ENGLISH NEWS

Daah-furka Buugaagta ee DUBAI iyo Qoraaga Maxamed Bashe

Dadka Soomaalida ah ee wax-akhriska iyo suugaanta xiiseeya ee ku dhaqan waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa lagu wargelinayaa in galabnimada Khamiista ee habeenka Jimcuhu soo gelayo ee maalinta ugu horraysa sannadka cusub ee 1st Jan. 2009 lagu daah-furi doono magaalada Dubai ee dalka UAE buugaag saddexan ah oo laga qoray Soomaalida iyo waayaheeda.Buugaagtaas saddexanka ah waxa qoray Maxamed Baashe X. Xasan oo habeenkaas goob-joog noqon doona xafladdaas daah-firka. Buugaagtu waxa ay kala yihiin:HAL AAN TEBAYEY: Baal-taariikheedkii iyo Gabayadii Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc):GURI WAA HAWEEN: Kartida iyo Kasmada Haweenka SoomaalidaHAL KA HALEEL: Sooyaalka iyo Suugaanta HadraawiXafladda buugaagtaas lagu gardaadinayo, waxa ka qayb geli doona dad magac weyn ku leh bulshada dhexdeeda oo ay ka mid yihiin aqoonyahano Soomaali ah, Odoyaal, haween, wiilal iyo gabdho u heellan suugaanta Soomaalida. Waxa laga wada imanayaa dhammaan magaalooyinka ugu dhowdhow Dubai ee Imaaraadka Carabta dhammaantiis iyo waddamada la jaarka ah sida Cummaan iyo Qatar." Abwaan Cali Sugulle Dun-carbeed ayaa ka mid ah abwaannada habeenkaas xafaladda ka qayb qaadanaya.

Goorta: Galabta Jimcuhu soo gelayo 1st Jan 2009 (7 PM- 11 PM)
Goobta:. AL BUSTAN CENTRE (HOTEL)
Al Nahda Road - Al Qussais (behind Ahli Club)
The Hall is near the food court
Dubai ,UAE Tel: 971-4-263-0000
Website:www.al-bustan.com
Contacts in Dubai:
971-50-715-8155
971-50-504-7763 Somali Book Launch in Dubai,


FOLLOW and JOIN to Get Update!

Social Media Widget SM Widgets




Demo Blog NJW V2 Updated at: 5:32 ص

0 التعليقات:

WARARKII UGU DANBEEYAY

Search

Bottom 1

Bottom 2

Bottom 3

Bottom 4

Qaybaha wararka

Halkan Nagala soo xiriir

الاسم

بريد إلكتروني *

رسالة *

Web Stats

    Google+ Badge

    Archive