida umadaha kale ee aduunka dushiisa ku nool. Waxaanu leenahay guumeysi ma rabno.

TPLF iyo Al-Qaa’ida way akeekamiyeenee
Arligaa lakala boobayaa nin u itaal roonee
Ana Ilaahii Aakhiraan Suubaan Iligyadiisii.

Hadaad Islaanimada,iimaanka, tawxiidka, cadaalada, sinaanta, walaalnimada, naxariista iyo khaliifada aad ku sheekeynaysaan ay idinka dhabtahay wadanadiina ku dhaqa intuu nabi Maxammed(scw) umada madaxda u ahaa oo ah sadex iyo labaatan sanno si qof walba oo markaas Rabbi nolol ku gaasiiyo uu u arko waxa aad sheegeysann in ay run ahayd iyo in aad ahaydeen niman qaa’iim ah oo kursi doon ahaa cidka maamul xun oo ka dulmi badanna aysan jirin, meesha ay madax ka yihiina ay tahay meesha ugu xun aduunka oo idil meel qof bini aadan ah uu ku noolaado, oo aan ku tilmaami karo cadaabtii aduunka.

Carab cunsiri ah iyo
Cadaaladu way kala caroodaane
Daacad iyo khaa’in
Way kala caroodaane
Cadaalada iyo dulmigu
Way kala caroodaane
Mu’minka iyo munaafuqu
Way kala caroodaane
Gobanimodoonka iyo gumeysigu
Way kala caroodaane
Nin toosan iyo nin qaloocani
Way kala caroodaane
Runlow iyo beenaale
Way kala caroodaane
Wadaad calooshii u shaqeystaa
Iyo Aniguna waan kala caroonaa!

Waxaynu u kal qaadeynaa laba gumeysi, mid muuqda gumaysiga Tigreeyga (TPLF) ee uu madaxa ka yahay Males Senawi iyo mid qarsoon gumeysiga carabta (AL-Qa’ida) ee uu hogaamiyo Usama Bin Ladin, labadan gumeysi mid walba wuxuu leeyahay kuwo la mid ah safiiradii gumeysiga reer yurub soo dirsan jireen iyo kuwo kasii xun. Tigreeyga waxaa horkacaya oo indha iyo dhagaba u ah qaar siyaasiyiinteena ka mid ah oo diintoodii, dadkoodii, dalkoodii iyo sharaftoodiiba ku badashay wax aan qiimo lahayn oo aduunyo ah. Ha ahaato kursi ama lacag. Dhinaca diintana waxaa maanta gacanta ku dhigay qaar ka mid ah masaajideenii safiiradii gumeysiga carabta kaas oo ah Shaydaan khamiis iyo cimaamad soo xirtey oo masaajideenii, madarasadaheenii, maktabada masaajidka aanu dhisanay, Gudiga aaska dhexboodaya kuwa u adeegaya cadaw qarsoon oo umada in badan oo ka tirsani aysan ku baraarugsanayn. Waxaanu marka u horeysa u baahanahay in aanu Rabi u barino sidii nebi ayuub markuu dhibku ka batay oo aynu xasuusano aayadan:-

وَأَيُّوبَ إِذْ نَادَى رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الضُّرُّ وَأَنتَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ ( anbiyaa21:83)
فَاسْتَجَبْنَا لَهُ فَكَشَفْنَا مَا بِهِ مِن ضُرٍّ وَآتَيْنَاهُ أَهْلَهُ وَمِثْلَهُم مَّعَهُمْ رَحْمَةً مِّنْ عِندِنَا وَذِكْرَى لِلْعَابِدِينَ (21:84)

(83) (Xusuuso) Ayuubna markuu u dhawaaqay Eebihiis (Isagoo Dhihi) Aniga waxaa i taabtay dhib Adiguna waxaad Tahay Naxariis Badane. (84) Waana Ajiibnay waxaana ka faydnay waxa haya oo dhiba, waxaana siiney ehelkiisii iyo wax la mid ah Naxariis Xagganaga ah darteed iyo waanada caalamka.”

In aad ogaato hadaad rabto waxaa kugu filan oo keliya in aan wadaadka labadiisa indhood aad fiiriso ama aad weysiiso in uu xoogaa mushaar ah uu ka helo carabta ama aad u kuurgasho sidii nimanka carabta masaajida ugu soo dhaweynayo makafoonka oo uu ku dadaalayo sidii uu nimankaas u raali gelin lahaa, lacagtana loogu kordhin lahaa. Calooshii ushaqeyste yaa ku abuurey? Yaa irsaaqada ku siiya? Halkii uu Ilaaahay raali gelin lahaa wuxuu raali gelinayaa ninkaas carabkaa ee xoogaaga lacagta siiya. Arintaas asagoo Allah (sw) nooga digaya wuxuu yidhi:-
إِنَّمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ أَوْثَانًا وَتَخْلُقُونَ إِفْكًا إِنَّ الَّذِينَ تَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ لَا يَمْلِكُونَ لَكُمْ رِزْقًا فَابْتَغُوا عِندَ اللَّهِ الرِّزْقَ وَاعْبُدُوهُ وَاشْكُرُوا لَهُ إِلَيْهِ تُرْجَعُونَ (29:17) ANKABUUT
________________________________________


“Waxaad uun caabudeysaan Eebe ka sokow sanamyo, waxaadna abuureysaan been, kuwaad caabudeysaan Eebe ka sokow idiinma hantaan wax rizqi ah ee ka dalba Eebe agtiisa riziqiga, Caabudana kuna mahdiya xaggiisaa laydiin celin.”

Wuxuu mashquul ku yahay in nimankaas xoogaaga lacagta ah siiya uu u raali gelin lahaa, waxaa kugu filan oo keliya in aad labadiisa in dhood sifiican aad u fiiriso, waxaa halkaas kaaga soo baxaya in uu yahay qaa’in balaayo soo dirsatey “ergeygii shaydaanka.” Garka weyn iyo khamiiska yaan lagugu sirin
Marka u horeeya waxaan isku dayayaa in aan sharax ka bixiyo Culumadeena maxaa yeelay culumadeenu ma wada xuma waxaa ka mid ah qaar aniga iyo adigaba naga daacadsan, naga nicib labadan gumeysi ee aan ka hadalayo oo aaan ku timaamo karo khayr wadayaal. Waxaan culumadeena u kala qaadayaa b) daacad t) basaas j) ey colooshii u shaqeyste ah oo boqortooyada Al-Sacuud ku adeegtaan. x) Ey calooshii u shaqeyte ah oo uu Usama bin Ladin ku adeegto kh) laba wejiile
B) DAACAD:-
Waxaan ku macneyn karnaa mu’min daacad ah oo qamiiska iyo camaamada u xirey Ilaahay dartiis, garka usii deystey Ilaahay dartiis iyo nooleyta sunadii Nebi Muxammed (csw). Cid uu lacag ka qaato majirto, cid uu u nacamleeyaa ma jirto, cid uu kabaha u qaadaa ma jirto, waa qof xor ah, cid aan Allah ahayna ma caabudo. Wuxuu tawxiidka dadka u barayaa waa Allah dartiis, wuxuu diinta u fidinayaa waa Allah dartiis, wuxuu doonayaa oo uu u halgamayaa waa raali ahaansho Rabbi, wuxuu xorka yahay in uu koox ama qof uu u taageero lacag darteed. Tusaale:hadey nin iyo xaaskiisu is qabtaan,ama laba nin ay xukun iyo madaxtinimo isku qabtaan, ama laba wada dhalatey dhaxalka waalidkood isku qabtaan, ama laba urur ama laba kooxood ay is qabtaan,ama laba qabiil is qabtaan oo wax dhex maraan ninkani daacad waa dhexdhexaad oo waa nin Rabigiis ka baqa, jawaabtiisuna waxaa weeye maxay isku hayaan? Gar waa loo Islaan! Gar Ilaahey bey taqaanaa! Daacad ma eexdo, wixii ishayana cilmi iyo cadaalad ayuu ku kala saaraa. Qofna kuma taageero in uu lacag siiyo, ama timir sacuudi, ama uu mushaar uqoro bishii, ama uu dhacdhac usoo diro labada ciidood iyo bisha ramadaan. Ama jamciyad loofuro ama laga shaqaaleysiiyo, ama xukun iyo madaxtinimo loo balan qaado. Ama sanad walba xajkaa lagu geynayaa, ama intaad ka dhimanayso xaaskaaga iyo caruurtaada waa laguu biilayaa. Haday u yimaadaan reer Al-Sa’uud iyo reer bin ladin, daacad qolo walba wuxuu u ogolaanaya in ay hadasho oo dacwadooda ay sheegtaan iyo wax alla iyo waxay tirsnayaan oo ay tabanayaan kadibna cilmi Ilaahay siiyey iyo calaalad ayuu ku kala saarayaa, qolana u eexan maayo, qolana xukun ku ridi mayo wax looga sheegey oo uusan ogeyn in ay run yihiin iyo in ay tahay been cilmiyeysan oo rag khubaro ah ay soo habeeyey. Ilaahay markuu dadkaas mu’miniinta ah ee daacada ah ka waramayey wuxuu yidhi:-

وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلاَةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللّهَ وَرَسُولَهُ أُوْلَـئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللّهُ إِنَّ اللّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ (9:71 suuratu tawba)

“Mu’miniinta rag iyo Haweeenka qaarkood waxay qaarka (kale) waa u sokeeye waxayna faraan wanaaga waxayna ka reebaan xumaanta, waxayna oogaan Salaada, waxayna bixiyaan Zakada, waxayna addeecaan Eebe iyo Rasuulkiisa, kuwaas waxaa u naxariisan Eebe, ileen Eebe waa adkaade fal sane.”

Waxaan jecelahay in aan ku weydiiyo su’aalahan. Maxaa dhaliyey in culumadeena qaar ka mid ah ay xaqa daba mareen oo aad arkeyso qaarna in ay boqortooyada Al-Sa’uud la safan gar iyo gardaro, qaarna ay Usama bin ladin iyo ururkiisa Al-Qaa’ida ay lasafan yihiin gar iyo gardaro? Waxaan rabaaa in aan su’aal ku weydiiyo, weligaa intaad nooleyd ma aragtey ama ma maqashey hal nin oo culameena ka tirsan, oo isa soo hor fariisiyey raggan waalaheen ah ee isku aakhiro iyo aduunba seegay? Weligaa ma aragtey ama ma maqashey wax isi soo hor fariisiya Al-Sa’uud iyo Usama-bin Ladin iyo ururkiisa?
Maxaa ku dhacay oo xaqa iyo cadaalada indhaha ka qabtey qaar kamid ah culumadeena? Maxaa dhaliyey nin cilmi Ilaahay siiyey, in uu qof iska xukumo arin looga sheegay darteed, isagoon qofkiiba wareysan in arinta lagu soo eedeeyey ay run tahay iyo in kale.
Haday laba miskiin is qabtaan waxaad arkeysaa in la leeyahay maxkamad Islaam baa la soo taagayaa oo lagu kala saarayaa labadan miskiin ee dagaalamaya, shareecada Islaamka ayaa lagu xukumayaa, kitaabka quraanka ayaa lagu xukumayaa, laakiin nasiib daro hadey
Labo nin oo lacag leh is qabtaan, waxaad arkeysaa in lala kala saftey oo raggii diinta sheeganayey qaar ka mid ahna ay booqortooyada Al-Sacuud la safteen, qaarna ay mucaaradka Usama Bin Ladin iyo ururkiisa la safteen, oo ayaan darada taagan ayagoo aan kooxda kale waxba weydiinin xumaan ku sheegaya ama iska xukumaya waxay ka maqleen kuwa ay lasafan yihiin. Iyagoon kuwa kale weydiinin waxaan lagu eedeynayo ma runbaa, mise waa been. Meedey maxkamadii islaamku? Meedey shareecadii islaamku? Maxaa badaley culumadii ku sheekeyneysay quraanka wax lagu xukumayaa?
Maxkamada, shareecada iyo kitaabkii quraanka ahaa maxaa meesha ka saarey markey ragga lacagta lihi is qabtaan oo wax dhexmaraa? Shareecada lagu xukumo masaakiinta miyaan lagu xukumi karin maalqabeenada? Miyaad iloowdeen garwaa Islaam? Miyaad Ilowdeen gar Alley taqaanaa? Miyaad Ilowdeen shareecada Islaamka ee lagu kalo saaro Markey masaakiintu isqabtaan in lagu kala saari karo markay maalqabeenadu isqabtaan? Miyaad iloowdeen in maskiinku uu sagaal bilood ku dhashey sida ragga lacagta leh oo kale? Miyaad iloowdeen in ninka miskiinka ahi uu leeyahay laba xiniinyood sida raga maal qabeenada ah ee markey is qabtaan intaad kitaabka isku laabtaan aad lakala safaneysaan? Xusuusnaada weligiin oo ha iloobina suugaanta
“Birta ariga lagu gawracaa, goolna wey qali.” Shareecada Islaamka ee raga aan lacagta haysanin lagu kala saaro, waa lagu kala saari karaa ragga Ilaahay maalka siiyey.

Maxaynu caabudnaa ma lacag mise Allah? Maxaynu qof ku taageernaa Ma Ilaahey dartiis, mise lacag darteed? Allah (sw) isagoo arintaas noo cadeynaya wuxuu yidhi:-
وَاعْبُدْ رَبَّكَ حَتَّى يَأْتِيَكَ الْيَقِينُ suuratul hijri15:99)
“Caabudna Eebahaa intay Yaqiintu kaaga timaado. (Geeridu)”

Qolo walbana ay ururo Islaami ah isku magacaabaan oo ay magacyo fiican oo qurux badan la baxeen. Si ay u taageeraan nimankaas lacagta siiya. Waxaa aniga intaan wax baarayey iisoo baxday in culumadeena qaar kamid ah ay sheegtaan, salafiyiin, muwaxidiin hadana aad arkeyso ninkan wadaadka ah ee salafiga sheeganaya in uu leeyahay laba Ilaah oo kala ah, Allahna wuu caabudaa oo ka amar qaataa, isla markaasna carabkii xoogaa lacag ah siiyana wuu caabudaa. Sow wax lala yaaba maaha, waa salafi, waa muwaxid, hadana laba Ilaah buu leeyahay? Ilaaheyna wuu caabudaa, carabkii xoogaa lacag ah siiyana wuu caabudaa. Rabbi Isagoo arintaas noo cadeynayaa wuxuu yidhi:-
قَالَ أَفَتَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَنفَعُكُمْ شَيْئًا وَلَا يَضُرُّكُمْ (21:66suuratu abiyaa)
________________________________________
أُفٍّ لَّكُمْ وَلِمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ أَفَلَا تَعْقِلُونَ (21:67suuratu anbiyaa)
“(66) Wuxuu yidhi ma waxaad caabudeysaan Eebe ka Sokow waxaan idin anfacayn waxba idinna dhibayn.” (67) Ufbaa laydin yidhi idinka iyo waxa aad caabudeysaan Eebe ka sokow miyeydaan wax kasayn.”





T) BASAAS
Waa nin sheekh ah oo cilmi leh isla markaana culumada islaamka ka tirsan meeshuu doonu wax haku barto,masaajid,machad, ama jaamac islaam ah oo masaajidka dhex fadhiya, isla markaana u shaqeeya oo mushaar ka qaata ciidamada sirdoonka ee dawladaha aduunka ka jira midka mid ah, ama dhawr dawladood oo kala duwan u tirsan. Waxaanu u kala qaadeynaa laba qaybood oo kala ah.
a) mid hada bilaabay cururkan:-waxaan ku macnayn karnaa mid hadda bilaabay, markuu diinta Ilaahay wax ka bartey u adeegsaday cilmigiisii in uu si xun ugu shaqeysto halkuu Allah ku caabudi lahaa.
e) Mid waligiis cudukan qabay oo Basaas ahaa: - waxaan ku macneyn karnaa mid weligiis basaas ahaa. Mid isagoo yar lagu dhex darsaday muslimiinta. Markuu dugsi hoose, dhexe, sarre dhiganayey wuxuu ahaa basaas, markuu xerow diinta baranaya iska dhigayey wuxuu ahaa basaas, markuu machadka islaam ka dhiganayey wuxuu ahaa basaas, markuu jaamaca islaamka dhiganayey oo uu iska dhigayey in uu yahay ardey fiican oo diintiisa barashadeeda jecel yahay wuxuu ahaa basaas. Markuu masaajidka ka muxaadareenayey ee uu iska dhigayay sheekh fiican oo xaqqa u taagan wuxuu ahaa basaas, markuu masaajidka mu’adin ka ahaa, ama iimaam ee dadka tujinayey wuxuu ahaa basaas. Waxaan doonayaa in aan ku weydiiyo su’aashan, hadaad ku tukato masaajid Iimaanka iyo mu’adinka labaduba ay basaasiin yihiin, Salaadaadu ma ansaxeysaa?
Jawaabta adigaan kuu daayey.

J) Ey Calooshii u Shaqeyste ah oo Boqortooyada Al-Sa’uud ku Adeegtaan

Waa wadaad calooshii ushaqeyste ah oo boqortooyada Al-Sa’uud xoogaa mushaar ah ka qaata oo la safan reer boqor inta ay isaga iyo xaaskiisa biilayaan. Magacyo badan ayaa loogu yeedhaa ama ay ayaguba isku magacaabaan. Waa wadaad aan mabda lahayn oo hadba ninkii mushaar ama xoogaa aduunya ah siiya la safta oo kabaha u qaada sax iyo khalad. Waa calooshii u shaqeyte aan wax damiir iyo dadnimo toona lahayn. diintiisii, dadkiisii iyo dalkiisii wuxuu ku bedashay xoogaa dhac dhac ah oo uu ka helo carabkaas uu caabudey sidii Ilaahey oo kale.



X)Ey Calooshii u shaqeyste ah oo uu Usama Bin Ladin iyo Ururkiisu ku Adeegtaan

Waa wadaad calooshii ushaqeyste ah oo xoogaa aduunyo ah ka hela nimanka uu hogaamiyo Usama Bin Ladin iyo Ururkiisa Al-Qaa’ida. Waxaa uu ku nool yahay khuraafaad iyo wax aan jirin. Wuxuu ku sheekeynayaa wax lagu qoslo. Tusaale ahaan nimankan uu dabadhilifka u yahay Markey kuraasta AL- Sa’uud ku fariistaan in madax laga dhigo doono, in lacag fara badan la siin doono, inta ka horeysa haduu dhinto in uu janno geli doono oo uu shahiid yahay. Nebi Maxammed (csw) asagoo arintaas nooga digaya wuxuu yidhi:-
.


2014. عَنْ الْأَحْنَفِ بْنِ قَيْسٍ قَالَ خَرَجْتُ وَأَنَا أُرِيدُ هَذَا الرَّجُلَ فَلَقِيَنِي أَبُو بَكْرَةَ فَقَالَ أَيْنَ يَا تُرِيدُ أَحْنَفُ قَالَ قُلْتُ أُرِيدُ نَصْرَ ابْنِ عَمِّ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَعْنِي عَلِيًّا قَالَ فَقَالَ لِي يَا أَحْنَفُ ارْجِعْ فَإِنِّي سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ إِذَا تَوَاجَهَ الْمُسْلِمَانِ بِسَيْفَيْهِمَا فَالْقَاتِلُ وَالْمَقْتُولُ فِي النَّارِ قَالَ فَقُلْتُ أَوْ قِيلَ يَا رَسُولَ اللَّهِ هَذَا الْقَاتِلُ فَمَا بَالُ الْمَقْتُولِ قَالَ إِنَّهُ قَدْ أَرَادَ قَتْلَ صَاحِبِهِ.

“Haday labo qof oo muslimiin ah ay labadooda seefood (hub) isaga horyimaadaan kan wax diley iyo kan la diley labaduba waa ahlu naar.”


Bal su’aal aan ku weydiiyee xagey diinta Islaamka kaga taalaa carab baa kursi laga kecinayaa, carabkalaa lagu fariisinayaa janaa lagu geliyaa? Weligaa been iyo khuraafaad intaa le’eg ma maqashay? Hadaba nimanka waxaa ku sheekeenayaa ma Salafiyiinbaa mise waa khuraafiyiin? Janada ma Ilaahay baa iska leh oo ciduu rabo geliya, mise carab xoogaa lacag ah haysta ayaa iska leh oo hadba ninkii ku biira kooxdiisa yiraahda Janadaad geleysaan? Nimanka waxaa ku sheekeynaya maxay fidinayaaan ma dacwa salafiya, mise dacwa shaydaaniya? Jawaabta adigaan kuu daayey. Waa culumo aan damiir lahayn oo hadba ninkii mushaar ama xoogaa aduunya ah siiya la safta oo kabaha u qaada sax iyo khalad. Waa calooshii u shaqeyte aan wax damiir iyo dadnimo ah lahayn diintiisii, dadkiisii iyo dalkiisii wuxuu ku bedashay xoogaa dhac dhac ah oo uu ka helo carabkaas uu caabudey sidii Ilaahey oo kale.


KH)Laba wejiile
Waxaynu ku macneyn karnaa Nin culumadeena ka tirsan laakiin laba wejiile ah, marka uu lajoogo kooxaha taageersan boqortooyada Al-Sa’ud waa ka mid, marka uu la joogo kooxaha mucaaradka ah sida Usama bin Ladin iyo ururkiisa Al-Qaa’ida wuu taageersan yahay oo waa ka mid, markuu kasoo dhaqaaqo ayuu cay daba u qabanayaa oo ceebtooda oo dhan ka sheekeeynayaa. Arinkaas xun ee ah labawejiilenimada Rabbi Isaga oo nooga digaya wuxuu yidhi:-


يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَخُونُواْ اللّهَ وَالرَّسُولَ وَتَخُونُواْ أَمَانَاتِكُمْ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ (8:27)
(Al-Anfaal) “(27) Kuwa (xaqa) Rumeeyayow ha khiyaamina Eebe iyo Rasuulka iyo Ammaanadiinna idinkoo og.

Ujeedadiisa ugu weyn waxay doontaba ha ahaato, ama shartooda ka nabadgal labadan dhinac ee ishaya oo qolo walba kula soco afmacaan iyo dhoolo cadeen, weji furfurnaan iyo qosol been ah, ama ha ahaato dhinnacna yaadan ku qadin berito oo kuwii guuleysaba xoogaa lacag ah hakuu dhiibaan ama madax halagaa dhigo oo jago halaguu dhiibo. Marna qof khalad uu sameynayo in uu uga digo oo uu yiraahdo waxaani waa qalad ee jooji loogama fadhiyo. Nin marba kooxda uu la joogo u nacamleeya oo ku yiraahdo idinkaa saxsan, marka uu kuwan boqortooyada Al-Sa’uud la joogo wuxuu ku yiraahdaa indinkaa saxsan, markuu kuwa mucaaradka ee uu Usama bin Ladin madaxa u yahay la joogana wuxuu ku yiraahdaa idinkaa saxsan si uu wixii la qaybinayo qaybtiisa ugu qaato, sharkoodana uga nabad galo. Riyo been ah waxaa jirin oo laysu sheegayo; hadii niman daalimiin ah ay ciidan sameystaan si ay xukun ugu gaaraan, taas oo ah in aan Nina xaqiisa lasiineyn, maxaa faa’iido oo inoogu jira aduun iyo aakhiro?

Guud ahaan waxaynu u kala qaybin karnaa in ay dhibaatadani maanta diinteena, dadkeena iyo dalkeenaba haysataa ay sabab u yihiin sadex kala daran oo kala ah: - I) wadaad calooshii u shaqeyte ah. II) Maangaab lagu adeegto III) mid xanuun sanaya

I-sheekh calooshii u shaqeyte ah:-
Waa wadaad calooshii ushaqeyste ah oo hadba ninkii mushaar ama xoogaa aduunya ah siiya la safta oo kabaha u qaada sax iyo khalad. Waa calooshii u shaqeyte aan wax damiir iyo dadnimo ah lahayn diintiisii, dadkiisii iyo dalkiisii wuxuu ku bedashay xoogaa dhac dhac ah oo uu ka helo carabkaas uu caabudey sidii Ilaahey oo kale.
Waxaan aamin sanahay marka aynu ka hadleyno dhinaca diinta islaamka cadawga kowaad ee ugu weyn, waxaan cadaw leenahay in uu yahay “sheekheena calooshiisa”. Fidnada ugu weyn ee diinteena soo wajahdayna ee aan ka baqayo in ay dhiig muslin daadiso waa sheekheena calooshiisa. Inta sheekheena sidii naag warmo ah la biilayo marna ha sugin guul, xornimo, cisi iyo sharaf in aynu ku noolaano, ama qori qaado oo dagaalan ama Kun qori qaado. Maxaa yeelay “Alif, alif wax maleh ka qaloocday albaqra Kama tooso.” Sheekheena oo ah hogaamiya sharciga ah ee diinta iyo ninka xaqa iyo baadilka kala xukumaya haduu noqdey cabdudinar oo aynu raali kanoqoney in nin carab oo siyaasi ah, oo kursi doon ah ama kursi uu ku fadhiyo difaacanaya in uu sheekheena noo biilo, oo markaas sheekheenii uu noqdey nin la iska leeyahay oo hadba ninkii xoogaa timir ama lacag siiya la safta, adna lagaa doonayo in aad noqoto “awrka danbe awrka hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay” in aan indha la’aan aad daba socoto sheekhaaga oo waxkasta uu kuu sheego aad ku raacdo sax iyo khalad. Mar haduu sheekheenii hadba ninkii mushaar siiya kabaha u qaado muxuu macnoo oo uu sameynayaa halgankeenu ama qori aanu qaadano mar hadaynu garan weynay in aynu ka xoroowno cadawgeena kowaad oo ah sheekheena calooshiisa?
Halgankeenu ma noqon karaa mid guul keena mar hadii sheekheenu uu yahay naag marwo ah?
Cadawgeena labaad waa aniga iyo adiga caloosheena, walaal makuu kala soocan yihiin biilka reerka iyo diintaada, xageed reerka iyo naftaada ka biishaa ma wado xalaal ah oo aad si sharciga islaamka waafaqsan, mise waxaad tahay calooshii u shaqeyte hadba ninkii wax siiya la safta oo qoriga u qaada ama usoo ururiya dadkii qoryaha iyo hawsha u qaban lahaa?
Hadii ay caloosheenu xor tahay, wax weyn ayaan qaban karnaa, laakiin hadii aynu masaajidka Ilaahay aynu u imaano in carab siyaasi ah oo kursi madaxa ka galay xoogaa lacag, timir, ama aduunyo kale na siiyo, muxuu macnaa oo uu samaynayaa qori aynu qaadano iyo talo gurucan, oo ah tiitiin siib, tiitiin talaal.Kala qaysanaanta ina baabiseyna ay tahay xoogaaga lacagta ah

Balka waran haduu sheekhaagu uu yahay calooshii u shaqaqeyte la mid ah sanduuqa telephoneka (callbox) la ga dirsado ee kuu hadlaya markaad xoogaa qadiic ah ku rido oo keliya. Hadaad ku tukato masaajid iimaanka iyo mu’dinku labaduba ay yihiin ey calooshii u shaqeytayaal ah oo hadba carabkii lacagsiiya kabaha u qaada, salaadaada mala ansaxeysaa? Jawaabta adigaan kuu daayey. Rabbi (sw) isagoo nooga na baraya munaafaqnimada iyo dhibkeeda wuxuu yidhi.



الْمُنَافِقُونَ وَالْمُنَافِقَاتُ بَعْضُهُم مِّن بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمُنكَرِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمَعْرُوفِ وَيَقْبِضُونَ أَيْدِيَهُمْ نَسُواْ اللّهَ فَنَسِيَهُمْ إِنَّ الْمُنَافِقِينَ هُمُ الْفَاسِقُون (tawba 9.67

“Munaafiqiintu rag iyo haweenba qaarkood qaarka kale yuu ka ahaaday waxayna faraan xumaanta, waxayna ka reebaan wanaagga, waxayna laabaan gacmahooda (wax ma bixiyaan) Eebayna halmaameen Isna aabayeeldarro yuu kula dhaqmay, munaafiqiin iyaga unbaa faasiqiin ah.”

Wuxuu haysaa daliil iyo dood qaldan Waxaa laga yaabaa in aad aragto ayadoo la leeyahay wadan hebel iyo wadan hebel waxay la safan yihiin wadankaas ama ururkaas,ama kooxdaas sidaas awgeed inaguna waa in aan dhinaca kale taageernaa, taas ma’ha miisanka qofka muslink lagu yaqaano ee ku dhisan sax iyo khalad, nin aan diin lahay ama gaal hadduu qaldamo adna ma qaldamaysaa, haddii nin gaal ah uu noqdo colooshii u shaqeyte dawladii wax siisa u daqaalama, adiguna ma waxaad noqoneysaan sida gaalka oo kale. Rasuulku isagoo arintaas inooga digaya wuxuu yidhi:-


2011. عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لَتَتَّبِعُنَّ سَنَنَ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ شِبْرًا بِشِبْرٍ وَذِرَاعًا بِذِرَاعٍ حَتَّى لَوْ دَخَلُوا فِي جُحْرِ ضَبٍّ لَاتَّبَعْتُمُوهُمْ قُلْنَا يَا رَسُولَ اللَّهِ آلْيَهُودَ وَالنَّصَارَى قَالَ فَمَنْ..
“Waad raacidoontaan kuwii idinka horeeyey jidkoodii, taako taako, dhudhun dhudhun.xitaa haday galaan god abeeso idinkuna waad raaci doontaan, waxaa niri rasuulkii Ilaahayow ma yahuud iyo nasaaraa, markaas ayuu negigu yidhi (csw) hadaa waa ayo?”

Xageed ku ilowdey siyaasada qofka muslinka ah in uu yahay dhexdhexaad, mar walba, meel walba, goor walba, xili walba xili walba waxaa uu u taagan yahay “Gar waa loo Islaam.” “Gartu Ilaahay bay taqaanaa.” Laakiin labadan ey ayagu waxaa weeye go’aankoodu “Gar iyo gardaraba waxaan taageerayaa ninka lacagta isiiya. Ha saxsanaado ama ha qaldanaado mar haduu aniga xaaskeyga iyo caruuteyda biilo isagaan garabka siinayaa.
Hadii aan arinta dhinac kale ka eegno waxaa kuu soo baxaysa ninkan waxaa uu yahay naag marwa ah, isaga xaaskiisa iyo caruurtiisa rag baa biila, ragaas buuna taageersan yahay gar iyo gardaraba. Makala jecla sax iyo khalad, hebel waa laga gardaran yahay, hebel waxaa lagu heysaa, xoolihiisii, gurigiisii, ceelkiisii, goofkiisii, mabda’iisu waxaa weeye “Marti kooydayaa ma kooyinaa toman iyo laba galaanjo leen fadee.”
Waa qof aan hunguri mooyee aanan mabda lahayn ninkii lacagsiiya ayaa saxsan waxaynu ku macnayn karnaa sidan “sheekhaagii waa la aroosi, yaa aroosi hee? Carabkoo oo beeso heysta aa aroosi, intees joogaa? Yaa oghee!
Dad waalwaalan maaha, doqomo maaha, dad jaahiliin ah maaha, ee mabda’ooda ayaa ah hadba ninkii shilin kuu dhiiba kabaha u qaad. Inkasta oo loo hanweynaa oo uu ahaa wadaad culumadeena ka tirsan hadana waxaynu ku macnayn karnaa “Dhedo roob noqon weydey.”

Hadaad dhinac kale wax ka fiiriso waxaa kuu soo baxaya ninkani waxaa uu sheeganayaa in uu yahay salafi, muwaxid, Muslim ah yahay, laakiin waxaa uu leeyahay laba Ilaah. Rabbina wuu caabudaa, isla markaas carabka xoogaa lacag siiya wuu caabudaa. Maangaabkan haduu garka siideysto,khamiis iyo cumaadna noo xirto maxaynu ku magacaabi karnaa ma mujaahidbaa, mise waa shayaadiinul insi. Waxaa laga yaabaa in uu isku magacaabo magacyo wanwanaagsan oo ay ka mid tahay saalixiyo, daraawiish iwm. Dhurwaa waa dhurwaa magacuu doono halo baxo, iimaan laawe hadaad adigu darwiish noqotey, yaa noqonaya kuwii gumeystuhu ku adeegan jirin ee cashood ushaqeystayaasha ahaa? Mar haduu qayb culameenii ka mid ah ay raali ka yihiin in maantana uu tigreeyna gumeysto, berina carab cunsuri ah. Maxaynu aniga iyo adiga qaban karnaa? Jawaabta adigaan kuu daayey ee talo keen.

II-Maan gab lagu adeegto:-
Waxaynu ku macneyn karnaa qof caqli ahaan iyo wax garadnimadiisu ay liidato oo hadba wixii uu arko ama uu maqla dhexbooda isagoon marna is weydiinin waxaan maxaa faa’iido oo kuu jira aduun iyo aakhiro. Tusaale ahaan: - “waxaa la yidhi wadan Afrikaan ah ayaa niman saraakiil ah oo doonayey in ay dawlada afgambiyaan ay u tageen sargaal si uu hawsha uga qayb qaato markaas ayay ku yiraahdeen, wal hebel waxaan doonaynaa in aanu xukunka qabsano oo aanu dawlada ridnee nala gal hawsha. Markaas ayuu sarkaalkii intuu yaabay nimankii saaxiibadii ahaa ugu jawaabay sidan “war miyaad waalan tihiin? Hadaynu dawlada ridno yaa mushaar na siinaya? Saw ma ogodin in bishii ay wax yar ka hartey? Balka waran kaas iyo midkasii liita haddii maanta loo adeegsanayo in adiga iyo umadada lagu gumeysto oo cagta hoosteeda lagu geliyo. Oo la leeyahay wiilashiina keena, gabdhihiina keena, xoolihiina keena, waqtigiina keena. Oo uu leeyahay wax walba haye isagoo aan ka fiirsan danta ugu jirta hawshaan ah tiitiin siib, tiitiin talaal.

Maangaabka isagaa la lisaa sidii neef irmaan ah, lacagtiisa waqtigiisa, iyo wax alla iyo wixii gacantiisa ku jira. Waa doqon iska rumeystey khuraafaadka ay akhrinayaan siyaasiyiinta, tusaale ahaan:-waxay yiraahdeen waxaa lookala baxay gaal iyo Muslim, laakiin xaqiiddu waxay tahay waxaa lookala baxay carab kursi ku fadhiya oo kursigiisa difaacana iyo carab kursi doon ah oo u halgamaya inta uu nimankaas reer boqor kuraasta ka kiciyo isagu madax noqdo oo uu kuraastooda ku fariisto. Waxay yiraahdeen, carab baa kursi laga kicinayaa carabkaa lagu fariisinyaa, “mashruucaan magic u bixiya?” waxay yiraahdeen waa jihad. Waa wax lagu qoslo! Waxay yiraahdeen dantaada ma taqaanidee waa in aad ka qayb qaadataa, reer Al-sacuud baa kuraasta laga kicinayaa Usama Bin Ladin iyo kooxdiisa ayaa lagu fariisinayaa, waxay yiraahdeen maslaxaa kuugu jirta.Nin noolow maxaa aragti kuu laaban, bal danta iigu jirtaa maxay tahay Tiitiin siib,tiitiin talaal? Tiitiin siib, tiitiin talaal? Tiitiin siib, tiitiin talaal? Aw maangaabow xusuusnow weligaa in meesha aad xoolahaaga ka keento iyo meeshaad ku bixiso in lagu weydiin doono maalinta khiyaamo ee Rabbi uu xisaabinayo adoomadiisa oo dhan. Ogow in lagu weydiindoono maalinta khiyaamo hadaad ka qayb qaadato oo aad xoolo ku bixiso dhiig muslin daadintiis danta ka dambeysaana ay tahay, carab baa kursi laga kecinayaa carabkalaa lagu fariisinayaa. Tiitiin siib, tiitiin talaal. Tiitiin siib, tiitiin talaal. Tiitiin siib, tiitiin talaal. Balaayo walba wuu dhexboodayaa isagoon marna naftiisa weydiin. Waxaani ma runbaa, mise waa been? Maxaa faa’iido oo iigu jira if iyo aakhiro? Fadlan waxaad is barbardhigtaa maangaabkan iyo waxa ay aayadani ka hadleyso.
إِنَّ شَرَّ الدَّوَابَّ عِندَ اللّهِ الصُّمُّ الْبُكْمُ الَّذِينَ لاَ يَعْقِلُونَ (anfaal 8:22)

“(22) Dhul socod waxaa ugu shar badan (uxun) Eeba agtiisa ma maqle (xaqa) ma hadle oon kasayn (wanaaga).”

Tusaale ahaan:-
B) Haduu telefishinka ka arko hawgal ay soo agaasimeen niman a qoon fiican u leh dhinaca ciidamada oo ay fuliyeen nimanka dagaal yahanada ee ayrishka ah (Irish Republican Army) wuuba la safan yahay oo taageersan yahay oo aad iyo aad ula dhacsan yahay in uu ka mid noqdo oo la hawlgalo haday ku marti qaadaan, wuxuu sugayaa wax u yeedha oo keliya, wuxuu diyaar u yahay in uu u dhinto ama u dhaawacmo ama loo xiro ayrishka danaha ay leeyihiin dartood isagoon is weydiinin maxaa dan ah oo kuu jira halganka hubeysan ee ay wadaan nimanka ayrishka ah.isagoon marna isweydiinin maxaa kaa khuseeya loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya ayrish iyo ingiriis. Wuu dhexboodayaa oo hadii qori loodhiibo diyaarkuu u yahay in uu dhiig u daadiyo ayrish dartiis.

T) Haduu telefishinka ka arko hawgal ay soo agaasimeen shabeelada tamilka (Tamil tigers) ee ka dagaalama Sri-lanka wuu taageersan oo la safan yahay isagoo diyaar u ah in uu u dhinto ama u dhaawacmo wuxuusan shaqo ku lahayn oo aysan faa’iido ugu jirin aduun iyo aakhiro. Halganka hubeysan ee ay xaqooda ku doonayaan nimanka tamiilka wuu ku taageeray dacaayada uu ka arkay telefeshinka oo keliya.waxaa laga yaabaa in aad aragto isagoo u hadlaya sidii uu yahay gudiga fulinta ee shabeelada tamiilka ama afhayeenka ururka shabeelada tamiilka.

J) Haduu ka maqlo qalabka warbaahinta aduunka ama telefishinka uu ka arko niman shiicada ah ee xisbullah ee koonfurta wadanka Lubnaan ka dagaalama hawlgal ay fuliyeen, waxaad arkeysaa isagoo dhexda u xirtey sidii uu nimankaas habeen iyo maalin u difaaci lahaa sidii isagoo ah shaqaale ay qorteen ama nin shiica ah oo xisbiga ka tirsan. Oo xitaa hadaad weydiiso oo aad tiraahdo adigu ma Sunni baad tahay, mise shiico? Maxaa kaa khuseeya urur shiica ah difaacooda? Wuxuuu ku hadlo aanan garaneynin.

x) haduu idaacada ka maqlo ama uu telefishinka ka arko hawl gal ay fuliyeen nimanka la dagaalama boqortooyada Sucuudi Carabiya ee uu hogaamiyo Usama Bin Ladin iyo Ururkiisa Al-Qaa’ida, waxaad arkeysaa isagoo taageersan oo la safan oo difaacaya oo iska dhigaya sidii in uu yahay nin carab ah oo kale, noocii ay oran jireen “baqal farda la daaqdey, geenyey ismoodaa, bal maangaaboow su’aal aan ku weydiiyo hadaad adigu carab noqotey, cabiidna yaa noqonaya? Rasuulku(csw) isagoo na baraya waxa keliya oo ay ku banana tahay daadinta dhiiga muslimka, wuxuu yidhi:-
عن ابن مسعود رضي الله عنه ، قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( لا
يحل دم امرىء مسلم [ يشهد أن لا إله إلا الله ، وأني رسول الله ] إلا بـإحـدي
ثـلاث : الـثـيـب الــزاني ، والـنـفـس بـالنفس ، والـتـارك لـد يـنـه
الـمـفـارق للـجـمـاعـة ). رواه البخاري
“Qofka muslimka ahi dhiigiisu ma banana marka laga reebo sadex arimood, nin guur hore soo marey oo sinaytay, qof wax dilay, qof diintiisii ka baxay oo jamaacadii muslimiinta isaga dhex baxay.”

III- mid xanuun sanaya.
Cudurada sabab u noqda qofku in uu fidno dhexboodo aad iyo aad ayay u fara badan yihiin waxaana ka mid ah in B) cabsi gelin, t) laba dhiigle j) damaaci x) naag caabud
Kh) dadkaaga dhinac ka raac. D) Khaa’in. R) Fudayd F) Xukun Jacayl S) Dabshid
SH) qabiil Caabus DH) bilaash xayte.
B) Cabsi gelin
Dhib iyo lugooyo ayay habeen iyo maalin ula taagan yihiin muslimiinta, wa isugu mid gaalka diin laawa ah ee aan rumeysnayn jiritaanka Ilaahay iyo adiga muslimka ah mar hadaadan la qasan qurunka ayku dhexjiraan oo aadan ku biirin “Xisbi shaydhaanka” maangaabka beenta, cadaalada iyo midnimo aanan jirin ugu sheekeya.
Mar hadaadan ku biirin, u diyaar garow intay awoodaan in ay ku boqno gooyaan.
Waxay dadka ku cabsiiyaan, basaasiinta wadamada aduunka oo idil anagaa gacanta ku hayna “faan been ah” meelkasata oo aad aduunka kaga nooshahay waxaanu awood uleenhay in aan kugu xirno.Waa lagu gilgilayaa oo lagu cabsi gelinayaa ee raxmaanka ku abuurey ku kalsoonow. Allah isagoo arintaas na barayaa wuxuu yidhi:-

قُل لَّن يُصِيبَنَا إِلاَّ مَا كَتَبَ اللّهُ لَنَا هُوَ مَوْلاَنَا وَعَلَى اللّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ ( tawba9:51)
“(51) Waxaad dhahdaa naguma dhaco wax Eebe noo qoray mooyee, isagaa gargaarahanaga ah ee Ilaahay uun ha tala saarteen Mumuniinta.”

Rabbi oo keliya ayaa kuu haya jano iyo cadaab, cidkale oo jano ku geynkarta ama cadaabkuu heysaa ma jirto.maxay kugu samaynkaraan oo ay kugu cabsi gelinayaan? Ama a) in ay ku dilaan oo ay dhegta dhiiga kuu daraan, e) ama in ay debinkuu dhigaan oo ay ku xiraan i) ama ay dadka muslimiinta kugu diraan oo ay kuu tusiyaan in aad tahay qof xun oo munaafaq ah, sumcadaada ayaanu baabi’ineynaa oo waxaan kaa fidineynaa dacaayad aad iyo aad u foolxun oo dhinac walba ah.

a) Dil: - waanu ku dileynaa hadaad nasoo raaci weydo. Wixii naga horyimaada hilfaha ayaan u qaadeynaa. Ogow hadaad nagu soo biiri weydo oo xisbi shaydaanka aad ka mid noqon weydo in ay noo fududahay in aan ku dilno. walaal qofwalba wuu dhimanayaa saacadiisu Markey dhamaato, waxaana aan kuu dardaarmayaa in aad dhimato adigoo hal Ilaah keliya caabudaya, waxaan nafteyda iyo taadaba u dardaarmayaa dardaarankii nebi yacquub iyo wiilashiisa dhex marey Markey geeridu ku soo xaadirtey oo ahaa:-



أَمْ كُنتُمْ شُهَدَاء إِذْ حَضَرَ يَعْقُوبَ الْمَوْتُ إِذْ قَالَ لِبَنِيهِ مَا تَعْبُدُونَ مِن بَعْدِي قَالُواْ نَعْبُدُ إِلَـهَكَ وَإِلَـهَ آبَائِكَ إِبْرَاهِيمَ وَإِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَقَ إِلَـهًا وَاحِدًا وَنَحْنُ لَهُ مُسْلِمُونَ (2:133suurarul albaqra)

“(133) Miyaad joogteen (yahuuday) marka geeridu u timid (Nabi) Yacquub markuu ku yidhi caruurtiisii maxaad caabudeysaan gadaashay, ayna dhaheen waxaan caabudeynaa Eebahaaga iyo Eebaha Aabayowgaa Ibraahiim, Ismaaciil iyo Isxaaq Eebe keliya, isagaana u hogaansamaynaa.”

Ilaah baan ku dhaartey ee wax khayr leh maydaan noo keenin, xumaa waxaan umadiina usoo wadaan, maanta tigreey baa ku gumeysanaya beritona carab cunsuri ah baa ku gumeysanaya. Maanta waa dhib, silic, saxariir iyo gumeysi beritana waa la mid.
Ninka soo urursada waxaas oo dhib muslimiinta ula taagan, mid ay dilaan ama gacantooda haku dilaan ama cidkale ha u adeegsadaane, mid ay xabsi u diyaarinayaan oo basaasiinta dawlada aduunka daba dhigaan, mid ay dadkii muslimiinta ku diraan oo sumcadiisa baabi’iyeen, dadka noocaas ah qofka soo urursada oo isku dubarita, haduu amiirnimo sheegto, maxaynu ku magacaabi karnaa ma amiirul munaafiqiin, mise amiirul mujrimiin? Jawaabta adigaan kuu daayey.

e) Xabsi: - Marka nacas saabuunta cunaa uu kuu hanjabo oo uu ku yiraahdo ninkaan kabaha noo qaadin oo aan anaga daba dhilif noo noqon godka aanu ku ridno weligiis kasoo bixi maayo.tusaale ahaan oo lagu yiraahdo anagaa gacanta ku heyna dhamaan basaasiinta aduunka qofkii diida in uu noqdo ey kabaha noo qaada godka aan ku ridno weligiis kasoo biximaayo. Ciidama sirdoonka ee wadankan aad ku nooshahay anagaa faraha ku hayna, hadaad ka guurto oo aad wadankale degto ama aad wadankaagii ku noqoto meelkasta oo aduunka ka tirsan waxaanu awood u leenahay in aanu kugu xirno oo xabsi daa’in garka kuu gelino. Maxaad naga taqaanaa laba fiilo ayaan isku qabaneynaa dacalada aduunka oo halkaaga aad joogto ayay kula kacaysaa, basaasiinta aanu ku leenahay qaaradaha kale ee aduunka ayaa dabin yar oo ay kuu dhigeen meeshaada kuugu imaanaysaa iyo meelkasta oo aad degto, godka aanu kugu ridno weligaa kasoo biximeysid. Eydii calooshood u shaqeystayaasha ahayd ee ay qortoon raga lacagta leh ayaa noo hanjabaya habeen iyo maalin. “Guduudane mar buu kugu noqdaa aar gantaal ahee”Xusuuso hadaad fidnadan taagan dhexgasho qofka muslimka ee aad dhiigiisa daadineyso dhiigaaga kama qiimo badna, qofka muslinka ah ee aad u dileyso reer AL-Sacuud baa talinaya ama reer bin-ladin baa taliyana naftiisu naftaada marna kama qiimo badna, qiilna kuu noqon mayso aniga waa la’ii hanjabay oo waa la’i cabsi geliyey ee qof muslim ah weligay kuma dileen “Sagaaro way cabtaa iyo ma cabto”. Xusuusnow weligaa in ay waxan socdaa ay yihiin imtixaan, oo qaado go’aankii uu qaatey Nabi yusuf markuu yiri:-

قَالَ رَبِّ السِّجْنُ أَحَبُّ إِلَيَّ مِمَّا يَدْعُونَنِي إِلَيْهِ وَإِلاَّ تَصْرِفْ عَنِّي كَيْدَهُنَّ أَصْبُ إِلَيْهِنَّ وَأَكُن مِّنَ الْجَاهِلِينَ (12:33yuusuf)
“(33) Wuxuu yidhi (Nebi Yuusuf) Eebow xabbis baan ka jecelahay waxay iigu yeedhi haddaadan iga iilin dhagartooda waan u iilan xaggooda waxaana ka mid noqon jaahiliinta.”

Hadaad hanjabaad been ah aad run moodo oo aad ka qayb qaadato waxaa aad burburiyeynaa waa aakhiradaadii ee la soco. Hanjabaadooda ah in ay basaasiinta sirdoonka ee dawladaha aduunka in badan oo kamid ah ay ayaga mushaarsiiyaan, qaar badana ay ayaga ururadooda xubna ka yihiin laba u kala qaad haday arintaas ay been tahay waa been oo waxaad ka cabsataa meesha maba yaalaan oo aad dhiig muslim u daadisaa, haday run tahayna waxaan Ilaahay kuu qadarin marna kugu dhici maayaan, saacadii rabi kuu qorey ayaa lagu xiro ama aad dhimanaysaa, geeriduna waa xaq, hadii Ilaahay xabsi kuu qorey waad gelaysaa, Alle(sw) asagoo arintaas na baray wuxuu yidhi:-
وَإِن يَمْسَسْكَ اللّهُ بِضُرٍّ فَلاَ كَاشِفَ لَهُ إِلاَّ هُوَ وَإِن يُرِدْكَ بِخَيْرٍ فَلاَ رَآدَّ لِفَضْلِهِ يُصَيبُ بِهِ مَن يَشَاء مِنْ عِبَادِهِ وَهُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ (suuratu yunis10:107)
________________________________________


“Hadduu ku taabsiiyo Eebe dhib wax faydi kara oon isaga ahayn ma jiro, Hadduu kula doono khayrna wax celin karaa fadligiisa ma jiro, wuxuuna gaadhsiiyaa cidduu doono oo addoomadiisa ka mid, waana dambi dhaafe naxariista.”

Haday nimankan muslimiinta ah ee qaaminaant ah ay debin adiga kuu dhigaan weligeed baa debin laysu dhigi jirey bal xusuuso, qisadii ahayd “Diinow shinbiro way kuu tashadeen, makaas ayuu diinkii yiri meeshii aniga la’ii tashadey, saw Ilaahay ma joogin?
Kaba soo qaad in lagu xirey oo debin laguu dhigey oo marka qolkii xabsiga lagu geeyey aad wareysatay kii qolka kugula xirnaa oo uu ku yiraahdo maxaa laguu soo xirey? Oo aad ugu jawaabto markaan diidey in aan dhiig muslin daadiyo oo aan noqdo ey lagu adeegto ayaa debin la’ii dhigey oo la’i soo xirey. Oo adna aad weydiiso, saxiib maxaa adigana laguu soo xirey? Oo uu ku yiraahdo xoogaa lacag ah ayaa la’ii qorey ama dhowr kartoon oo timirtii sa’cuudiga ayaa halkan i keentey, oo aad ugu jawaabto aniga rabigii nebi yuusuf (csw) xabsiga kasaarey ayaa iga saaraya ee adiga yaa kaa saaraya? Ma timirta!? Mise xoogaaga lacagta ah ee hoos ahaan laguu siiyey!? Nebi yuusuf (csw) isagoon wax danbi ah gelin ayaa la xirey kamana fiicnid, samir yeelo maxaa yeelay aduunku waa imtixaan.

.
Hadaad tahay qaa’in daran oo qayaanada iyo dabamaryada aad iyo aad u yaqaana, xusuusnow weligaa qiyaanada, beenta, dabamaryada maalmo tirsan ayay soconayaan, wixii mudadaas yar ka danbeeya waxaad qarineyso iyo carabka qaa’inka ah ee kusoo dirsadey oo maanta intuu qamiis noosoo gashaday doonaya in uu magac diineed nagu gumeysto, iyo waxaad tahayba calooshii ushaqeyste hadba carabkii xoogaa aduunyo ah siiya kabaha u qaada waa lagu ogaan doonaa Insha-Allah. Waxuu hore u yidhi madaxweynihii hore ee maraykanka Abraham Lincoln hadalkan:-
“"You can fool some of the people some of the time, and all of the people some of the time, but you can't fool all of the people all of the time." Abraham Lincoln
“Waad siri kartaa dadka qaar ka mid ah ama kuligood muddo kooban, laaliin ma dhici karto in aad mar walba dadka oo dhan aad sirtid.”
Fadlan iga gaarsii ninka kusoo kireystay oo waxaad ku tiraahdaa “mabda’aagu hadduu yahay in aad dad masaakiin ah oo dhibaateysan aad kursi ku gaadho oo aad ku danaysato, qiyaamadaadu maalmo kooban unbay shaqeyneysaa, wixii intaas ka danbeeya ku xisaabtan in waqtigii khiyaamadu iyo beentu uu dhamaaday, gabalkaagiina wuu dhacay.

Hadaad ku tukato masaajid ka mid ah masaajida Ilaahey oo magac fiican oo aad u qurux badan loo bixiyey. Kadibna aad ogaato in masaajidkan quruxda badan ay ka shaqeeyaan labo qof oo muslimiin ah, mid uu yahay nin carab ah, midka kalena uu yahay qof muslin ah laakiin aan carab ahayn. Oo kadibna aad ogaato in ninka carabka ah bishii mushaar loosiiyo afar Kun oo dollar, nasiib daro midka kalena ee aan carabka ahayna lasiiyo afar boqol oo dollar oo keliya. Dadka noocaas ah ee aaminsan carabnimada, isla markaasna wax kuqaybinaya midab kala sooc,eex iyo qaraabakiil,dulmi,dhalasho,jinsiyad, qawmiyad carabnimo, haday hubka qaataan oo shaati diineed intey noosoo gashtaan ay yiraahdaan waan dagaalmaynaa, maxaynu ku magacaabi karnaa maxaynu orankarnaa waa “Mujaahidiin” mise waa “Carab Mafiya”? Jawaabta adigaan kuu daayey.
Halganka ay ugu jiraan in ay xukun gacanta ku dhigaan hadii laga adkaado waaba laga adkaadey oo dhibkoodii iyo dulmigoodii Ilaahay baa nagaga filnaadey oo gabalkoodii wuu dhacay, isla markaana sheekadoodii wey dhamaatey, dhinaca kale aynu wax ka eegno, lacala haday guuleystaan oo ay dawlad carabnimo soo dhistaan oo ay u bixiyaan magac khaliifo, maxaynu ku magacaabi karnaa. Maxaynu oran karnaa “Al-khilaafa qawmiya carabiya” mise “A-khilaafa shaydaaniya”? jawaabta adigaan kuu daayey.

Ninka soomaaliga ah ee nimankaas cunsiyiinta ah ee aaminsan carabnimada ka amar qaataa muxuu agtaada kayahay, ma nin waalanbaa, mise waa nin fiyow? mise waa calooshii u shaqeyte hadba carabkii lacagsiiya u dagaalama? Jawaabta adingaan kuu daayey. Carab khaa’in ah oo caruurta, jaahiliinta, wadaadada colooshood u shaqeystayaasha ah iyo maangaabka ugu sheekeeya diinta islaamka darteed ayaanu u dagaalmeynaa, maxaad ugu jawaabi lahayd? Haday adiga kuu yimaadaan oo ay ku yiraahdaan wiilashiina keena, gabdhihiina keena, calooshood ushaqeystaal baanu dooneynaa noo dagaalama, oo aan ku gaadhno kuraasta ay ku fadhiyaan Al-Sa’uud, maxaad ugu jawaabi lahey? Ma waxaad oran lahayd “anagu kuweena ma fataatiirbaa, idinku kuwiina keena” sidii ninkii sangub ahaa, mise mar hadaad lacag ama timir heleyso waad horboodi lahayd gumeysigan cusub ee khamiiska iyo cimaamada noo soo xirtey.

i) Dacaayad been ah: - waanu ku ceebeyneynaa oo waxaan kugu direynaa dhamaan umada muslimka ah oo idil, waxaanu kuu tuseynaa in aad tahay qof xun oo gaal, munaafaq, qaa’in, basaas, jaahil, beenaale, tuug, waali iyo waxkasta oo xun oo qof Muslim ahi uu neceb yahay in loogu yeedho. Haday ku dacaayadeeyaan Nebi Muse ayaa sixir wax xun lagu dacaayadeyey. Waxaa horey loo dacaayadeeyey mid aniga iyo adigaba na khayr badan Nebi Ilaahay soo dirsadey, walaal bal xusuuso ayadan:-
وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى تِسْعَ آيَاتٍ بَيِّنَاتٍ فَاسْأَلْ بَنِي إِسْرَائِيلَ إِذْ جَاءهُمْ فَقَالَ لَهُ فِرْعَونُ إِنِّي لَأَظُنُّكَ يَا مُوسَى مَسْحُورًا (17:101)
“Waxaan dhab u siinay (Nabi) Muuse sagaal aayadood (mucjiso) oo cad cad ee warso Binii Israa’iil markuu u yimid oo ku yidhi fircoon waxaan kuu malayn Muusow in aad sixran tahay.”(Al-Israa 100)

Walaal dhibaatadan ma aha mid cusub in qofka Ilaahiisa ka baqa loogu yeedho magac xun xun, nabeyadii Rabbi soo direy ayaa loogu yeedhi jirey, aniga iyo adigu xageen joogaa marka nebi Ilaahay la aflagaadeeyo. Gumeysiga in aad dhagaha ka fureysato xaaladan fidno ee taagan, intaad masaajidka ku tukato aad albaabka ka baxdo adigoon midna taageerin boqortooyada Al-Sacuud iyo Usama Bin Ladin iyo ururkiisa Al-Qaa’ida taasi ma munaafaqnimaa,mise waa gaalnimo? Jawaabta adigaan kuu daayey.

Yaa yidhi oo xagay diinta kaga taala in gaal, munaafaq, jaahil iyo wax xun lagu magacaabo ninka fidnada isaga dhex baxa, isla markaana ninka dhexbooda lagu magacaabo mumin ama mujaahid. Walaal xalku waxaa weeye in aynu qaadano labadan xadiis:-
عن أبي سعيد الخدري رضي الله عنه ، قال : سمعت رسول الله صلي الله عليه وسلم
يقول : ( من رأى منكم منكرًا فلغيره بيده ، فإن لم يستطع فبلسانه ، فإن لم
يستطع فبقلبه ، وذلك أضعـف الإيمان ).
رواه مسلم]
“qofkii arka munkar gacantiisa haku bedelo, hadii uusan awoodin carabkiisa haku bedelo, hadii uusan awoodin qalbiga haka naco, kaasaana iimaanka ugu daciifsan.”

Talada kowaad dadweynaha Soomaliyeed waxaa kula talin lahaa inay xadiiskii
Nebi Muxamed (CSW) xusuustaan uu ku lahaa: Walaalkaa u gargaar haddii la dulmay iyo haddu wax dulmayba. Asxaabtuna ay nebiga weydiiyeen su’aasha ah garanay nebi Allow sidaan ugu gargaari lahayn kan dulman, laakiin sidaan ugu gargaarnaa kan dulmiga wado. Wuxuuna nebigu (CSW) ku jawaabay: Ka qabta dulmiga.Markaas hadaad garanaysid ood qaraabo ama saaxiib la tahay nimankaas fadlan kula taliya inay dhibaatadan joojiyaan oo fidnadaan faraha kala baxaan.



T) Laba dhiigle

Waxaynu ku macneynkarnaa qofka tirsan gobanimadoonka iyo gumeysiga labadaba, labadiisa waalid midna waa soomaali midna waa carabta dhexda u xiratey in uu maanta na gumeysto iyagoo noosoo gashadey shaati Islaanimo, iskana dhigaya in uu yahay ergi Ilaahey soo direy. Waxaynu leenahay qofkan laba dhiiglaha ahi markuu nala joogo waa naga mid oo sheekadeena iyo sirteena oo dhan wuu duubayaa, markuu naga maqan yahayna wuxuu ku maqan yahay in uu gudbiyo wixii war iyo sir ahaa ee uu naga helay intuu noo dhuumanayey ee uu iska dhigayey in uu ubadkeenii yahay, laakiin ubadkeena ma ahayne, wuxuu ahaa cadaw nagu dhex jira. Wuxuu la safan yahay nimanka carabta ah ee doonaya in ay maanta na gumeystaan. Kaas oo aan ku macneynkarno in uu yahay safiirka gumeysiga carabta midka ugu xun, maxaa yeeley wuu nagu dhex jiraa oo uu fahmayaa luqadeena iyo waxkasta oo aanu ku sheekeysanayno. Waa lagu ogaan Insha Allah, waxaa horey loo yidhi “qufac iyo uur midna ma qarsoomo.”

Waa qof garanaya dareenkeena iyo waxkasta oo aynu ku fikireenu ama aynu isku sireysaneyno, si aad iyo aad u fudud ayuu noo boqno goynkaraa. Wuu nagu dhex jiraa oo uu masaajideenii ayuu dhexfadiyaa, haduu doono safka ugu horeeya haku tukado, haduu doono safka ugu danbeeya haku tukado, ama haduu doono maamulka masaajidka ha dhexboodo, waa qof weji fiican oo walaaltinimo na tusaya, isla markaa hoosta kala xiran rag jirkeenu diidan yahay, waa qof jecel in nala gumeyso, isla markaana aadan carabkiisa marna aadan ka dhadhamineen suntan qalbigiisa fadhida, isagoo isaga kaaya dhigaya in uu yahay walaalkeen, laakiin ah cadaw aad iyo aad u xun oo u taagan danaha qarsoon ee ay leeyihiin ninankaas soo dirsadey si ay noo gumeystaan.

J) DAMAACI

Waxaa laga yaabaa in aad aragto wadaad dadkeena ah oo ah miskiin qaxooti ah oo sideena oo kele soo qaxay, sideena oo kale ah hadana waxaan jirin aaminsan, noocii aynu oran jirney “quud aan jirin qoryo u guro.” waxaa dhihi karnaa waxaa gacanta ku dhigay oo bac dabada kaga xirey sidii xaba digaagad ah oo ukunteedii laga cuney oo cuq noqotey oo dabadeed reerkii lahaa ay doonayaan in ay dibada cararto oo ay cuqda ka baxdo, waxaa dhibkaas baday wadaadkaas maskiinka ah carab qaa’in ah noocii aynu oran jirney “cirkuu kasoo dhacey”, waxaa loogu sheekeeyey “carabka aynu hada u nacamleeyneyno markuu kursiga madaxtinimada sacuudiga ku fariisto, ayaynu dhergeynaa oo waxwalba oo aanu u baahanahay ka haqabeeleynaa, lacag aad ufara badan ayaa nala siin doonaa, gaaja danbe waa dhamaatey, barwaaqo ayaynu ka dhergeynaa, war su’aal aan ku weydiiyo, risiqii Ilaahey kuu qorey hadaad ku dhergi weydey, ma waxaad ku dhergeysaa carab kursi laga kiciyey,mise carab kursi lagu fariisiyey? Iimaan Allah ayaa uur buuxsha, Ma iloowdey? Haduu faqri kugu dhacay oo aad lacag u baahan qasnadaha aduunka yaa haya? Ma cid aan Allah ahayn?)
أَمْ عِندَهُمْ خَزَائِنُ رَحْمَةِ رَبِّكَ الْعَزِيزِ الْوَهَّابِ (38:9saad)

“(9) Ma agtaadaa khasnadaha na xariista Eebehaaga adkaada ee naxariista badab (khayrka) yahay.”

Hadaad rumaysatay in carab siyaasi ah oo kursi doon ah uu janno ku geykaro maxaad u rumeysan waydey in uu sabab kuugu noqon karo carro Ilaahay iyo cadaab aad iyo aad u daran, mar laga hadlayay ninka damaaci ah iyo nolashiisa ayaa waxaa la yidhi “waxaa jiri jirey laba nin oo damaaciyiin ah oo aad iyo aad u kala daran, mid kasta uu habeen iyo maalin ku fikiro waxkasta oo fiican in uu gacanta ku dhigo qofkasta ha lahaado, qofkalena aanan waxba u ogoleyn, labadii nin ee damaaciyiinta ahaa midka mid ah ayaa maalin suuqa wuxuu kasoo iibsaday digsi wax lagu karsado oo aad u weyn, markaasaa kii kale ee asna damaaciga ahaa arkey oo uu markiiba uu ku fekeray sidii uu ninkan digsigiisa uga qaadan lahaa, intuu u yimid oo si fiican u salaamay ayuu ku yidhi “wal hebel nin yahow dad marti ah ayaa iimanaanaya ee disigaaga ii dhiib aan wax ugu kariyo martidee.” Wuu ka yeelay oo uu u dhiibey digsigiisii. Kii digsaga qaatay ayaa aroor hore kusoo kalahay ninkii digsiga lahaa, markaasuu ku yidhi “wal hebel bishaaro, Alla nasiib badanidaa, waxa la yaabka leh ee dhacay ma maqashay? Digsigaagii weynaa intuu xalay oo dhan foolanayey ayuu goor dhaweyd uu umuley oo kuu dhalay digsagan yar ee qaado” ninkii digsaga weyn lahaa ee damaaciga ahaa ayaa aad iyo aad intuu u farxay la boodey digsigii yaraa oo gurigiisa ku cararey. Kii kale ayaa inta sii fiiriyey hoosta ka qosley oo iska tagey. Sidii oo kale ayuu subaxdii xigteyna kusoo kalahay oo ku yidhi “war hebel, waxa dhacay ma maqashay? Digsigaagii weynaa inta lagu soo boodey oo uu six un u sakaraadey, ayuu xalay sax dhexe naf baxay oo uu geeriyoodey, waxaan ka baqay hadaan kula sugu in uu meydku qurmo, markaasaan habeenimo aasay, ee samir iyo iimaan Allaha kaa siiyo.” Ninkii damaaciga ahaa ee digsiga lahaa ayaa intuu aad iyo aad u caroodey oo is dibiriyey ayuu yidhi “bal waxaad noogu sheekeyno fiiri, ma digsi baa dhinta? Xageed ku aragtey digsi geeriyooda? Markaas ayaa kii kale ugu jawaabey digsigaagu inuu wax dhalo waad iga rumeysatey, ee in uu dhinto maxaad iiga rumeysan weydey? Sababta oo ah wax kasta oo wax dhalaa wey dhintaan!
Waxaan sheekadaas meesha usoo dhex geliyey in aan tusaale iyo cashar uga dhigo wadaadka damaaciga ah ee laga dhaadhiciyey ama isaguba nafsad ahaantiisa iska dhaadhiciyey “carabka aan u nacableynayo ee aan kabaha u sido markuu madax noqdo oo uu kusiga reer boqor ku fariisto ayaan dhargayaa, ayaan madax noqonayaa, ayaa wax walba oon u baahanay lay siin doonaa. Sheikh si xun oo aad iyo aad u khaldan ayaad
u xisaabtantay ee xisaabta ku darso in dabada laad inta lagaa geliyo lagu yiraahdo “Yaa cabiid, yala ruux.” Adoon yahow madow dhinac noo dhaaf.

X) NAAG CAABUD

Halkuu Ilaahey caabudi lahaa ayuu naag loo guuriyey caabudayaa, tusaale ahaan waa nin la siiyey naag carabiyad ah, ha ahooto habar wayn oo mayl badan saaran yahay, ama aan suuq ku lahayn dadkeedii oo wax guursaday inta loo waayey isaga lagu khaarijiyey, ama yaraanteedii suuqa gashay oo tumasho ku can baxday oo isaga loo qarieyey oo looga dhigey in naag fiican la siiyey, siday doontaba ha ahaatee waa nin dadkeena ah oo haweeney carbeed ku bedeshay diintiisii, dadkiisii iyo dalkiisiiba. Kaas oo miiran hadii uu isu soo taaago in uu madax noo noqdo oo uuna hoos geeyo nimanka naagta ku cameeyey, maxaad ugu jawaabi lahay? Haduu kaas iyo wax la mid ah intuu masaajidka soo dhex fariisto yiraahdo muxaadaro ayaan soo jeedinayaa ama kitaab baan idiin akhrinayaa maxaad sameyn lahayd? Jawaabta adigaan kuu daayey. Wadaadkaas naag caabudka ah ee go’aan ku gaarey in uu isaguna naag carbeed helo anagan nala gumeysto, maxaad yeeli lahayd? Jawaabta adigaan kuu daayey.

Kh) Dadkaaga dhinac ka raac.

Marna ma banaana in aad u dabacdo cadaadiska lagu saaray oo aad tiraaho “dadkaaaga dhinac ka raac, haday qaldamaan la qaldan haday sax san yihiin la saxsanow. Talo qof Muslim ah maaha in aad tiraahdo “tolkaa iyo kabtaada labadaba waa lagu dhexjiraa”
Walaal isu fiiri waxaad samaynayso iyo waxay aayadu nooga digeyso

________________________________________
وَيَحْلِفُونَ بِاللّهِ إِنَّهُمْ لَمِنكُمْ وَمَا هُم مِّنكُمْ وَلَـكِنَّهُمْ قَوْمٌ يَفْرَقُونَ (9:56)
“(56) Waxay ku dhaaran Eebe inay idin la jiraan idinlamana jiraan, waase qoom cabsan.”

Tolkaa waa la taageeraa oo waa lagu dhexjiraa markay saxsan yihiin, markay qaldan yihiina waa laga haraa, si ay horseed kuugu noqon in ay caro ilaahay kugu dhacdo oo aad ku dhagarowdo qof Muslim ah oo aan wax danbi ah kaa gelin haba yaraatee. Haduu ina adeerkaa ama walaalkaa ama kaaba qabiilkiina qaldan yahay oo uu gebi dheer ka soo dhacayo miyaad qabaneysaa si aad naftiisa u badbaadisid, mise adna wad lasoo dhaceysaa si’aad u dhimato ama u curyaantid sidiisoo kale. Oo aad tiraahdo hadaanan ugaaska reerka sax iyo khalad hadalkiisa maqlin waa la igoynayaa, waa la’i dacaayadaynayaa, waa la’i xirayaa, debin baa la’ii dhigayaa oo xabsi baa la’ii taxaabayaa, xusuusnow walaal hadaad dhexboodo fidnada adigoo qiilka dhiganaya tolkeybaa halkaas marey, tolku aakhiro iyo ilaahey hortiis waxba kuu tari maayaan ee la soco. Waa in aad Rabi (sw) oo aayadan aad dhuuxdid.

إِنِّي تَوَكَّلْتُ عَلَى اللّهِ رَبِّي وَرَبِّكُم مَّا مِن دَآبَّةٍ إِلاَّ هُوَ آخِذٌ بِنَاصِيَتِهَا إِنَّ رَبِّي عَلَى صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ (11:56) (Suuratul Huud)

“Anigu waxaan talo saartey Ilaahay ee ah Eebahay iyo Eebihiin wax socda oosan foodoooda qabanayn ma jiro (awoodayn) Eebahayna wuu ku sugan yahay jid toosan.”

Waxaa murugo ah in aad si uun uga qayb qaadato dil qof Muslim ah oo aan haba yaraate wax danbi ah aanan kaa gelin iyo sabab aad u dishaa toona, xusuusnow dhiigaagu Kama qiima badna dhiiga qofkan Muslim ka ah ee aad dileyso, isla markaana naftaadu kama qiima badna naftan muslimka ee aad goynayso. Hadii tolkaa ku gooyaan nebi Ibraahin tolkii wey gooyeen umana baahan oo Rabbi (sw) baa ka kaafiyey. Isagoo Rabbi (sw) na baraya danbiga dilka qofka muslinka ah wuxuu yidhi:-

وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُّتَعَمِّدًا فَجَزَآؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا (4:93)Alnisaa

“Ruuxii u Dila qof mu’min si kas ah, abaalkiisu waa jahanamo oos ku waari dhexdeeda, wuuna u cadhoon Eebe wuuna lacnadi wuxuu u darbi cadaab wayn.”

Waxaa dhib wayn ah in uu qofku iska noqdo dameeri dhaan raacdey. Ileen qof nool oo ku hortaagan lagam khuusto.

D) Khaa’in
Waxaa hormood u ah waxaad la yaabto, Masri markaad dhinac walba ka eegto oo aad hadalkiisa dhageysato aad isleedahay waa takfiir shaag salafi soo gashtay iyo kabo ka waaweyn,cimaadada uu xiran yahay nooceeda iyoqaabkana uu u xirteyna, ay hadba shabahdo labiska wadaadka sucuudiyaanka ah, si biilasha dagaalka looga bixiyo, Yemani caradii intayka badatay bayl daacaya oo u halgamaya habeen iyo maalin sidii ina adeerkii loogu fariisin lahaa kuraasta ay ku fadhiyaan Al-Sacuud, Sucuudiyaan kursi madaxa ka galay oo labadiisa aysan u muuqan waxaan jago loo magacaabey ahayn, hadaad muraayadkasta oo aduunka taala oo wax lagu arkana u keenta waxba arkayn ilaa in uu madax noqdo mooyee. Walaal sidaad ogsoon tahay qofka khaa’inka ahi wuu wejiyo badan yahay, waxaa wejiyadiisa ka mid ah in uu xaqiro oo liido umada muslimiinta ah marka laga reebo kuwa lacagta siiya. Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in aad aragto nin wadaada oo masaajid dhex fadhiya oo leh waxbaan u muxaadareynayaa, oo hadana xakhiraya qof Ilaahay dartii usujuudsan oo leh ninka somaaliga ah ee halkaas ku sujuudsan wuxuu u sujuudsan yahay qabiil dartiis, siduu ku ogaadey? Ma wuxuu ogyahay waxa qalbiga bani’aadamka ku jira? Balka waran midka mushaarka ku siiya, muxuu u sujuudsan yahay? Waxaa la yaab leh hadana wuu isla saxsan yahay “qof walba qumanihiisaa qoorta ugu jira.” Waxaa kale oo ka mid ah wejiyada khaa’inka lagu yaqaano in ay masaajida dhex keenaan shaydhaan gadhweyn oo Af carabi ku hadlaya oo ay horboodayaan ey calooshood u shaqeystayaal ah oo afkeena ku hadla oo ayna leeyihiin waxbuu u muxaadareynayaa oo umadii masaakiinta ahayd ee masaajidka ku jirtey ku leh waqooyi iyo koonfur ma kala taaqaan? Bari iyo galbeed ma kala taqaanaan? Ma carabkaan is cajabiyey baa xoola ah, mise anagaa xoola ah? Maxay isaga mid yihiin kibirka ku jira kan iyo kuwa la midka ah ee ay isku kooxda yihiin iyo kuwa ay aayadani ka hadlayso? Jawaabta adingaan kuu daayey ee kala huf.

وَلاَ تَكُونُواْ كَالَّذِينَ خَرَجُواْ مِن دِيَارِهِم بَطَرًا وَرِئَاء النَّاسِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللّهِ وَاللّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطٌ (8:47)
(Al-anfaal 47) “Hana ka mid noqonina kuwii ka baxay Guryahooda kibir iyo istuska dadka dartiis kana Celinaya (dadka) jidka Eebe, Eebana waa koobay waxay camal fali.”

Hadaad sadex diyaaradood darbi ku dhufateen ha isu qaadanina in aad tahiiny geesiyadii ugu waa weynaa aduunka, “fuley maalin reeyaa rogrogasha badanaa!” kadibna aad dhuudhuumasho bilaawdeen goor ay dhamaanayso Ilaahay keliya un og yahay. xisaabta ku darsada in ay dunida dushooda ku nool yihiin rag adinka ka fiican, rag idinka cilmi badan, rag idinka cibaado badan, rag idinka taqwo badan, rag idinka daacadsan, rag idinka xoolo badan, rag idinka da’weyn, ragn idinka wax garadsan, rag idinka siyaasisan, rag idinka deeqsisan, rag idinka maamul fiican. Kibirka isla weynida waxaa horey uga gabyey halyeygii daraawiish ismaaciil Mire Allaha u naxariistee isaga iyo daraawiish oo idile, wuxuu yidhi:-

Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye
Kashiisaba ma galin wiilalbaa keebka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne
Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay
Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye
Kashib dhaha Adoomahoow naftii kii ladnaa gadaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Balka waran hadii adiga, waalidkaa, xaaskaaga, caruurtaadaba, iyo qaraabadaada uu istiigar dhabarka kaga dhagan yahay ay ku qoran tahay “for sale” “waa iib” oo aadan ogeyn, oo aad iska socoto. Waxa dhibka intaa le’eg kuu geysanaya shalay iyo maantaba waa mid inaga dhashay hadana u taagan habeen iyo maalin danaha gumeysiga, waxaa horey arintaas ugu gabyay Allaha u naxariistee halyaygii umada soomaaliyeed Sayid Maxammed Cabdulle Xasan markuu ku yidhi kuwii gumeysiga u adeegayey tixdan gabayga ah:-

Sagaal nin oo walaalaa sideenaas
Sideed isku bah tahay sidiinaas
Ninkuna bah gaar ah yahay sideydaas
Sideedu ninkii siri sidiinaas
Ninkuna sirtii garay, sideydaas
Hadaynu isi siri sidiinaas
Mayska kala tagnaa sideedaba.

Waxaan aamin sanahay cadawyada ugu waaweyn waxaanu cadaw leenahay uu yahay wadaad qaa’in ah oo arinkiisu yahay. “Baadida ninbaa kula daydaya daalna kaa badane, Oo aan dooneyn in aad heshaa daa’in abidkaa.” Sheegaagii miisaankii xaqa waa ka lumay oo wuxuu wax ku qiimeynayaa, yaa aniga lacag i siiyey. Waxba kama qiima badna warqada kaadida laysaga tiro ee musqusha dhextaal, maxaa yeelay waa qof aan damiir iyo dadnimo toona lahayn oo hadba qofkii wax u dhiiba uu ku adeegto. Qofwalba khiyaano iyo daba maryo ayuu kula socdaa Muslim iyo gaal, Rabina (sw) isagoo arintaas na baraya, wuxuu yidhi:-


وَإِمَّا تَخَافَنَّ مِن قَوْمٍ خِيَانَةً فَانبِذْ إِلَيْهِمْ عَلَى سَوَاء إِنَّ اللّهَ لاَ يُحِبُّ الخَائِنِينَ (8:58)
“(Al-anfaal 58) Haddaad ka cabsato qoom khayaanadii u tuur (ogeysii) ballankii si siman, Illeem Eebe ma jecla khaa’imiinta.”

Waxaa taas hadana kasii daran beenta cad ee uu shaar midnimo usoo geliyey. Wuxuu ku sheekeynayaa oo maangaabka iyo dadka wax magarata ugu sheekeynayaa been cad.
Waxaan ku macneynkarnaa waa la midoobayaa, muslimiinta aduunka oo dhan baa la mideynayaa, khilaafadii islaamka ayaa lasoo celinayaa! Maxaa been laysku sheegayaa? Maxaa lagu midoobayaa? Mala isku dari karaa koob malab saafi ah ku jiro iyo koob uu ku jiro dhiig Muslim? Ma midoobi karaan nin wata koob malab ah iyo nin wata koob uu ka buuxo dhiig Muslim? Maxaa lagu midoobayaa? Ninka qiyaamo iyo daba maryo ay ujeedadiisu tahay oo aan marna looga fidhiyin in uu xaqaaga ku siiyo ama cadaalad keeno, haduu gadhka siideysto oo haduu doono garkiisu jilbaha ha dhaafaan, maxaynu ku magacaabi karnaa khaa’inkan, ma xaaji xaqa u taagan baa, mise waa tuug xariif ah?
Nin isaga oo nool magtiisii iyo magteenii labadaba qaatey hunguri weynin dartiis.
Sheekhaaga calooshiisa kuusan waxaa weeye magtaadii.Qofka markuu dhinto ayaa magtiisa la qaata, laakiin maanta waxaa laga yaabaa in aad aragto qof nool oo magtiisii la qaatey. Wadaado khaa’imiin ah oo la mid ah kuwaan aan ka hadlayo waxaa horey uga gabyay Cabdullahi Maxamed markuu yidhi:-

Waa duni ninkii sheekh ahaa ku dulmiyaaye!
Waa duni damac uu kormaray sharaftii diineede!
Waa duni ninkaad aamintaa dabinno ku qoolin!
Waa duni la kala boobayoo, nala dareensiine!
Waa duni Akhiro xisaabteed layska daah saaray.
Waa duni xaqii aad lahayd debedda loo tuuray!
Waa duni dhac iyo soo dilkii laysku kaashanaayaa!
Waa duni agoon soo dhaceed loo durbaan tumanee!
Waa duni nin daalini hantiyey doolarkayagiiye!
Dareen ma laha nimankaas Diinta boobay duhurkaase!
Darxumu u dhiman kii agoon duudsinaayaayey!
Aakhirona hoygiisu waa dab iyo naaritiiye!
Daarey ka sii iibsadeen doolarkayagiiye.
Dalxiis bay ka wada gooshayeen doolarkayagiiye.
Bal dayaayey nimankaas hantiyey doolarkayagiiye!
Dad xajkii ujeeday dhaceen doolarkoodiiye!
Dad masaajido dhisaayey dhaceen doolarkoodiiye!
Dad miskiin waxtaraayey dhaceen doolarkoodiiye!
Dubbay iyo Nayroobi bay dhigteen doolarkayagiiye!
Waa duni nin daalini hantiyey doolarkayagiiye!
Nimanyahow dib u garwaaqsada xoolahaad dugga dhigateene.
Nimanyahow dib u xisaabtama Aakhiiraa loo durkaayaaye.


Qofkii doonaya in uu xornimo iyo nolol sharaf leh ku noolaado ninamkaas carabta ee cunsuriyiinta ah iyo ururadooda ha ka fogaado.Sheekhaaga calooshiisa kuusan waa weeye magteenii. Waxaa hadana la yaab leh in aysan u muuqanin xumaanta, beenta iyo qurunkaan uu wado oo ay muuqdaan oo u cadhaysan yahay kuwa diiday in ay ka qayb qaataan riwaayadan uu umada masaakiinta ah ku lugooyey “Maroodigu takarta saaran ma arkee, tan maroodiyada kale saaran ayaa u muuqata.”

Rajo been ah oo caruurta iyo maangaabka loogu sheekeeyo, oo ah carabka aanu u nacamleynayno markuu kursiga madaxtinimada sacuudiga qabsado ayaanu dhargeynaa.
Maxaa qofka muslimka ahi u dagaalamaa oo uu jihaadka u gala, saw ma aha in Ereyga Rabbi in uu kasareeyo wax walba oo faa’iidadiisa ay kamid tahay in uu cisi,sharaf, iyo xornimo dhamaystiran ku noolaado ama in uu shahiid noqdo oo uu helo janadii Rabbi, bal ka waran ninkan carabkaa ee iska dhigaya markuu hadlayo in uu hogaamiyahaagii yahay, adna aadan dooranin oo uu yahay cunsiri isaga iyo wuxuu soo urursadey, oo ayna qof madow ama qof aan carab ahayn waxba u ogoleyn cidna, oo markaad dhinac walba ka eegto ay kuu soo baxayaan in ay yihiin gumaysi aan waxba kuu ogoleyn in ay kursi kugu gaaraan mooyee! Oo ay isagu mid yihiin adoontii madmadoobeyd ee awoowayaashii lahaayeen iyo adiga xorta ah. oo qofkasta oo madow agtiisa ka yahay adoon. Maxaad faa’iidey? Saw xaalku maaha “gaajada ka bax baan guntiga u xirtey ee mahadaan galay geerashkeedii” ama “gumeysiga ka xorow baan guntiga u xirtaye ee maxaad galay geerashkoodii” Ninka balaayadaa noo horkacaya ee doonaya in nala gumeysto oo dadkiisa la adoonsado saw kuma oran karno “Hooyadii figeeyow maxaad adigu faa’iidey? Miyaad o goshahay in xaaskaaga iyo caruurtaada laguu biilo? Oo uu Nin khayrkaa ah uu ku yiraahdo xaaskaaga iyo caruurtaada anigaa kuu biilaya, balka waran taas mid kasii daran, haddii qof ku yiraahdo sheekhaaga, xaaskiisa iyo caruurtiisa carab baa biila si adiga laguu gumeysto, oo aad ogaato waxa miiska saran ee lagu khamaarayaa waa diintaada, dadkaaga iyo dalkaaga, maxaad sameyn lahayd? Maxaa been laysu sheegayaa? Dab un baad shidaa kumana gubatid daa’in abidkaaye. Khaa’inku ma mujaahidbaa, mise waa shayaadiinul insi? Jawaabta adigaan kuu daayey. Khaa’in calooshii u shaqeyte ah oo dhib uun muslimiinta ula taagan habeen iyo maalin. Noocii la oran jirey “Ilaaha ku abuurey eed malehe, Indhihii ku arkaa ayaan daranaa!”

Ma midoobi karaan mumin iyo munaafaq? Ma midoobi karaan tuug iyo daacad? Ma midoobi karaan gobanimo doon iyo mid uu gumeysiga ku adeegto? Ma midoobi karaan wadaad Somaaliyeed oo daacad ah oo u taagan habeen iyo maalin umadiisa dhibaateysan sidii uu dhibka maanta haysaa uga saari lahaa iyo wadaad ey colooshii ushaqeyste ah oo hadba carabkii xoogaa lacag ah u dhiiba lasafan oo u dagaalama, isla markaana doonaya in uu dhib cusub abuuro, taas oo ah in uu wadankiisa hooyo ka dhigo meel ay ku dagaalaan inta boqortooyada Al-Sacuud taageersan iyo inta kasoo hor jeedo sida afganistaan, kaas oo aan ku macneyn karno dhuuni qaate haduu boqortooyada Al-Sa’uud wax siiso ayaga ayuu la safan yahay, hadii dhinaca kale Usama bin Ladin iyo ururkiisa Al-qaa’ida wax siiyaan ayaga ayuu la safan yahay, hadba ninkii wax siiya ayaa saxsan ninka kalena wuu qaldan yahay.ninka noocaas ee ah wadaad calooshii ushaqeytaha ah waxa afkiisa ka baxaya waad la yaabeysaa hadduu yiraahdo wax baan wacdinayaa ama kitaab baan akhrinayaa, waxaad is oran kartaa ninkan wixii Ilaahay u abuurey ee ahaa in uu Rabbi keliya caabudo ma xasuustaa, mise wuu Iloobey? Ninkan wadaadka ah ee u adeegsanaya cilmigii Ilaahey siiyey in uu ku bariis raadsado muxuu Allah u abuurey? Ma in uu Raxmaan caabudo, mise in uu noqdo calooshii ushaqeyte hadba cidii wax siiya u dagaalama? Marka aan ka hadlo aniga rayigeyga qof ahaaneed, anigoo ogsoon in aan ahay qof bini aadan oo qaldima kara, waxaa iimuuqda in qayb siyaasiyiinteenii ka mid ah tigreey guursadey oo uu la’ aqal galay, qayb culumadeenii ka mid ahna uu Carab lacag haystaa guursadey oo uu la ‘aqal galey.waxaa laga yaabaa in aad tiraahdo xagee dhibaatadu inaga haysataa? Dhibka ugu weyn wuxuu inaga heystaa qayb culumadeenii ka mid ah ayaan doonayba in ay shaqeystaan oo ay dhididkooda cunaan. Laga bilaabo maalintii uu aqoon diineed waxka helay oo uu noqdey ardey aflaxay ama masaajid wax haku barto, ama machad islaami ah, ama jaamacad islaami wax haku bartee laga bilaabo maalintaas ilaa iyo intuu ka dhimanayo wuxuu doonayaa in la biilo isaga xaaskiisa iyo caruurtiisa. Hadba jamciyad carabi leedahay mushaar ha u raadsado. Wuxuu noqdey wax liita oo sida maydka oo kale ah, ama shinbir dhalatey oo dooneysa in afka wax loogu guro. Hadaad dhinaca kale wax ka eegto waxaa kuu soo baxaya in ninkani uu sheeganayo in uu salafi muwaxid ah yahay, hadana wuxuu caabudaa laba Ilaah. Allah wuu caabudaa isla markaana carabkii xoogaa lacag ah u qorana wuu caabudaa. Dhinaca kale hadaad wax ka eegto waxaa kuu soo baxaya ninkan wadaadka ahi waa naag marwa ah sababtoo ah isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisa waxaa biila nin carab ah dhinacuu doono hala safnaado ama boqortooyada ama mucaaradka. Sow wax lala yaaba maaha. “sheekhaagii waa la aroosi? Yaa aroosi hee? Carabkoo oo beeso heysta aa aroosi? Intees joogaa hee? Yaa Oghee? Waxaa laga yaabaa in aad aragto nin carab oo masaajidkii aad idinku dhisateen soo dhexfariistey ama ey uu ku adeegto oo dadka ugu sheekeynaya sheekooyin korka sare kamacaan, midnomo musliminta oo dhan, walaaltinimo, isjacayl, isxaqdhowr,is maqal,istaageerid,iskuqalbi furnaan, khilaafa islaam iwm. Waxaan rabaa in aan ku weydiiyo, dawlad uu derewal ka yahay carab cunsiri ah, oo kursi doon ah oo xitaa qofka u shaqeeya aanan xaqiisa siin, dabakafuulna uu ka yahay wadaad dadkeena ah oo ah calooshii u shaqeyste dhuuni qaate ah maxaynu ku magacaabi karnaa, ma khilaafa shaydaaniya? Mise khilaafa carabiya? Maxaa yeeley marna ma oran karno khilaafa islaamiya, sababtoo ah cadaalad meesha ma taalo, ee waxaa yaala waa dulmi. Waxaanu ku macnaykarnaa wadaadkan gumeysi carbeed iyo dhibka un noo soo wada “Hargamaran side, howli kama tegin, habaarna u dheer.” Ama “Kud ka guur oo qanjo u guur. Maanta dhibaanu ka cabanaynaa beritana dhib kale. Mar hadaadan dheefta waxba ku lahayn in aad dhibka la qaybsato waa doqonimo. Mashruucan ah Tiitiin sib, tiitiin talaal.

Khaa’inkan naftiisana dhibey, umadiisana dhibey ee noqday “Sac geesa fuufis qaba ma harsado lo’dana mahariyo.” Waxaan rabaa in aan su’aalshan ku wediiyo. “Waxaan wax ka badane Nin yahow ma uurkii hooyadaa miyaa lagugu gumeysan jirin?

Safiirka gumayska carabta oo khamiis iyo cimaamad soo xirtey. Safiirkii gumeysiga tigreega oo macawis iyo go’ shaal ah soo xirtey.Qaa’in cid walba qiyaamo kula socda, muslimka qiyaamo ayuu socdaa, gaalka qiyaamo ayuu kula dhaqmaa, qofkasta oo aamina qiyaamo ayuu kula dhaqmaa.Waxaa laga yaabaa in aad aragto masaajid aad lacagtaada keligaa ku dhisatey, ama aad waxka bixisey xoolihii lagu dhisayey, ama hooyo iyo aabo dan yar ah oo xaalkooda nololeed iyo culeyska saran Ilaahay un ogyahay lacag laga soo ururiyey lagu dhisay, aad ku aragto masaajiskii laysku ogaa caruurtiina diinta la’iidinku barayaa oo loo badalay Saldhigii gumeysiga iyo halkii adiga iyo ubadkaaga la’indinku adoonsan lahaa oo la’iidiin hoos geyn lahaa cida lacagta siisa. Fidnada halkaas laga hurinayo aad dhagaha faraha geliso la yaab darteed. Aad aragto carab gadhweyn oo masaajidkii lasoo dhex fariisiyey oo cauurta iyo maangaabka isaga dhigaya in Ilaahay soo direy, oo wax magaratada ugu sheekeynaya ninkii kooxdiisa yartaa ee khaa’iimiinta ah ku biirna in uu janada geliyo, inta diida riwaayadan beenta iyo khiyaayama isugu jirta ee uu maangaabka u dhigayo aysan ahayn muslimiin fiican, ama iimaankooda uu wax weyn si ka yahay, oo fahamka saxa ee diinta aysan fahmin, oo aad isweydiiso war ninkani muxuu ahaa? Xaguu naga soo galay? Ninkan carabka ee gadhka weyni waa sheekhaaga odagiisa, dumaka sadex dalqadood ayaa lagu qabaa, ee ma ogtahay in sheekhaaga sagaal dalqadood lagu qabo? Sadex dalqadood oo diinta ah, sadex dalqadood oo dadka ah, iyo sadex dalqadood oo dalka ah. Ninkani wuxuu biilaa sheekhaaga oo ah ma shaqeyste doonaya in afka wax loogu guro sidii xabad shinbir ah oo xalay dhalatay!
Waxaa laga yabaa in masaajidka aad kutukato aad aragto balaayo meel ay kamid iyo meel ay u socoto aad garanweydo, masaajidkii Ilaahay abeesada qamiiska xiran, maska cimaamda ku taagan, dib qalooca dharka bakistaaniyiinta soo gashtey, jebisada culimada iska dhigeysa, oo isugu jira maryooley iyo umado kale, intuu khamiis soo xirtey iska dhigaya saxaabadii rasuulka oo kale, in aad isweydiiso halaqyadan maxay doonayaan, waxay doonayaan in ay aduun iyo aakhiraba ku seegiyaan. Masiibadani xagey nagaga timid waxaa aaminsanahay in masiibadani ay sabab u tahay laba qodob.
• Geeridii ku timid ururkii Al-itthaad: - markuu geeriyoodey al-ittahad intaan cidadiiba dhamaan waxaa dumaal isu soo taagey laba ey oo midabkeena oo kale leh, luqadeenana ku hadlaya oo aan wax damiir iyo dadnimo toona kahayn, waxna aanan ka xishoon oo caadeystey hadba ninkii xoogaa lacag ah u dhiiba kabaha u qaada, hadaba maxay kala yihiin labadan ey? Waa ey calooshii u shaqeysta ah oo ay ku adeegato boqortooyada Al-Sa’uud iyo ey calooshii u shaqeystaa oo uu ku adeegto Usama Bin –Ladin iyo urukiisa Al-qaa’ida. Sidaad ogsoon tahay meel aan aduunka maamul lahayn majirto ama dadkii lahaa baa goobtaas maamusha, ama gumeysi ka faa’iideystey maamul la’aantaas. Meel haday dadkii degenaa maamul samaysan waayeen, waxay noqoneysaa in cid walba oo aan Ilaahayka ba qaynin ay isku dayaan in ay iyagu la wareegaan dadkaas dhiban iyo dalkooda oo maamul dabadhilif u ah oo danahooda u adeega ka dhisaan, waxaa maanta na haystana waa taas. Waxaa naga lumay hogaankii diinta.
• Qaar culumadeena ka mid ah oo markay wax bartaan doonayo in la biilo oo mushaar loo qoro intuu ka dhimanayo. Diinta, dadka iyo dalkana aan wax dan ah ka lahayn mar hadii isaga calooshiisa weyn uu cunto iyo cabitaanku filan u helay, ka dibna shahwadiisa meel uu ku shubo.

Suaal da weyn oo madaxa daalisa?

• Ninka soo urursada waxaad aragtey oo maangaab ah haduu amiirnimo sheegto oo uu yihaahdo waxaan ahay “amiir” maxaynu ku macneyn karnaa, ma amiirul muminiinbaa mise waa amiirul axmaqiin? Jawaabta adigaan kuu daayey.

• Ninka soo urursada waxaad aragtey oo calooshii ushaqeyte ah, oo waji fiican umada u muujinaya, weji baas oo khiyaamo iyo gumeysi kalkaalna uu uqarsoon yahay, oo leh calaamadihii munaafiqiinta lagu yiqiin oo ay ka mid ahayd in ay wejiyo badan yihiin, bal su’aal aan ku weydiiyee carabkaas kursi doonka ah ee na wareeriyey haduu amiirnimo sheegto oo uu yiraahdo amiir baan ahayd, maxaynu ku magacaabi karnaa, ma amiirul mu’miniinbaa mise waa amiirul munaafiqiin? Jawaabta adigaan kuu daayey.

Wixii laga xishoon jirey baa dadku xarogoonayaa.Bal hoos iyo kor u fiiri masiibadan taagan. Adeerkiis wuxuu ahaa basaasiintii gumeysiga talyaaniga, abtigiis wuxuu ahaa askartii gumeysiga ingiriiska, awoowgiis wuxuu ahaa askartii gumeysiga faransiiska, walaalkiis wuxuu ahaa basaasiint gumeysiga xabashida, isagu waxaa weeye calooshii u shaqeyte hadba ninkii xoogaa siiya u dagaalama.Waa shaydaan gadh leh, waxka xaaraan ah ma jiraan, qofkuu rabu wuu dili, caayi, aflagaadeen, sharaftiisa dhaawici, dacaayadeen, lug goyn, ku diri muslimiinta oo dhexdooda cadaawad joogta ka abuuri, aakhiro dan kama lama, wax xaaran ah maba jiraan, wax walba waa u xalaal dhiigaaga, sharaftaada, xoolahaaga, wuxuu rabuu sameynayaa si uu dana aduunyo oo uu leeyahay u gaaro. Wuxuu dadka ugu yeedhayaa cadaab iyo carro Alle. Fadlan waxaaad is barbardhigtaa bal labadan aayadood waxa ay ka hadlayaan iyo waxa maanta na haysata
وَجَعَلْنَاهُمْ أَئِمَّةً يَدْعُونَ إِلَى النَّارِ وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ لَا يُنصَرُونَ ( 28:41) Al Qasas
________________________________________
وَأَتْبَعْنَاهُمْ فِي هَذِهِ الدُّنْيَا لَعْنَةً وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ هُم مِّنَ الْمَقْبُوحِينَ (28:42) Al Qasas
“(41) Waxaana ka yeelley madax ugu yeedha Naarta, maalinta qiyaamana looma gargaaro. (42) Waxaan raaciyey adduunyadan lacnad, Maalinta qiyaamana waxay noqon kuwa la dheereeyey (La halaagay).”

Nin u baahan oo keliya in uu khamiis iyo cimaamad soo xirto, kadibna shaydaan shati uu siiyey, shatigaas oo ah in uu waxkaga sheegi karo qofkasta oo Muslim ah oo aan sharka uu wadaa aan la qaybsan, xisbi shaydaanka uu katirsan yahayna aanan ku biirin. Wuxuu cay iyo aflagaado ula taagan yahay habeen iyo maalin dhamaan culumada muslimiinta ah ee aan ka tirsanayn kooxdan canaasiirta ah ee ay isu bahaysteen in ay si qaldan ugu adeegtaan diinta Islaamka. Khaa’in in wax lagu darsado marna ma hoboona, ama dhib fara badan haku geeysto ama yuusan wax dhib ah kuu geysanin. Hadaad barwaaqeysan tahay iyo haday abaar xun ku hayso. Tusaale ahaan hadduu nin tuug ah oo soo xirtey qamiis iyo cimaamad, garkana sii deystey ku yiraahdo “lacag baan kuu soo dirayaa ee lumberka akoontigaaga isii, oo aad siiso, kadibna intuu hal dolar kuusoo diro akoontigaaga kala baxo kun dollar, maxaad faa’iidey? Waa runtiis oo lacag wuu kuusoo direy, laakiin qofka ka yeelay baa qaldan maxaa yeelay hal dollarna wuu kuu soo direy kuna wuu kaa xadey, waxaa kaa la mid ah midka inagu dhex jira ee culumo iska dhigaya umada dhibka kasaaraya laakiin dhibkiisi uu kun jeer ka badan yahay dheeftiisu, waxa uu noo tarayaa ay ka badan tahay waxa uu na yeelayo, tusaale ahaan waxaa laga yaaba masaajid uu dhisey in aad ku tukato ama ceel uu qodey aad biyo ka cabto adigoo ooman, caruurta uu ku yiraahdo Qu’aan baa kuugu dhigayaa iwm, laakiin uu kuu soo jiido dhib aad iyo aad uga weyn waxa uu kuu tarey oo uu ka dhigo degaaankaagii meel ay ku dagaalamaan inta boqortooyada Al-Sa’uud taageersan oo aduunka dushiisa ku nool isku wada dar muslimkooda iyo gaalkooda iyo inta Usama bin ladin iyo koodiisa taageersan muslimkooda iyo gaalkooda oo uu wadankaagii iyo dadkaagii ay ku baa baa’aan dagaal aan wax faa’iido ah oo kuu jirta aduun iyo aakhiro aysan jirin,sida afganistaan oo kale. Sida “Sagaaro way cabtaa iyo macabto” in raggaagi ay ku dhintaan ama ku dhaawacmaaan iyo wadankaagii uu noqdo goob colaadeed oo balaayo aadan wax shaqa iyo wax faa’iido haba yaraate aadan ku haysan isku eryato. Dhiiga wiilashaada iyo waalahaa ay ku daataan sheeko aad iyo aad raqiis ah carab reer waqooyi ah baa kursi laga kicinayaa, carab reer koonfureed ah baa lagu fariisinyaa. Maxaa dan ah oo inoogu jirta aduun iyo Aakhiro.

Carabta luga dhaadheer baa kuraasta ay ku fadhiyaan laga kicinayaa, carabta lugaha gaagaaban baa lagu fariisinayaa. Dawlada sacuudiga baa maamul fiican loo sameynayaa,
Ceelasha saliida ee kuweyd baa dayactir u baahan. Ninkii tiisa daweeya baa tu kale ku dara, wadankiisii hooyo buu dhibaatada ka taagan waxba ka qaban waayey markaas ayuu ku leeyahay meelo kale ayaan hagaajinayaa. Waa tii uu ka hadlayey abwaankii weynaa ALLAHA u naxariistee Xaaji Aadan afqalooc markuu yidhi.

“Haday boog kugu taalo, nin kale tiisu kaa dedene
Hadaad adigu tugur leedahay tootir iyo qaado
Mid kale in aad toosisaa waa tu aan dhicine.”

Dad war isuma hayaaan, qofna wuxuu soo dhaweynayaa oo uu durbaanka utamayaa gumeysigii oo uu u nacamleeynayaa habeeb iyo maalin, Qofna waxay ka taagan tahay, “ninkaas arigiisa uurkaan ka necebahay, ee aan ooyee albaabka ii xir.
Laba kala baridey kala war la’. War laysuma hayo qofna wuxuu uga soo cararey wadankiisii hooyo dhib ka carar, nina wuxuu doonayaa dhibkii aad kasoo carartey mid la mid ah in uu faraha kuu geliyo oo aad aduun iyo aakhiro seegto oo aad dhiig Muslim aad ku daadiso ama aad kaga qaybqaadato carab baa kursi laga kicinayaa, carabkalaa lagu fariisinayaa tiitiin siib, tiitiin talaal. Isma oga qof wadankiisii hooyo dhib darteed uga yimin iyo nin carab ah ama eygiisa afkeena ku hadla oo dhoonaya in ay dab cagaha kuu geliyaan

Khaa’in dhexda usoo xirtey in uu dabgeliyo dad masaakiin, iyo miskiin aan waxba kala ogeyni war isuma hayaan, ismana oga, hooyo iyo aabo qaxooti ah oo ubadkoodii kala soo cararey dagaal iyo tuug khamiis soo xirtey. Isma oga, Waalid diin jecel oo ubadkoodii masaajida keensanaya si wax loogu baro iyo khaa’in cimaamada usoo qaatay in uu caruurtan iibiyo oo uu ka dhigo askar calooshood u shaqeystayaal ah, war isuma hayaan.
Waa tii uu horey uga gabeyey abwaankii weynaa, darwiishkii caanka ahaa Ismaaciil mire Ilaahay naxariis iyo janno Allaha siiyee, markuu yidhi:-

Isma oga Ismiir iyo ninkii, ayro foofsadaye
Isma oga arbaha weerka iyo, adhiga goosmaaye
Isma oga waraabaha amliyo, awr la laayacaye
Isma oga atoor qadow bartiyo, uubta loo qodaye
Isma oga nin urugaysan iyo, iilka kii dhigaye
Isma oga dhillida uunsatiyo, awga taa'ibiye
Isma oga aqoon xume dhergiyo, Meleg Arsaa'iile
Isma oga agoon iyo ninkii, aabaheed dilaye
Isma oga askari qooqan iyo, nimaan afbuux siine
Isma oga abeer qalableh iyo, inanka doonaaye
Isma oga ugaadh iyo libaax, adamiyaystaaye
Waxba gabaygu yuu ila ordine, waxaan ku soo ooday
La illow nin Aakhiro tegoo, iilka hoos maraye.

Dhibaatada ina haysataa waxaa ka mid ah in aad aragto khaa’in oo isku magacaabaya magacyo fiifiicaan oo ay ka mid yihiin, Saaxiya, Daraawiish, mujaahidiin iwm.
Bal aan su’aal ku weydiiyo khaa’inow. Waxaad sheegtaa hal qof oo daraawiish ah ama Dariiqadii Saalixiya ah oo halgankii daraawiish intuu isaga baxay dagaal u aadey sucuudi carabiya si raggii halkaas ku dagaamayay uu xoogaa aduunyo uga helo? Hadaad adigu darwiish noqotey ama Saalixiya, yaa noqonaya calooshii u shaqeyste hadba carabkii wax siiya u dagaalama? Khaa’inkaas markuu hal talaabo horey u qaado, kun talaabo dib u baxaya, maxaynu ku magacaabi karnaa, ma horey usocbaa, mise waa dib u socod? Jawaabta adigaan kuu daayey.Gaajada ka bax baan guntiga u xirtaye, ma hadaan galay geerashkeedii. Gumeysiga ka xorooba baanu guntiga u xiranaye, ma hadaanu galney geerashkii gumeysiga.

Dad yaqaana qayaano oo keliya, sida wax loo dilo, sida wax loo dhaawaco, sida wax loo qarxiyo, sida dadka walaalaha ah ee is jecel lookala qaybiyo oo la isugu diro, laakiin wax wanaaga iyo khayr aan haba yaraatee aan shaqo ku lahayn. Koox isbahaysata ah oo cadaw ku ah aakhiradaada iyo aduunkaaga oo aan cadaalad iyo sinaan shaqo ku lahayn. Ayaa maanta in ay madax noo noqdaan oo na xukumaan durbaanka u tumanaya in uu isaga kaaya dhigo in uu yahay khilaafadii Islaamka oo doonayo in uu nagu xukumo qori caaradii, ma Abuubakar Sidiiq baa qabrigii kasoo baxay, mise waa mid abuubakar sidiiq cadaaladiisii u dhigma, mise waa carab xoogaa lacag ah haysa oo u dhigma Cabdullahi Ibnu Umaya Ibnu Salool madaxweynihii munaafiqiinta, ma xaqeena ayaa nala siin doonaa, mise waa nalooga dari doona? Markay qori caaradii nagu qabsadaan carabta lugaha gaagaaban, macadaalad baanu heli doonaa, mise dhamac kulul ayaa nala cabsiin oonaa? Ma raran kulul ayaa nala cabsiin doonaa, mise khayr baa soo socda? Allahayoow muxuu noqon doonaa ninkii awrkiisa lacag siistey? Allahayoow maxay noqon doonaan nimankan culumada sheeganaya ee khaa’imiinta ah ee diintoodii, dadkoodii, iyo dalkoodiiba lacag siistey? Maxaa khaa’in haysa, waan baahanahay bakhti looma cuno, waan oo manahay dhaan daba gaale biyo looma doonto. Wuxuu aniga iila mid yahay ninkan khaa’inka ah nin naftiisa ku qorey liiska ahlu naarka, ama intuu laba ragcadood tukadey Rabbi weydiistey in jahanama la geeyo.

R) FUDEYD
Waa cudur aad iyo aad u xun oo qofka bani’aadamka ee uu ku dhacaa dhibweyn u keena oo sabab ugu noqdaa in uu dhexbooda dhiila kasta oo uu maqlaa isagoon isweydiinin maxaa kuu sugan oo aad ka faa’iideysaa hadaad dagaalkan ka qayb qaadato? Tusaale ahaan, waxaa la yidhi waa baa waxaa safar u baxay wiil iyo aabihii si ay reerkoodii oo miyaga deganaa ay magaalada waxa ay u baahan yihiin uga soo iibiyaan, markay mudo soo socdeen ayay waxay maqleen qaylo ka baxaysa meel wadada u dhow, odeyga oo ahaa nin aad iyo aad u fudud ayaa amar ku siiyey wiilkiisii in ay ka wardoonaan waxa ay qayladu tahay, wey ku soo leexaan sawaxankii baxayey oo waxay arkeen in meeshu dagaal culus ka dhacayo oo laba reerood ay isku hayaan dhul, odeygii markuu xoogaa daawanayay dagaalka ayuu aad iyo aad uga heley siday raggu isu dilayaan, markaasii hadana amar kale soo jeediyey oo yidhi “aabo wiilkeygii fiicnaayow colka nagu kala dar, adiga qoladaas la safo oo u dagaalan, anigana qoladaas ayaan la safanayaa si aan dagaalka ugu qayb qaadano. Fudeykaas wuxuu sabab u noqday in wiil iyo aabihii ay galaan dagaal aysan wax shaqo ah ku lahayn. Waa tii la oran jirey “Shinbir duulis badanow hadaad degi aqoon weydey, Mar unbaad libaax labadiisa daan dalaq tiraahdaa’e
In ay eded door tahay baan isaga daayey.” Waa qof isagu dhib uun ka hela oo ay ugu baxdo dhiiga daadanaya, burburka, dhimashada iyo dhaawaca waa mid ka mid ah kiwi aynu oran jirney “Waa adigii rabigaa rasaasta ka baryaye, markay reentay
Roob makuu da’ay. Hadaba maxaa nala gudboon ma’ in aan dhexboodno mise in aan kafogaano balaayada taagan ee ah diin la’aan, dhiig muslin daadin iyo Alle ka fogaansho.
Fidnadan maanta taagan waxaa horey nooga digey Nebi Maxammed (csw) markuu yidhi:-

حدثنا أبو اليمان أخبرنا شعيب عن الزهري أخبرني أبو سلمة بن عبد الرحمن أن أبا هريرة قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : (ستكون فتن القاعد فيها خير من القائم والقائم خير من الماشي والماشي فيها خير من الساعي من تشرف لها تستشرفه فمن وجد ملجأ أو معاذا فليعذ به). رواه البخاري


“Waxaa dhici doona Fitnooyin, qofka ka fadhiyaa wuxuu ka fiican yahay kan dhex taagan, qofka dhextaaganina wuxuu dhaamaa kan dhex socda, kan dhex socdaana wuxuu dhaamaa kan dhex ordaya. Qofkii fitnadaasi qooraansada iyaduna way qooraansanaysaa. Qofkii hela meel uu uga gabbado ama meel uu ka magangalo ha magangalo”.

Waxaa talo oo dhan noo filan in aan qaadano xadiiskan oo aanu ka fogaano balaayadan taagan iyo in dhiig ku daato oo uu goob colaadeed noqdo xaramkii barakeysnaa.
Hadaad leedahay anigu dhexdhexaad noqon maayo ee labadan qolo ee dagaalmayaa qoladeen la saftaa, ma Al-Sa’uud mise Usama bin Ladin iyo ururkiisa Al-Qaa’ida? Waxaan ku leeyahay su’aashaas waxaa horey loo weydiiyey ninkii juxaa la oran jirey “waxaa la yidhi ninkii juxaa oo mayd qabri loo wado la socda (jinaaso) ayaa wiil yar oo maydkii la socdey juxaa su’aal weydiiyey, oo yidhi “Adeer juxaa marka maydka lala socdo maxaa la sameeyaa, miyaa maydka la horsocdaa, mise waa la daba socdaa? Ma dhinaca midigta ayaa laga socdaa, mise dhinaca bidixda? Juxaa ayaa wuxuu wiilkii yaraa ugu jawaabay sidan “wiilyahow markaad maydka la socoto, hadaad rabto horsoco ama ka danbee, ama midig ama bidix ka soco, al muhimu (waxaa muhiimka ah) waxaa weeye midka la sido ee dhintey ha isku noqonin. Waxaan qisadaas qosolku jiro kuugu keenay in aan ku wargeliyo “muhiimadu waxaa weeye gacmahaaga dhiig Muslim ka ilaali, sababtoo ah wax macnaa kuu samayn mayso aduun iyo Aakhiro guusha Al-Sacuud ama Usama bin Ladin iyo kooxdiisa, waxa macna weyn kuu samaynaya waxaa weeye in aadan ku dhagaroobin “tiitiin siib, tiitiin talaal.” Carab baa kursi laga kicinayaa carabkalaa lagu fariisinayaa.
f) Xukun iyo xoolo Jacayl:-
Waa cudur aad iyo aad u xun oo sabab u noqon kara in labadii xukun ama madaxtinimo isku hayaba in uu la safto midkuu is leeyahay xil ayuu kuu dhiibi doonaa, ama loo magacaabey in jago la siin doono sida “wasiirka bacaadka shalambood.” “Xoghayaha joogtada ah ee xalwada.” “Agaasima guud ee sambusaha.”Si uu u dhagaroobo oo aduun iyo Aakhiro u seego oo dhiigh badan oo Muslim u daadiyo. Waxaynu ku macneykarnaa qof waxku qiimeynaya ninkii aniga xil iimagacaaaba ayaa saxsan, qofkii wax xil ah aanan iimagacaabina wuu khaldan yahay. Ninkii aniga wax isiiya ayaa saxsan, ninkii i qadiyana wuu qaldan yahay. Rasuulku (scw) isagoo arintaas maanta taagan nooga digaya wuxuu yidhi:-

: ( عن أبي هريرة عن النبي صلى الله عليه وسلم قال تعس عبد الدينار وعبد الدرهم وعبد الخميصة إن أعطي رضي وإن لم يعط سخط تعس وانتكس وإذا شيك فلا انتقش).

رواه البخاري

“Waxaa hoogay adoonka dinarka caabuda iyo adoonka dirhamka caabuda iyo adoonka dharka caabuda, hadii wax la siiyo raali ayuu noqonayaa, hadaan wax la siinina wuu caroonayaa, ha hoogo, haday qodaxi mudo lagama saaro.”

Waxaa nalooga digayaa in aan wax ku qiimeynayno wax siin oo hadba kii xoogaa noo dhiiba aan sidii Rabbi (sw) oo kale aanu risiq weydiisano. Haday laba qaybood oo muslimiinta ka mid ah uu dagaal dhex maro maxaa inala gudboon in aan samayno? Waxaa arintaas ina baraya Rabigii na abuuray (sw) markuu yidhi:-
وَإِن طَائِفَتَانِ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ اقْتَتَلُوا فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا فَإِن بَغَتْ إِحْدَاهُمَا عَلَى الْأُخْرَى فَقَاتِلُوا الَّتِي تَبْغِي حَتَّى تَفِيءَ إِلَى أَمْرِ اللَّهِ فَإِن فَاءتْ فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا بِالْعَدْلِ وَأَقْسِطُوا إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ (49:9)
إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ (49:10)
“(9) Haday labo qolo oo mumiinta ah dagaallamaan heshiisiiya dhexdooda, haday midi ku xadgudubto tan kale la dirira tan xadgudubtey intay amarka Eebe uga noqoto (xaqa aqoonsato), Haday u noqotana si caddaalad ah u wanaajiya dhexdooda una garsoora, Eebe wuxuu jecel yahay kuwa garsooree. (10) Muminiinta waa un walaala, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Eebana ka dhawrsada, waxaad u dhowdihiin inuu idiin naxariistee.”
S) Dabshid
Waa qof dhib iyo xumaan kula dhexnool dadka muslimiinta ah, haduu arko laba qof oo wax dhexmareen oo loo garnaqayo waa ciidiisii, wuxuu isku dayayaa in uu dabka sii shido oo uu kala kaxeeyo si aysan weliqood labadaas qof, ama reerood weligood u heshiinin: waxaa tusaale inoogu filan ninkan: - waxaa la yidhi islaan waayeel ah oo caruurtey ayayda u ahayd ay xaasas leeyihiin iyo odegeedii ayaa is qabtey markaas ayaa islaantii ayeeyada ahayd codsatey in lasoo dhex galo iyada iyo odageedii. Waxaa la yidhi markii ay odayaashii guriga soo fariisteen oo ay rabeen in ay arinta ka hadlaan ayay islaantii adkaysan kari weydey oo ay gurigii soo gashay isla markaana ay hadalkii bilawday oo ay tidhi “Odayaal inta aan shirka la bilaabin, ninka hebel la yiraahdo shirka halaga saaro, maxaa yeeley waa lixdan iyo dhowr jir aan weligiis khayr ka shaqeynin, labadii is qabtaba wuu sii kala eryaa” hala yaabin duqdaan maxaa yeeley waxay ogayd hadii uu shirku furmo isla markaan manaxe (dabshid) uu odayaasha dhex fadhiyo in reerkaas dumayo, iyaduna diyaar uma ahayn in la furo oo reerkeedu dumo.

Sh) Qabiil Caabud
Waa qof waxku qiimeeya qabiil oo haddii uu arko qof ay isku qabiil yihiin la safta sax iyo khalab marhaduu qabiilkeyga yahay waan taageerayaaa ama ha saxsanaado ama ha qaldanaado.wuu isla quman yahay oo wax laga xishoodo ku xargoonayaa. Waxaa laga yaabaa in aad aragto isaga oo ku sheekeynaya Ma ogtahay Ina adeerkey baa hogaamiye laga dhigey? Haddii Ina adeerkiis uu yahay Nin xun oo aan dadnimo iyo damiir xishooda mibna lahay wuu taageersan yahay. Haddii Ina adeerkiis uu yahay calooshii u shaqeyte hadba ninkii shilin siiya u dagaalama wuu taageersanyahay. Hadaad runta u sheeegto oo aad tiraahdo Ina adeerkaa waxba ma’aha, ee waa ey colooshii u shaqeyte ah oo hadba carabkii xoogaa u dhiiba kabaha u qaata, waxaad arkeysaa isagoo caroodey oo xitaa salaanta kula dhinac maraya sidii laba qof oo aan is aqoon oo kale, runta aad u sheegtey darteed. Habeen iyo maalina u taaqan in uu difaaco khaa’inkan ay isku qabiilka yihiin, Rabbi isagoo taas nooga digaya in aan khaa’imiinta difaacno, wuxuu yidhi:-

إِنَّا أَنزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ بِمَا أَرَاكَ اللّهُ وَلاَ تَكُن لِّلْخَآئِنِينَ خَصِيمًا (4:105)alnisaa

“(Al-nisaa) Anagaa kuga soo dejiney kitaabkan si xaq ah in aad ku kala xukunto dadka dhexdiisa wuxuu ku tusiyo Eebe, hana u noqonin khaa’in u doode.”

Ina adeerkey baa duub loo xirey oo uu daba socdaa, inta ay ina adeerkii ay nimankaas carbeed lacagta siinayaan wuu taageersan yahay oo raali ayuu ka yahay in ay carabi gumeysato mar hadii ina adeerkii xil loomagacaabey, ilsa markaana mushaar loo qorey. Maalinta ina adeerkii xoogaaga lacagta ah laga gooyo ayuu bilaabayaa in uu macaarad noqdo oo uu heeryada gumeysiga diido.waxaynu ku magacaabi karnaa qabiil caabud, maxaa yeeley waa qof qabiil wax ku qiimeynaya, haduu ina adeerkii saxsan yahay iyo haduu qaldan yahay wuu taageersan yahay oo uu lasafan yahay. Wuxuu xarago iyo sharaf moodaa wixii laga xishoon jirey.in badan ayaad maqashay xoghayaha joogtada ah ee xisbiga, weligaa ma maqashay xoghayaha joogtada ee qabiilka?

DH) AARGOOSI INDHALA
Waxaa ka mid ah aargoosasho ku socota indha la’aan oo aad iyo aad u foolxun oo
Macnaheedu yahay nimankii xaqayga iidiidey ee anoon wax danbi ah gelin xabsi igeeyey kuligood waa ii wada cadaw, iima kala sokeeyaan, magaalooyinkooda ha gubtaan, dadkoodu ha baaba’aan, dalkoodu ha burburo, wixii sacuudiga dab gelinaya waa iisiman yihiin. Wixii nimankaas la dagaalmaya waa taageerayaa waxa ka danbeeya khayr iyo shar wuxuu doono ha noqdo.wixii sucuudi magaalooyinkooda gubaya waa taageerayaa haduu doono Ibliis ha noqdo, waxaynu ku macnaynkarnaa nin Sacuudiga nolol u doontey oo kadibna dhib loo geystey oo doonaya in uu aargoosto, dabadeedna bilaabay qof Ala iyo qofkii yiraaha sacuudigaan la dagaalayaa taageera, isagoon u kala soocneyn cidii dhibaatada u geysatey iyo cid kale. Raxmaanka nafta na geliyey isagoo arintaas nooga digaya wuxuu yidhi:-
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ كُونُواْ قَوَّامِينَ لِلّهِ شُهَدَاء بِالْقِسْطِ وَلاَ يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلاَّ تَعْدِلُواْ اعْدِلُواْ هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى وَاتَّقُواْ اللّهَ إِنَّ اللّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ (5:8)
“Kuwa (xaqa) rumeeyow noqda kuwa istaaga (u darban) dar Eebe oo ku marag kaca caddaalad yeyna idinku xambaarin cadhada qoom in aydaan cadaalad falin, Cadaalad fala iyadaa u dhaw dhawrsashada (Eebe) kana dhawsada Ilaahay, Eebe waa ogyahay waxaad falaysaan.”(Al-maa’ida 7)



C) Bilaash xayte
Waxaanu ku macnayn karnaa nin wuxuu arko dhexbooda isagoon cimli fiican u lahayn, tusaale ahaan “waxaa la yidhi nin wadaad ah ayaa wuxuu u yimid niman xer ah oo meel degan, markaasuu nimankii wareystey waxa dhibaato in ay haysato, waxay duruus u baahan yihiin in laga caawiyo, markaas ayay ugu jawaabeen sheekh waxaan u baahanahay in naloo akhriyo kitaab naxwa ah, markaasuu wadaadkii ugu jawaabey berito isu kaaya keena anigaa idin akhrinaya wax alla iyo wixii naxwo ah ee aad u baahan tihiin, ayaan darro wadaadku wax aqoon fiican ah uma laha ee waa dadka iska dhiga in ay yaqaanaaan waxkasta ee lagu magacaabo “waxkasta waan daadshay”, sidii balantu ahayd ayay nimankii xerta ahaa soo camireen masaajidkii si ay kitaabka naxwaha ah u dhageystaan. Sheekhii in tuu yidhi darsi baan aqrinayaa ayuu wixii oo dhan isku laaqay markaas ayaa xirtii waxaa kasoo harey yaab iyo isfiirin, wadaadkii nin rageedka ahaa ayaa markuu kitaabkii dhameeyey, su’aal weydiiyey nimankii xerta ahaa oo yidhi ma fahanteen? markaas ayaa raggii iska aamuseen oo madaxa hoos ufoorariyeen, rag meel isugu yimid mid af adag lagama waayee, mid xertii kamid ah ayaa sheeshii u jawaabey oo runta u sheegay oo ku yidhi “sheikh maxaanu fahanaa kitaabkan aad akhrineyso, adiga qudhaada ayaan fahansaneyn waxaad akhrineyso.” noocaas waa nooca dadka ugu sheekeeya wax walba waan daadshey, magacaad doonto ugu yeedh “xariif tuulo” ama “jaahil dhagaxiran”.

Waxaa laga yaabaa in aad isweydiiso su’aashan maxaad la aamusnayd mudo aad iyo aad u dheer hadaad warbixintaan aad hayso? Walaal waxaan mudadaas dheer la aamusnaa in aan banaanka soo dhigo shilqoolada, qiyaaamooyinka, beenta, wax isdaba marinta, iyo munaafaqiinta Muslinimada sheeganaysa ee basaasiinta dawladaha aduunka ku dhexjirta
oo dantooda ugu weyn ay tahay in ay shirqool u dhigaan, qofkasta oo Muslim ah oo diida in uu “xisbi sheydhaankooda” xubin ka noqdo ama dagaal fidnaha dhexgalo, ama diida in uu xaramka xurmada leh dhexdiisa xabad ka rido, ama diida in uu gubo Maka u qoda god dheer iyo xabsi. Waxaan qaatey siyaasadii suldaankii markuu yidh:-

Allahyow nin ii daran maxaan daarta hore seexshay
Nin I daaqsanayana maxaan daafida u kariyey
Jidhku nimuusan doonayn maxaan hadalka deeqsiiyey
Ma degdegee xaajada maxaan rag u dul qaad yeeshay.

Waxaan doonayay in ay godka ay masaaakiinta muslimiinta ah ee aan wax danbi ah galabsan ay uqodeen in ay ayagu ku daataan oo ay noqdaan “Bohol hadimo ha qodin, hadaad qodona ha dheereen ku dhici doontidna ma ogidee” ama “God qiyaamo ha qodin hadaad qodiddna ha dheereen ku dhici doontidna ma ogidee.” Waxaan niyada kuhayay oo aan aaminsaa in khaa’inkan laba wejiilaha ah ee masaajidka nagula tukanaya iyo gaangiistarada gadhka waaweeyn ee soo dirsaday ay hanjabaadooda ka dhabeynayaan oo qofkasta oo muslim ah oo diida sharkooda in uu ka qaybqaato ay debin intii awood ah ay u dhigayaan oo ay ka adeejinayaan waxa alla wixii iyagana u shaqeeya oo mushaarka qaata,isla markaana dawladaha aduunka ka dhisan ciidamadooda sirdoonka u shaqeeya, si’ay kuwa kele u cabsiiyaan, oo u yiraahdaan qofkii nagu soo biiri waaya oo “xisbi shaydaanka” xubin ka noqon waaya shaqaa laga qabanayaa.waxaan u aamusnaa in ay khaa’imiintu hurdada,kibirka iyo isla weynida ay ku jiraan ay isku iloobaan oo wax walba oo xun ay ku sheegaan inta gumeysiga nicib, iyagoo isleh marna beenta aad akhrineysaan laydinkama daba iman doono,oo iska dhaadhiciyey in ay dhamaan dadka oo idil siri karaan weligoo, khaa’in, lawa wejiile waxaan rabaa in aan markale dibkuu xusuusiyo maahmaadan uu yidhi Abraham Lincoln.
“"You can fool some of the people some of the time, and all of the people some of the time, but you can't fool all of the people all of the time." Abraham Lincoln
“Waad siri kartaa dadka qaar ka mid ah ama kuligood muddo kooban, laaliin ma dhici karto in aad mar walba dadka oo dhan aad sirtid.”


Waxaan kuu sheegayaa in aad ku qasban tahiin xadiiskan, barya maaya waa sandulle, sandulle weeye in aad xadiiskan barato oo aad ku camal fasho.
حدثنا محمد بن المثنى حدثنا الوليد بن مسلم حدثنا بن جابر حدثني بسر بن عبيد الله الحضرمي أنه سمع أبا إدريس الخولاني أنه سمع حذيفة بن اليمان يقول : (كان الناس يسألون رسول الله صلى الله عليه وسلم عن الخير وكنت أسأله عن الشر مخافة أن يدركني فقلت يا رسول الله إنا كنا في جاهلية وشر فجاءنا الله بهذا الخير فهل بعد هذا الخير من شر قال نعم قلت وهل بعد ذلك الشر من خير قال نعم وفيه دخن قلت وما دخنه قال قوم يهدون بغير هديي تعرف منهم وتنكر قلت فهل بعد ذلك الخير من شر قال نعم دعاة على أبواب جهنم من أجابهم إليها قذفوه فيها قلت يا رسول الله صفهم لنا قال هم من جلدتنا ويتكلمون بألسنتنا قلت فما تأمرني إن أدركني ذلك قال تلزم جماعة المسلمين وإمامهم قلت فان لم يكن لهم جماعة ولا إمام قال فاعتزل تلك الفرق كلها ولو أن تعض بأصل شجرة حتى يدركك الموت وأنت على ذلك).

رواه البخاري






“dadku waxay Rasuulka weydiin jireen waxa kharka ah, aniguna waxaan weydiin jirey sharka anigoo ka baqaya in uu igu dhaco, waxaan Rasuulka(csw) weydiiyey waxaanu ku jirney jaahilnimo iyo shar, adigaa Allah(sw) noo kaa soo direy khayrkan, ee khayrkan wax shar ah maka danbeeyaa? Haa buu yidhi. Oo sharkaasna khayr ma ka danbeeyaa? Haa buu yidhi, oo waxaa ku jira qiiq, oo qiiqu muxuu yahay? Wuxuu yidhi waa dad ku socda waxaan aniga hadyigeyga ahayn. Waxna waad garan, waxna waa diidi. Waxaan iri khayrkaas wax shar ah ma ka danbeeyaan? Haa buu yidhi, kuwa dadka ugu yeedhayada albaabada jahamana, qofkii yeela waxayku tuurayaan jahanma, waxaan idhi Rasuukii(scw) Ilaahayow noo sifee, wuxuu yidhi waxay leeyihiin midabkeena, waxayna ku hadlayaaan luqadeena. Maxaad I amraysaa hadaad kuwaas soo gaaro? Waxaa ku xirnaaneysaa jamaacada muslimiinta iyo imaamkooda (Amiirul Mu’miniin), Bal ka waran hadaysan jirin, jamaacad muslimiin ah oo isku xiran iyo imaamtoona? Wuxuu yidhi ka fogow dhamaan firqooyinkaas oo dhan, xitaa adigoo qaniinsan geed xididkii geeridu hakuu timaado.”

Hadaad xadiiskan barataan oo aad ku camal fashaan way idiin fiican tahay oo dad badan oo muslimiin ah oo dhexdhexaadka ah loolanka siyaasadeed ee Al-Sacuud iyo Usama iyo ururukiisa ayaad kala nabad geleysaan,hadaad diidaan oo ku wadaan siyaasadiina madaxa ku socota ee ah talada iyo dheefta carab cunsira ah baa iska leh, dhibaatadana qasab baan nagula qaysanaysaan oo qofkii diida wuxuu noqonayaa,mid la dilo, mid la xidho oo waxa basaas noo shaqeeya ee dawladaha aduunka ku dhex jira ay shaqo fiicanka qabtaan iyo xabsi daa’in, iyo mid dacaayad suuqa looga saaro. Ku bishaareyso “nabada iyo wanaagii hadaad diidey” beentu maalmo kooban un bay shaqeyneysaa, wixii intaa ka danbeeya waxaad tihiin adiga iyo basaaska kuu shaqeeya ee dawladaha aduunka ku dhex dhuumanaya waa la’idin ogaan doonaa Insha Allah. Eyga basaaska ah ee aad noogu hanja beysaan ee aad isku haleyneysaan sidii Allah (sw) oo kale, wuxuu noqon doonaa sadex mid uun Insha Allah mid beentiisii lawada ogaadey oo dhuudhuumo bilaabay goor ay dhamaan doonto Allah keliya ogyahay, labadii mushaarna laga gooyey oo uu afku ka weynaadey, mid baaritaanku socdo iyo mid xabsi galay oo muslimiintu dhibkiisa ka nasteen.

Hadaad diideen hadalkii Ilaahay iyo cadaaladii Islaamka lagu yiqiiney, hadaad diideen Sunadii Nebi Muxammed (csw) iyo jidkii toosnaa ee ahaa in muskimiintu is nabad geliyaan oo ay is xaq dhowraan oo midna uusan midkale ku xad gudbin, hadaad diidey in aad arsaaqda ku raadsataan wado xalaal ah, oo mabda’aagu uu yahay “waxaan ku cuninba waa la cunaa.” Hadaan go’aan satay in aadka ganacsato dhiiga muslimiinta inta diida in la gumeysto, oo aad rarato sida dameeraha, xisaabta ku darso khiyaamada daba maryada, beenta iyo laba wejiilenimadau maalmo tirsan un bayshaqeynayaan, kadibna waa lagu ogaan doonaa insha Allah in aad tahay beenaale weynaadey oo labada qolo ee dagaalameysa qolo walba mushaarka qaata, ku bishaareyso hadii beentaada iyo khiyaamadaadu ay shaqeeyaan maskiin badan oo Rabbi(sw) u qorey oo aan wax danbi ah aanan galabsan ayaa xabsi geli, laakiin haddii lagu ogaado waxaad faylalka dawladaha ka buuxisey in ay ahaayeen been oo aad soo farsameysay si’aad laba mushaar u qaadato, waxaad maalmo fara badan xafiisyada dawadaha aduunka geynaysay ay ahayd been iyo dicaayad aanan jirin oo aad ka fidineysay kuwa sharkaaga diidey, ku bishaareyso aw khaa’inow in uu xaqu maalin un dilaaci doono oo ay beentu soo gabagaboobi doonto Insha Allah. Adigu isku hale oo aamin khiyaanadaada iyo lacagtaada, anaguna waxaan isku haleyneynaa Rabbiga dunida isla leh oo wax walba abuurey ee khaa’inkana nicib.
Haddii Ilaaha awooda leh yiraahdo tiisa un bay noqone, laba mid un bay noqon, in miskiinka muslimka ah ee aad debinka u dhigtay ama adiga mud unbaa cadaabta mareykanka gali “Federal Prison.” oo la oran inta albaabka laga furo kusoo dhawow cadaabta mareykanka “Wellcome to American Hellfire.”

Waxaan u aamusnaa in ay isdhigtaan oo ay isuqaataan in aan marna laga dama imaan doonin beenta iyo khiyaamada ay kala wadaaan. Waxaan u aamusnaa in waa xun uu u baryo khaa’imiinta gadhka leh ee khamiiska soo xirtey ee inagu dhexjirta iyo midka kusri doonka ah ee soo dirsaday ee mushaarka siiya, ay u kala baxaan sadex qaybood mid Muslim iyo gaalba ay wada ogaadeen oo carara oo dhuudhuumasho ku dhamaysta saacadaha nolashiisa ka hartay, labadii mushaarna laga gooyey, afkuna ka weynaadey, mid baaritaan ku socdo oo hurdo la’aan ku dhacday oo habeen walba ka fikiraya tolow ma caawa saqda danbe ayaa laba dible laguu katiinadeynayaa,mise habeen danbe, tallow beentii aad maalin hebla geysey xafiifka, haduu sargaalku isha ku dhufto isama daqiiqadood ayaa lagugu katiinadeydoonaa, tallow adigoon katiinadeysneyn waagu makuu beryo doonaa, goormaa xabsi laguu taxaabi doonaa, oo ay dhibkiisa iyo khayladiisa ay jiif iyo joogba u diidey wixii la dersa oo ku haya habeen oo idil sidan, sidii odeygii la eryadey ee ciidanku daba socdeen “waxbaa sharqamaya, waxkalaa soo sharqamaya, aamusa, aamusa, war naga aamusa, waxbaa sharqamaya, waxkalaa soo sharqamaya, waxbaa sharqamaya, waxkalaa soo sharqamaya.”Oo la ogaado in uu laba qolo oo dagaalamaya in uu qolo walba u shaqeynayay oo uu ahaa laba wejiile (double agent) oo la ogaado wuxuu war keenayay in ay ahaayeen been ay soo farsameey ragay raadinayeen. Waxa u shaqeynayay ee ay mushaarka siinayeena uu ahaa kuwii ay raadiyeen qaarka mid ah, waxay habeen iyo maalin daba taagnaayeena ay ahaayeen qaar aan riwaayadan wax shaqo ah ku lahayn oo rarka iyo gumeysiga diiday, iyo mid la xukumay oo loo geeyay saxiibkiis,macalinkii weynaa, basaaskii weynaa ee riwaayadan hore fara uga gubtey (Robert Hanssen).

Kadibna gaangiistarada gadhka waaweyn ee soo dirsaday eydaan masaajideena dhexfadhiya ee na wareeriyay ay siyaasadooda bedelaan oo u ogolaadaan in uu qofka muslimka ahi uu xor yahay oo uu diidi karo wuxuusan rabin, cid qasbi kartaana aysan jirin. Oo hada wixii ka danbeeya ay nabadgelyo buuxda siiyaan qofkasta oo Muslim ah oo diida in uu ku biiro “Xisbi Shaydaanka” ama “dhiig muslim daadiyo.” Haday taas diidaan ay ogaadaan in ay ayagu ku guban doonaan dabka ay shideen, haday debin u dhigeena qof Muslim ah oo wax danbi ah aanan galabsanin in ay ayagu ku dhici doonaan debinkaas Insha Allah, oo ay indhahooha ku arkaan in ayka mid yihiin kuwa ay ayaadan la hadlayso,
اسْتِكْبَارًا فِي الْأَرْضِ وَمَكْرَ السَّيِّئِ وَلَا يَحِيقُ الْمَكْرُ السَّيِّئُ إِلَّا بِأَهْلِهِ فَهَلْ يَنظُرُونَ إِلَّا سُنَّتَ الْأَوَّلِينَ فَلَن تَجِدَ لِسُنَّتِ اللَّهِ تَبْدِيلًا وَلَن تَجِدَ لِسُنَّتِ اللَّهِ تَحْوِيلًا (35:43) Faddir

“Isku kibrin dhulka iyo dhagar xun darted, dhagarna xumaan waxaan ahayn ehelkiisa kuma dhaco ee miyaad sugaysaan waxaan wadadii kuwii hore ahayn, mana heleysid sunnnada Eebe wax badala, ma helaysid sunnada Eebe wax wareejiya.”

In ay qasab idinku tahay, maaha baryo in aad nabad geliysaan dhamaam muslimiinta aan fidnada taagan diyaarka u ahayn inay ka qayb qaataan, oo ay sandulle idinku tahay maaha baryo, waa sandulle in aad qaadataan oo aad isu sheegtaan in aydaan cidna qasbi Karin.


Walaal waxaan filayaa in aan hadalka kugu badiyey, laakiin bal aan ku weydiiye dheriga maxaa karka ka keeney? Saw maaha kuleylka dabka ku shidan? Marka ha’ila yaabin, sababtoo ah waxaa hore loo yidhi “far keliya fool ma dhaqdo.” Mar hadaanan awood u lahayn in aan labadan gumaysi iyo eydooda in aan umada ka qabto, oo waxa keliya oo aan sameynkaraa ay tahay in aan ku baraarujo oo waxa jira kuu sheego, si’aad adigana kuwa kale aad usii baraarujiso. Walaal waxaan anigu aamin sanahay in ay isagu kaaya mid yihiin, in uu faransiis na gumeysto, ama in uu ingriis na gumeysto, ama in uu tanyaani na gumeysto, ama in uu axmaar na gumeysto, ama in uu tigreeyna gumeysto, ama in uu carabna gumeysto waa isku mid, maxaa yeeley gumeysi waa gumeysi. Waxaan aaminsanahay in ay TPLF na gumeystaan, ama in ay AL-QAACIDA na gumeysato ay isku mid inoo yihiin, sababta oo ah gumeysi waa gumeysi, diintuu doono ha haysto, midabkuu doono ha lahaado, luqaduu doono haku hadlo, gumeysi waa gumeysi.Waxaan aaminsnahay in uu Males Senawi na gumeysto ama Usama Bin Ladin na gumeysto in ay isku mid inoo yihiin, sababta oo ah gumeysi waa gumeysi. Gumeysi waa gumeysi, Gumeysi waa gumaysi.

WARARKII UGU DANBEEYAY

BBCSomali.com | Wararka | Somali News index